Sign in to follow this  
General Duke

Washington D.C Puntland presents Somalia's case to US

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Baarlamaanka Maraykanka (Dhageyso)

Friday, June 26th, 2009 at 1:03 pm

Horseed Media

Washington DC, USA

 

Waxaa xalay wakhtiga Soomaaliya markay ahayd magaalada Washington ee Caasimada Maraykanka ka dhacay kulan uu la yeeshay Guddiga Barlamaanka u qaabilsan arrimaha Afrika wafdi ka socday Puntland.

 

Kulankan ayaa sidoo kale horey loogu casumay maamulka Puntland, Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Kulankan waxaa ayagu ka baaqsaday inay kasoo qeyb galaan maamulka Soomaaliland, sidoo kale Dowlada Federaalka oo lagu waday inuu kulankaasi u matalo Wasiirka Arrimaha Dibada ayaan asagu madasha kasoo xaadirin.

 

Khudbadii Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowlada Federaalka ayaa waxaa halkaasi ka akhriyey xubin uu soo wakiishay.

 

Xubnaha ugu muhiimsan ee kulankan ku sugnaa ayaa noqoday wafdigii ka socday Dowlada gobaleedka Puntland oo uu horkacayey Madaxweynaha Puntland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Guddiga Baarlamaanka Maraykanka ayaa su’aalo halkaasi ku weydiiyey wafdiga Puntland kuwaasi oo dhamaantood la xariiray arrimaha siyaasada Soomaaliya, dagaalada, burcad badeeda iyo shariicada Islaamka.

 

Siyaasada Puntland

 

Madaxweynaha Puntland ayaa halkaasi ka sheegay in ay ayagu taageersan yihiin in Soomaaliya nabad lagu soo dabaalo, in dowladii dhexe hirgasho oo ay Puntland kamid ahaato oo nidaamku noqdo mid federaal ah, isla markaana ay taageersan yihiin wax walba oo lagu xasilinayo dalka Soomaaliya.

 

Guddiga Afrika u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka ayaa wafdiga Puntland wax ka weydiiyey arrimaha Shariicada Islaamka.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in nidaamka shariicada Islaamka uu yahay mid ay Soomaalida waligeed kusoo dhaqmeysay, Puntland ahaana uu nidaamkooda ku saleysan yahay Shariicada Islaamka, iyo waliba nidaamka madaniga ah ee Dowladnimo ayuu sheegay Madaxweynaha Puntland inay ku dhamaan.

 

Burcad Badeeda

 

Arrimaha Burcad Badeeda oo wax laga weydiiyey ayuu sheegay Madaxweynaha Puntland, in ayagu ay qorshayaal badan wadeen sidii dhalinyarada burcad badeeda ku jirta looga wacyi gelin lahaa falalkaasi.

 

“….In maraakiib intii lasoo qaato dooni yar oo dhalinyaro la ordeysa xabad lagu dhufto, maaha xalka….” Ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo sheegay in culumaa’udiinka Puntland ay la kaashadeen sidii loo wacyi gelin lahaa dhalinyarada burcad badeeda ku jirta, isla markaana guulo laga soo hooyey oo ay in badan iska daayeen falalkaasi, ayuu sheegay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

 

Dagaalada Koonfurta Soomaaliya

 

Maraykanka ayaa weydiiyey sida ay u saameyn karto xaaladaha ka jira koonfurta Soomaaliya iyo Muqdisho, dhinaca dowlada Gobaleedka Puntland.

 

Dr.Faroole ayaa sheegay in saameyn ay mar walba ay ku yeelaneyso wixii Soomaaliya ka dhaca, asagoo sheegay inay rajeenayaan in dagaaladaasi ay joogsadaan.

 

“…wixii dhibaato Soomaaliya ku ah dooni meyno….” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Puntland oo la hadlayey guddiga Baarlamaanka Maraykanka.

 

Taageerida Puntland

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in wafdiga Puntland ay sidoo kale la kulmeen hay’adaha Maraykanka ee aan dowliga ahayn ayagoo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo Puntland.

 

Wuxuuna sheegay wafdiga Puntland inay muhiim tahay in Puntland lagu taageero dhinaca horumarinta iyo sare u qaadida awooda maamulka si wax loogu qabto Soomaalida kusoo qul qulaysa dhulkooda.

