Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sheikh Sharif meets Roobow and Turki?

Recommended Posts

Muqdisho: Warar ka soo baxaya in ay kulmeen Shariif Sheekh Axmed, Muqtaar Roobow & Xasan Turki oo soo badanaya.

9. februar 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Tan iyo xalay saqdii dhexe waxaa soo baxayay warar xaqiijinaya in ay wada hadalo Madaxtooyada Muqdisho ku qaateen Hogaamiyaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) iyo Hogaamiyaha la aaminsan yahay in uu yahay ninka labaad ee ugu sareeya Kooxaha waqtigan ka soo horjeeda Maamulka Shariif Col. Sheekh Xasan Cabdullaahi Cali (Xasan Turki).

 

Kulanka ragan ayaa lasheegay in uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, uuna dhacay saacado kala duwan ayna qaateen kulamadan saacado badan isla markaasna ay ka qeybgaleen rag ka soo kala jeeda Beelaha ay ragan ka soo jeedaan Asal ahaan.

 

Kulankii ugu horeeyey ayaa lasheegay in uu dhexmaray Abu-Mansuur iyo Shariif Sheekh Axmed, uuna ku waheliyey uu wada hadalsiinayay Wasiirkii hore ee Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay ay jifo hoosaad isla yihiin Abu-Mansuur, waxaana aan la aqoon waxyaabaha laga wada hadalay iyo ugu dambeyntii waxa laysku raacay.

 

Masuul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Muqdisho ayaa usheegay AllPuntland in uu kulankaan ahaa mid siweyn loo soo abaabulay, ayna Guriga isku xirteen oo kaliya sadex Siyaasi ee kulmayay, wuxuuna habayaraatee diiday in uu sheego waxyaabaha laga wada hadalay, isagoo ku soo koobay hadalka in uu Shirkaasi ahaa mid aan la aqoon waxa ka soo baxay.

 

Kulanka labaad ayaa dhacay markii uu Muqdisho soo gaaray Sheekh Xasan Cabdullaahi Cali (Xasan Turki), isagoo ay galbinayaan gaadiid dagaal oo fara badan, ayna ku muuqdaan caalamado dadka tusayay in ay hada ka soo galeen dhul sare ayaa gaaray agaagarka iyo daafaha Xarunta Madaxtooyada oo ay degan yihiin ciidamada AMISOM.

 

Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Cabdullaahi, waxaa kulankooda ku waheliyey labo nin oo ka soo jeeda Beesha uu ka soo jeedo Xasan Turki oo ah Beesha *******, waxaana Madaxweyne Shariif lasheegay in uu siweyn usoo dhaweeyey Xasan Turki oo ay mudo dheer saaxiibo siyaasadeed ahaayeen.

 

Kulankan wuxuu la mid ahaa kulankii hore udhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo Muqtaar Roobow Abu-Mansuur, waxaana aan si wanaagsan aan loo garaneyn waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo waxyaabaha isla meel dhigeen.

 

Warar Madax banaan ayaa sheegay in uu Shariif Sheekh Axmed ka codsaday Sheekh Xasan Cabdullaahi (Xasan Turki) in uu lashaqeeyo maamulkiisa, isla markaasna uu ka qeybqaato nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya, maadaama uu ka mid yahay dadka faro ku tiris ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya, qeyb weyna kaga jira Siyaasada dalka Soomaaliya.

 

Xasan Turki ayaa lugu waramay in uu maalmahaan wada hadalo Muqdisho kula yeelanayo Siyaasiin ka soo jeeda beesha uu ka dhashay, isla markaasna uu kala hadlayo qodobadii uu kala soo kulmay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. Shariif Sheekh Axmed.

 

Wararka ku saabsan Kulamadan dhamaantood waxaa uxaqiijiyey AllPuntland, Saraakiil ka tirsan Xaafiiska Madaxtooyada, waxa ayna guud ahaan diideen ilahan kala duwan in la xigtoi ama aan sheegno Magacyadooda, ayagoo sheegay in waqtigan Xaafiiska Madaxweyne Shariif hayo shaqooyin badan oo culus, isla markaasna aan laga hordhici karin qodobada ay gaarayaan dhinacyada Siyaasada.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here's Jowhar.com..Still speculation though..If this is true..It is positive step

 

Sheekh Xasan Turki iyo Abuu Mansuur oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 

Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi Turki iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa si kala gooni gooni ah u soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoona imaanshahooda uu ka soo baxayo warar is khilaafsan.

