Sign in to follow this  
Jacaylbaro

From Police to Minister ------ Abdi Qaybdiid

Recommended Posts

C/Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyihii hore ee ciidamada Booliska dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Wasiir iyadoo Max’ed C/laahi Oomaar loo magacaabay Wasiirka Tacliinta.

 

Kadib kulan xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa warar goordhow ay ka heshay Shabelle waxaa ay sheegayaan in Taliyihii hore ee ciidamada Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya C/Xasan Cawaale qeybdiid loo magacaabay Wasiirka Macdanta dowladda Dowladda KMG ee Soomaaliya oo uu horay u ahaa Max’ed C/laahi Oomaar.

 

Dhankiisa Wasiirkii hore ee Macdanta Max’ed C/laahi Oomaar ayaa isna waxaa loo magacaabay Wasiirka Tacliinta iyo hidaha sare ee dowladda KMG oo 3-dii bishaan uu ka geeriyooday Pro. Ibraahim Xasan Cadoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee dawlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Saraakiisha ku dhow dhow Madaxweynaha dawladda Faderaalka KMG ah Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in ay magacaabistan ka dambaysay latashiyo Madaxda dawladda Soomaaliya ay la sameeyeen Madaxda Odayaasha dhaqanka.

 

Xilkan waxaa horay uhayay Maxamed C/laahi Oomaar oo laga qaaday, waxaana Maxamed C/laahi Oomar loo magacaabay Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee dawladda KMG ah oo uu 3 December, ka geeriyooday Prof, Ibraahim Xasan Cadow.

 

Cabdi Xasan Cawaale ayaan la garan Karin in uu aqbali doono jagada cusub ee loo dhiibay, waxaana wararku ay sheegayaan in ay sidan usamaysay dawladda KMG ah in ay qanciso Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid), maadaama la rumeysan yahay in ay ka amar qaataan inta badan ciidamada difaaca dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Jeneraal Qeydiid waa hogaamiyaha kaliya ee hada awood ka leh Hogaamiyaashii magaalada Muqdisho, oo ay burburiyeen awoodoodii Maxaakiimta Muqdisho sannadkii 2006-dii, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey Cabdi Xasan Cawaale la shaqeeyey dawladihii iskaga dambeeyey Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg dega oo haatan Soo gaadhay Warqabadka Laasqoray.Net ayaa Wuxuu sheegay in loo Magacaabay Wasiirka Macdanta Taliyihii hore Ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid Islamarkana waxaa la magaacabay Alle Ha u naxariistee Wasaaradii uu ka geeriyooday Pro Ibraahim Xasan Cadow Waxaana loo magaacabay C/laahi Maxamed Oomaar.

 

Wararkan ayaa ah kuwo si qorsoodiya kusoo gaadhay Warbaahinta Caalamigaa Ee Laasqoray.Net, Xaruunta Madaxtooyada Ee Viila Somaliya Waxaa loo diiday inay ka qeyb gasho Warbaahintu isku Shaandhaynta La sameynayo waxaana laga yaaba in Wasaarado Kale la isku shaandheeyo.

 

Magacaabistan Xilalka Wasaaradaha ayaa imanaysa kadib markii dhowr Maalmood Kulama isdaba jooga ay ku lahaayeen Madaxda Sar Sarre Ee Dowlada Xaruunta Madaxtooyada Ee Villa Somaaliya Aakhirkiina waxaa Soo baxday in Coll Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo hore u ahaan jiray Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliya Loo Magacaabo Wasiirka Macdanta, C/laahi Maxamed Oomaarna loo magcaabo halkii uu ka geeriyooday Pro Xasan Cadow oo ahayd Wasiirka Tacliinta iyo hidaha Sarre.

 

ilaayo hada waxaan la garanayn Sida uu ula jaanqaadi doono Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Wasaarada Macdanta oo uusan khibrad dheerada u lahayn ama aysanba ahayn Shaqdiisa.

 

Wararkayaga dambe ayaan idinku soo gubin doonaa Wixii kasoo kordha Isku Shaandhaynta lagu sameyno Golaha Wasiirada oo haatan uga socda Madaxda Sar Sare Madaxtooyada Villa Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Waxaan soo xasuustay sheekadii habar dugaag ugu tashadeen Libaax in ay ka reebaan xubno neef ka wada dhexeeyey, markii in loo sheego la rabay ee: 'Libaax, jeenigii & leggii..' la yiri ayuu indho kulul & cod cabsi leh ugu jawaabay: 'hee!'

'INTA KALENA KU DARSO!' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by juje:

Warya JB why are you exited ?

:D Malla yaabtay siduu u boodboodayo...malaha Cabdi bay saaxiib yihiin...

 

Originally posted by Maaddeey:

Waxaan soo xasuustay sheekadii habar dugaag ugu tashadeen Libaax in ay ka reebaan xubno neef ka wada dhexeeyey, markii in loo sheego la rabay ee: 'Libaax, jeenigii & leggii..' la yiri ayuu indho kulul & cod cabsi leh ugu jawaabay: 'hee!'

'INTA KALENA KU DARSO!'
:D

lol...Hadda waa Cabdiyoow wasiirnimona ku darso miyaa xaalku?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this