Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu meeting ends in mayhem: Musa got punched???

Recommended Posts

Kulankii ay maanta lahaayeen Xubanaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo ku soo gabagaboobay gacan ka hadal iyo fowdo

Posted to the Web Oct 08, 17:57

 

 

Muqdisho:- (PP) – Kulan ay maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa ku soo gabagaboobay fowdo dhalisay inay gacanta iskula tagaan Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow.

 

Kalankii maanta oo looga hadlayay qodobbo ay ka mid ahaayeen hubka la sheegay inuu Soomaaliya ka soo galay dalalka dariska ah sida: Ethiopia, Eritrea iyo Yemen ciddii ka dambeysan keenistiisa Soomaaliya, Imaanshiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maamul u sameynta Gobolka Banaadir ayaa markii uu dhamaaday waxaa la isku khilaafay sidii saxaafadda loogu gudbin lahaa qodobbada ka soo baxay shirkaas, kaasoo keenay in gacanta ay isku tagaan Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddoow oo isku khilaafay qaabka loogu gudbinayo saxaafadda qodobbadii ka soo baxay kulankii maanta, arrintaas oo fowdo iyo buuq weyn dhalisay, isla markaana ay ka baxeen shirka qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.

 

Kulankii maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay 32-xubnood oo keliya iyadoo lagu arkayay hoteelka dhexdiisa xubno ka tirsan labada gole oo iyagu aan shirka ka qaybgalin iskana dhex fadhiyay hoteelka kuna dhex sheekeysanaya, halka kuwo kalena ay iska dhex joogeen aqallada ay ka daggan yihiin hoteelka.

 

Kulankii maanta ayaa ahaa mid si weyn looga hadlay soo dhaweynta guddoomiyaha baarlamaanka oo la sheegay inuu ku sugan yahay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta iyadoo lagu wado maalinta Berri ah inuu gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halka maalita talaadada ahna lagu wado inuu yimaado magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qodobbadii maanta laga dooday loo saaray guddiyo ka soo baaraan dega.

 

Sidoo kale waxaa maanta hanajabaado iyo gacan ka hadal u geystay Saxafiyiintii ka soo qaybgalay kulankaas Xildhibaan Cabdalla Boos oo ugu hanjabay saxafi ka tirsan Idaacadda Banaadir ee Muqdisho inuu dilayo, halka Gabar ka socotay Idaacadda HornAfrik-na uu kala tuuray oo ay maradii ka dhacday.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I dont understand what drives these warlords to continue undermine the government with no success and Muuse Suudi getting slapped everyday ?????.

 

They always seem to over-achieve my expectations :D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Suudi & Eng. Caddow oo ku sigtay in ay isku gacan qaadaan shirkii maanta ay yeesheen xubnaha labada gole Muqdisho

Muqdisho

 

 

 

 

Shirkii ay maanta isugu yimaadeen xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan hotelka Saxafi International ayaa ajendooyinkii lagaga hadli lahaa waxaa dood kulul ka yeeshay qaar ka tirsan xubnihii shirkaasi ka qeybgalay, oo qaarkood ay soo jeediyeen in kulanka maanta uusan qabsoomin, dibna loo dhigo, halka xubno kale ay soo jeediyeen in sin-aba uusan kulankaasi ku baaqan karin, waxeyna mar kale doodu sii adkaatay in wixii shirkaasi la iskula soo qaaday faahfaahin laga siiyo saxaafadda.

 

Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow & xildhibaan Eng. Max’ed Xuseen Caddow oo hadalo kulul isku dhaafsaday shirkaasi, ayaa ku sigtay in ay isku gacan qaadaan, waxaan xaaladda murankooda qaboojiyey qaar ka tirsan xildhibaanadii kulankaasi goob jooga ka ah.

 

 

Garabka dowladda federaalka ee ku sugan Jowhar ayaa xubno badan oo taageersan ku yeeshay xildhibaanada & wasiirada Muqdisho ku sugan.

 

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)dayniile,Muqdisho

 

diinicadde@hotmail.com

 

 

Ku noqo beejka

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gelle   

How come the slap each other every time they fail to correspond. And what is with Muusi Suudi being involed in every freaking fight that occur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this