Sign in to follow this  
Meiji

2nd day of heavy fighting in Gaalkacyo

Recommended Posts

Meiji   

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maalintii labaad ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug iyo Barakac ka dhashay.

 

Shabelle: GAALKACYO

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta gudaha Magaaladaasi uu ka qarxey dagaal xoogan kaasi oo la sheegayo in uu daba socodo kii shaley halkaasi ka dhacay.

 

 

 

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu u dhaxeeyo Ganacsato kasoo jeeda dhanka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Ciidamada Dowlada Hoose ee Puntlad, waxaana dagaalkaasi ka dhashey qasaaro xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

 

 

 

Inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ka qarxey gudaha magaalada Gaalkacyo ku dhantey 8-ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacayada dagaalamayey waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad ilaa iyo 25-oo rayid u badan.

 

 

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dadka uu dagaalka u dhaxeeyo waxaana wararka qaar ay sheegayan in ay is heystaan beelo kala dega Koofurta iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,Hase ahaatee dagaalkan ayaa waxaa uu cabsi xoogan uu ku abuuray dadka ku dhaqan magaaladaasi iyadoona lasoo sheegayo in ay hakad galeen ganacsiga iyo isu-socodka dadka iyo Gaadiidkaba.

 

 

 

Waxaana sidoo kale la sheegayaa in guud ahaanba magaalada Gaalkacyo si aad ah looga maqlayo,Madaama labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka noocihiis kala duwan.

 

 

 

Dadka ku dhaqan qaar kamid ah Xaafadaha Magaaladaasi ayaa waxaa ay sheegeen in meelaha qaarkooda ay kusoo dhaceen tiro madaafiic ah iyadoona aan si dhab ah loo agoon qasaaraha Madaaficdaasi ay geysteen.

 

 

 

Dhanka kale iyadoo dagaaladaasi ay ka socodaan gudaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hadana la sheegayaa in magaalada uu ka bilowday barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka xaafadaha ku dhaqan.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee Odoyaasha magaaladasi ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu qaboojiyo dagaalkan kasoo cusboonaadey magaalada Gaalkacyo e Xurunta Gobolka Mudug in kastoo wali aaney jirin wax hadalo ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha magaaladasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nine killed in northern Somalia clashes: elders

(AFP) – 1 hour ago

 

MOGADISHU — Security forces clashed with clan militias in Somalia's semi-autonomous state of Puntland in a battle that left at least nine people dead and dozens wounded, elders said.

 

The fighting took place in Galkayo, a large city straddling the border between the northern state and the territory of Galmudug, which officially falls under the administration of the transitional federal government.

 

"The fighting was the heaviest between the two sides in recent years and caused several casualties," local elder Abdi Mohamed Gele told AFP.

 

"Nine people, five of them civilians who were caught in the crossfire, have died so far," he said by phone from Galkayo.

 

He said sporadic gunfire could still be heard in the city.

 

According to elders and residents, militiamen from the southern half of Galkayo shot dead a Puntland local government official late Wednesday, sparking the anger of the Puntland authorities.

 

"The reason for the fighting is not clear yet but it looks like the clashes are a consequence of the recent incident in which a local Puntland security officer was killed," Husein Yahye, another elder in the town, said.

 

"Around 10 people died today and the death toll could rise because the fighting is ongoing," he said.

 

"I saw the dead bodies of five civilians, some of them killed by a mortar shell that struck in the northern part of the town," local resident Muse Ibrahim said.

 

Galkayo is the scene of frequent tensions between both sides but Thursday's clashes were the worst of their kind in years.

 

Puntland, which declared its semi-autonomous status in 1998, is relatively peaceful compared to Somalia proper, which has been wracked by violence since former president Mohamed Siad Barre was ousted in 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^Maya Soomaali neceeb baa hadal siineysa!

 

acayo situation is xaqdaro, Laas Caanood is outright oppression.Sometimes, ironies are lost on people.