 

Sheekh Xasan Turki oo hogaamiya Mucaskarka Raaskambooni isla markaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbul Islaam ayaa maalin ka hor soo gaaray Degmada Afgooye, isagoona kadib usoo gudbay Magaalada Muqdisho.

 

Wadaadkan oo ka mid ah xubnaha liiska ugu jira waxa uu Mareykanka ugu yeero Argagixisada ayay warar qaar ahi sheegayaan inuu socdo qorshe lagu kulan siinayo isaga iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ay u socdaan wada xaajoodyo taasoo ku aadan sidii Alshabaab loogu qancin lahaa inay ku soo biiraan dadaalada nabada, ayna taageeraan Dowladda cusub.

 

Inkastoo aan la heyn xog dhab ah, hadana wararka aadka loo hadal haayo ayaa ah kulamada la filayo inay yeeshaan qaar ka mid ah Hogaamiyeye diimeedyada, iyadoona Xubno aan la carabaabin ay wadaan dadaalo la isugu keenayo dhinacyada Islaamiyiinta ee mabaa'diida isku diidan.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Turki Iyo Mukhtaar Roobow Oo Muqdisho Yimi Iyo Ujeeedka Safarkooda ....?

 

Muqdisho} 9-2-09"Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi Turki iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa si kala gooni gooni ah u soo gaadhay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoona imaanshahooda uu ka soo baxayo warar is khilaafsan.

 

Sheekh Xasan Turki oo hogaamiya Mucaskarka Raaskambooni isla markaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbul Islaam ayaa maalin ka hor soo gaadhay Degmada Afgooye, isagoona kadib usoo gudbay Magaalada Muqdisho.

 

Wadaadkan oo ka mid ah xubnaha liiska ugu jira waxa uu Mareykanka ugu yeedho Argagixisada ayay warar qaar ahi sheegayaan inuu socdo qorshe lagu kulan siinayo isaga iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ay u socdaan wada xaajoodyo taasoo ku aadan sidii Alshabaab loogu qancin lahaa inay ku soo biiraan dadaalada nabada, ayna taageeraan Dowladda cusub.

 

Inkastoo aan la heyn xog dhab ah, hadana wararka aadka loo hadal hayo ayaa ah kulamada la filayo inay yeeshaan qaar ka mid ah Hogaamiyeye diimeedyada, iyadoona Xubno aan la carabaabin ay wadaan dadaalo la isugu keenayo dhinacyada Islaamiyiinta ee mabaa'diida isku diidan.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

No meeting has taken place amid mentioned individuals.

President Sharif is presiding over other vital and important meetings.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^But are they in Xamar..?

 

What could be more important talking to Al-Shabaab about a peace process?..They are one group that could undo his goals for the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^If this news is true then the Good Sheikh could have no more 'vital and important meetings'.

 

Che, let's hope so. An agreement would really go a long way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Juje:

No meeting has taken place amid mentioned individuals.

President Sharif is presiding over other vital and important meetings.

A very informed man you are yaa Juje, it is like you are travelling with the Sheikh around Mogadishu :D

 

 

PS: Is there any possibility that Nur Cade would be elected as Prime Minister in Sharif's rein!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Che nope they are not.

Wayfarer you are right in a sense, but those individuals dont have your thoughts in mind and have already made up their mind.

One thing they dont understand, both Mansoor and Turki, is that they achieved what they did through unsurmountable public support, and the nlatter aspect seem to have been fastly declining these days.

We dont need war

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by nuune:

A very informed man you are yaa Juje, it is like you are travelling with the Sheikh around Mogadishu
:D

PS: Is there any possibility that Nur Cade would be elected as Prime Minister in Sharif's rein!

Looool.... :D:D:D

 

Sxb the old man should be back in there with you somewhere in Catford, SE London.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by TheWayfarer:

^You mean New Cross?
:D

I know the shop is in New Cross Gate , but I always thought the house was in Catford. I could be wrong. Lakiin Nuune knows where it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

I trust you to be more acurate on it.

 

I know Mudane Cade's good will work beryahii hore before the xawilaad business started. He was a good samaritan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this