Sign in to follow this  
Member-sol-

Warsaxaafadeed ka soo baxay Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (JABISO)

Recommended Posts

Warsaxaafadeed ka soo baxay Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (JABISO) oo ku aaddan Xaaladda Taagan

By Somalimirror on 21 Jul, 2008 3:30 PM in Main, Wararka

 

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo ka mid ah Xoogagga Mujaahidiinta ee Dagaalka Jihaadka ah ka wada dalka Soomaaliya ayaa maanta war saxaafadeed ka soo saartay Xaaladda Guud ee dalku marayo.

 

Warsaxaafadeedka oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakadda Somalimirror ayaa u qornaa sidatan:-

 

بسم الله الرحمن الرحيم

Warsaxaafadeed ka soo baxay Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (JABISO) oo ku aaddan Xaaladda TaaganJabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ka dib markii ay daraasaysay waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska jabuuti ee uu saxiixay dibna u ansixiyay garab ka mid ah isbahaysiga dib u xoraynta soomaaliya waxay ka qaadatay qodobaddan hoos ku qoran

 

1. Jabhadda islaamiga ah ee soomaaliyeed waxay caddeynaysaa in heshiiskaasi uusan khusaynin jihaadkana ay sii laba jibaari doonto ilaa gumeysigu waddanka ka baxo shuruud la’aan.

 

2. Jabhaddu waxay umadda soomaaliyeed ku wargalinaysaa in dadka heshiiska jabuuti galay ay naftooda kaliya matalaan ee ayna mujaahidiinta goobta ka dagaalamaysa iyo shacabka soomaaliyeed matalin.waxaana ugu baaqaynaa Bulshada soomaalyeed inayna ku niyad jabin isbaddalka ku yimid xubnaha galay Heshiiska Jabuuti ee horay uga mid ahaan jiray Xoogagga Mujaahidiinta waxaana ugu bishaaraynaynaa inayna tallaabadaasi waxba u dhimi doonin habsami u socodka jihaadka Dalka lagu xoreynayo.

 

3. Waxaan ugu baaqaynaa xoogagga mujaahidiinta garabyadooda kala duwan inay mowqif midaysan ka qaataan isbaddalkan soo kordhay oo ay safkooda mideeyaan si loo helo hiilka ilaahay iyo guusha kama danbaysta ah.

 

4. Waxaan caddeynaynaa inaan si wada jir ah ula wada dagaallami doonno ciidan kasta oo shisheeya ah oo waddanka loo keenay inuu gurmad iyo xoojin u noqdo gumeysiga Itoobiya waddanka ay doonaanba ha ka yimaaddeene.

 

5. Waxaan uga digaynaa Q.M iyo dowladaha ka tirsan inayna ku dagmin hadalka kooxda saxiixday heshiiska jabuuti oo ayna ciidamadooda ku soo shubin dab ay ku guban doonaan waxaana u sheegeynaa inayna kooxdaasi u dammaanad qaadi karin in ay difaacdo ama xabbadda ka joojiso.

 

Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka guud

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

WARARKA OO FAAHFAAHSAN

 

 

Qolada Asmara ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta (UDS) oo Sh.Xasan Daahir u dhiibay xilka ugu sareeya ee UDS,iyagoo casilay Sh.Shariif.

 

 

Talaado 19 Rajab 1429 =22/07/2008

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Garabka Asmara ku sugan ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta dalka (USD) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay UDS-ta wixi ka danbeeya xilligan in uu madax u yahay Sh.Xasan Daahir Aweys,oo ahaa madaxii Golaha Shuurada ee Maxkamadihii Islaamiga,tallaabadaasina waxaa ay sii caddeyneysaa wadada qalloocan ee markii hore la qaaday.

 

Jagada Sh.Xasan Daahir loo magacaabay ayay ka casileen Sh.Shariif Sh.Axmed oo hadda isagu heysta taageerada gaalada Mareykanka ugu horeeyo,iyo QM,sidaasi darteed ayaan la ogeen qaabka gaalada Aduunka ay ku aqbali doonto go'aanka kasoo baxay UDS garabka Asmara.

 

Ka sokow meel marka magacaabida Sh.Xasan Daahir waxaa sii qarxaya is qab qabsiga ka dhex oogan xubnaha UDS-ta kuwooda gudaha iyo Dibadda kala joogo,maadaama markii horeba aysan kulmin caqiido mid ah,iyo ictiqaad saxix ah oo u diida kala qob qob iyo kala fur fur.

 

Golaha dhexe ee UDS waxay u magacaabeen garabka Asmara nin lagu magacaabo Sharif Salax oo isaguna badalaya Shariifkii Baaralamaaniga Sharif Xasan,waxaana magacaabista iyo xilalka qaadista ay ka danbeysay ka fiirsi dheer.

 

Umadda Somaliyeed oo ah cida ay quseyso dhibaatada haatan dalkeenu ku jiro waxaa u furan kaliya in ay Allaah Subxaanahu Watacaalaa ku tiirsadaan,maadaama la khiyaameeyay dhiigii geesiyaashooda,loona bareeray adduunyo ku muran iyo isqab qabsi jago,waxaana Umadda Somaliyeed ee Muslimka ah u furan sidoo kale in ay hiil siiyaan Wiilashooda ku jihaada wali wadada Allaah,ee aan ballantii ka bixin kuna taagan wali jidkii shalay ay gaalada noogu soo duushay inoogana hor istaagtay dhismaha dawlad sharciga Islaamka wax ku maamusha.

 

source> kataaib.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this