 

“….deegaanka Puntland illaa 1991kii qax baa ku socday, oo dad badan oo kasoo baro kacay koonfurta ayaa hoy ka dhigtay oo kusoo qaxay…..aad baa culus weyn u saaran yahay Puntland…magaalooyin kii waa buux dhaafiyeen….adeegyad a bulshada culeys weyn baa na saaran waana ka codsanay in gacan nalaka siiyo sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa…..” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Marka loo eego dhinaca xiriirka diblumaasiyeeda kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah, isla markaana ay u muuqato Puntland inay si weyn uga faa’iideysatay inay caalamka iyo Maraykanka u gudbiso dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo sida looga qeyb qaadan karo wax ka qabad keeda.

 

Macada illaa iyo hada sababta Wasiirka arrimaha Dibada ee Dowlada Federaalka Maxamed Omaar oo kulankaasi ku casunaa inuu warbixin kasoo jeediyo uu si lama filaan ah u imaan waayo goobta asagoo wakiishay xubin uu halkaasi usoo diray.

 

Dhinaca maamulka Soomaaliland ayaa ayagu sheegay inaysan dooneyn inay ku dhexmilmaan Soomaalida kale waa siduu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland Cabdullahi Ducaale oo shaaciyey in shirkaasi ay ka baaqsatay inay ka qeybgasho Soomaaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Washignton D.C: “ Ma nihin dad doonaya Hub iyo dagaal, waxaan dooneynaa Horumar wanaagsan & Nabadgalyo taam ah” Madaxweynaha dowladda Puntland.

26. juni 2009

 

Washignton D.C.(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo hadal ka jeediyey Mudanayaasha baarlamaanka dalka Mareykanka hortooda ayaa soo qaaday waxyaabaha ay dooneyso in ay dowlad gobaleedka Puntland wax ka qabtaan.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in uusan maamulkiisu dooneyn dagaalo iyo hubab hadeer ah, balse wuxuu sheegay in ay diyaar uyihiin dadaal kasta oo ay wax kaga qaban karaan xaaladaha horumarinta deegaanada Soomaalida oo dhan..

 

Dr. Faroole ayaa sheegay in ay dowladiisu ku mashquulsan tahay sidii Soomaali oo dhan layskugu keeni lahaa, wuxuuna meesha ka saaray warar sheegaya in ay dowladda Puntland qorshaneyso sanooyinka dhaw in ay ka baxdo Soomaalida inteeda kale oo ay gooni isku taag ku dhawaaqdo.

 

“Marna dowladda Puntland & Shacabkeeda kuma fakarin in ay go’aan cad ka qaataan ama ka baxaan Soomaaliya inteeda kale, waxaan xusaynaa saacad kasta munaasabad kasta oo Soomaaliya qeymo ulahayd, waxaan ka shaqeynaynaa dadaal kasta oo nabad looga dhalin karo Soomaaliya” Ayuu ka hor yiri Madaxweyne Faroole Mudanayaasha baarlamaanka Mareykanka.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay dowladiisu dagaal adag kula jirto waxa ugu yeeray Burcad Badeeda jiri ah oo uu sheegay in ay dhibaatooyin ba’an ku hayaan deegaanada Puntland, wuxuuna wacad ku maray in aysan dagaalkooda joojin doonin, isagoo ka codsaday Baarlamaanka Mareykanka in ay ku taageeraan arintaasi oo ay gacantooda ka geystaan.

 

Hadalka Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ayaa noqday mid ay siweyn ula dhaceen Mudanayaasha baarlamaanka Mareykanka, waxa ayna sheegeen in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay ku taageeri karaan dowladda Puntland, ayagoo ugu hambalyeeyy sida wanaagsan ee ay mar kasta Puntland ugu taagan tahay xalinta dhibka Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Marna dowladda Puntland & Shacabkeeda kuma fakarin in ay go’aan cad ka qaataan ama ka baxaan Soomaaliya inteeda kale, waxaan xusaynaa saacad kasta munaasabad kasta oo Soomaaliya qeymo ulahayd, waxaan ka shaqeynaynaa dadaal kasta oo nabad looga dhalin karo Soomaaliya”

Ayuu ka hor yiri Madaxweyne Faroole Mudanayaasha baarlamaanka Mareykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Washignton D.C: “ Ma nihin dad doonaya Hub iyo dagaal, waxaan dooneynaa Horumar wanaagsan & Nabadgalyo taam ah” Madaxweynaha dowladda Puntland"

We are not interested in war but we want to develop and secure our peace. This is a profound statement from the head of Puntland. Congradulations to Faroole for a job weel done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XH: Puntland gained an advatage and used it well. It presented it case. The TFG also were present it's deputy Ambassador read a statement by the Foreign Ministry. NW Somalia was sulking somewhere.