You can’t compare the two my friend, when was the last time 9 people where killed in lascanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Dagaaladii ugu xooga badnaa oo ka dhacay Gaalkacyo maanta..WARKII UGU DAMBEEYEY

24. december 2009

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Dagaaladii ugu xooga badnaa ayaa ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, markii ay dhinaca Koonfureed ee magaaladu bilaabeen in ay duqeymo ugeystaan xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

 

Ilaalada dawladda Hoose oo maantadii hore ku jiray dagaalka, ayaa lugu soo qaaday guluf adag oo uga yimid dhinaca Koonfureed ee magaalada, oo adeegsaday madaafiicda goobta iyo boobayaasha culus, taasoo walaac daran ku abuurtay dadka magaalada Gaalkacyo.

 

02:40 saacada magaalada Gaalkacyo ayaa si toos ah uga bilaabatay magaalada adeegsiga rasaasta waa weyn ee ka dhacaysay gaadiidka dagaalka, waxaana dhinacyadu ay adeegsadeen rasaas geystay dhimasho iyo dhaawac xoog leh.

 

Ciidamada dawladda Puntland ayaa wajahay dhinaca Koonfured ee magaalada, markii ay sheegeen in lugu soo humaajiyey xarumahooda dagaalka, isla markaasna ay dagaalada ka soo qeybgaleen si buuxdana uga soo mid noqdeen ciidamada Maamulka Galmudug oo aan ukala harin.

 

Saraakiisha dawladda ayaa difaacay adeegsiga hubabka waa weyn,waxa ayna sheegeen in magaalada gaar ahaana xaafadaha Puntland lugu garaacay madaafiicda goobta oo geysatay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Ka jawaabidii hubabkii ka imaanayay dhinaca Koonfureed ee magaalada ayaa kalifay in ay dib ubaxaan ciidamada Galmudug, isla markaasna ay kuwa Puntland ay gaaraan goobihii ay fadhiyeen ciidamadii ka soo horjeeday.

 

Kulamo xasaasi ahaa oo looga hadlayay xaajada dagaalka iyo waxa ay Gaalkacyo baaqi ku ahaan karto, ayaa go’aamo kala duwan ay ka soo baxeen, kuwaas oo ilaa hada aan loo soo gudbin Saxaafada madax banaan.

 

APL ayaa xariiro ay la sameysay cusbitaalada Waqooyiga & Koonfurtu waxa ay sheegeen in ay qaabileen dhaawacyo fara badan oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamaya iyo dad Shacab ah, iyagoo sheegay in ay sidoo kale lasoo gaarsiiyey dad Meyd ah oo ay ku jiraan dad shacab ah.

 

Madfac ka yimid dhinaca Koonfureed kuna habsaday xaafad ay joogen dad rayid ah ayay ku dhinteen qoyskii dagana, qaarkoodna ku dhaawacmeen, taasoo ka mid ahayd talaabooyinkii laga dhaxlay dagaaladii maanta.

 

Dhawaaqa rasaasta ayaa hada yaraatay, inkastoo marar qaarkood la maqlayo Rasaasta qoriga BKM iyo AK-47-ka oo ay dhinacyada caadi uadeegsanayeen ilaa shalay, inkastoo ay hakad weyn gashay madaafiicda goobta oo la adeegsanayay intii udhaxaysay 02:40 ilaa 3:30 Saacada magaalada Gaalkacyo.

 

Wararka Gaalkacyo kala soco www.Allpuntland.com

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Che sometimes you have to sacrifice alot to achieve all your goals.

^^waryaahe sidan recognition kuma heleeside yuusan hadal kaa tagin Is there any hope that you will get that recognition?

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is not a war, more like some good-for-nothing, trouble-makers stirring the pot with only the innocent civilians being killed in the cross-fire.

 

Waar hoy reer Galkacyow maatida Baraxley taal sida ha loo dhaamo,

 

Till then,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   
:D:D war if all the forces of puntland come together i don't think they can break into the land of Baraxley ( home of the warriors ).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this