 

It was a good day for the union on the 26th June when the Union came to be. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

Originally posted by General Duke:

Puntland gained an advatage and used it well. It presented its case.

Damn right! Representative Donald Payne I think was on point when he said further violence can be avoided only if Somalis from all three regions of the country (South Somalia, Puntland, and Somaliland) come together. And it really was unfortunate that the foreign minister of Somaliland declined to attend.

 

My hat really goes off to those that took Representative Donald Payne call and in particular the President of the Puntland State of Somalia, Abdirahman Mohamed Farole, who wasn't shy about taking the floor and represented the people of Puntland well in appealing for foreign assistance to stable areas of the country, saying this would be the best way to prevent extremist groups from expanding areas they control:

 

"There are limited options for dealing with extremists and terrorist threats in Somalia. The international community must support stable regions, for example Puntland, and offer long-awaited development incentives in order to attract the attention of other Somali regions that see the benefits as counter-weight to joining extremists," he said.

 

Much respect to the President of Puntland, he was right on point and now we only await whether or not the United States delivers or not; another 20 years of unrest in Somalia will only aid extremists and that I think is not in the best interest of the United States.

Share this post


Link to post
Share on other sites

donald_payne_med.jpg

" we will again express our dismay at the refusal of Somaliland to .....if they want to be isolated, they can be assured that I will do all I can to isolate them... and evidently that they dont need or want the support of US... and will support Somalia and Puntland". Chairman Pyne!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Faroollei.jpg

 

Powerful Picture! Puntland needs to really unite.

 

Representative Donald Payne statement was powerful! North West Somalis don't realize that, after the years of claiming to be independant. After their leader visited the United States and made it clear that they want to be considered independant, the US still refuses to do so and continues to invite them with the rest of Somalia, Remember, they are fully aware that Riyaale and the Rest of NW Somalia wish to be considered independant, yet they still invited. That is why they refused to participate, in protest. After 18 years and countlessly pleading, they are not viewed any different.

 

I'm proud of our President Faroole to!!! Job well done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congreska oo Fadhi Ka Yeeshay Soomaaliya

By Idil Abdi Osman

Washington

26-June-2009

 

Guddoomiyaha xiriirka Dibadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanka.

Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka ayaa shalay Khamiistii, xaruntiisa Washington ku qabtay fadhi ay ka yeesheen arimaha Soomaaliya.Fadhigaas ayaa waxan ka soo xaadirin Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda la baxday Soomaaliland.

 

Fadhiga oo uu furay guddoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Donald Payne ayaa waxa ka hor hadlay, kana warbixiyay arimaha Soomaaliya mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Madxwaynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Axmed Wald Cabdalla oo ah wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Dr Crispus kiyonga iyo Ciid Baddal oo ah Danjire ku-xigeenka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

 

Ka hor inta ayan mas’uuliyiintaasi soo bandhigin warbixintooda, ayaa waxa golaha markhaati ahaan uga hor-hadlay Dr. Ted Dagne oo ku takhasuusey arrimaha Afrika kana tirsan Xarunta Cilmibaarista ee Congresska iyo Dr. Peter Pham oo ah bare Cilmiga Sayniska ka dhiga Jaamacadda James Madison. Waxay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda ay Soomaliya ku sugan tahay ayagoo diiradda saarey dhibaatooyinka ka taagan kooxaha xag-jirka iyo tuhunka laga qabo in kooxda Al-Qaacidda falal argagixiso ka qorsheynayso gudaha Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee Donald Payne ayaa kalmaddiisii furitaanka si kulul uga hadley cudurdaarka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda la magacbaxdey Soomaaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isgu codsadey in guddi gaar ah loo sameeyo Soomaaliland maadaama ayan rabin in ay meel la fariisato dowladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.Mr. Payne ayaa codsigaas ku tilmaamey mid aan la aqbali karin oo ka soo horjeeda ujeeddada laga leeyahay dhageysiga oo dhan.

 

Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin buuxda oo ay Idil Cabdi Cismaan ku eegayso fadhigaas iyo wixii ay ka hadleen mas’uulyiintii goobta isugu timid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this