Sign in to follow this  
General Duke

July 1st 2008 -Somalia 48 years old:

Recommended Posts

calanka_soomaaliya.jpg

 

Munaasabada 1-da Luuliyo oo xalay MUqdisho si weyn looga xusay “Munaasbad aad u weyn oo uu qabtay maamulkka Gobalka Banaadir”

 

Xalay waxaa magaalada MUqdisho ka dhacday munaasabad tan iyo intii waagu ka baryay soconeysay oo loo sameeyay soo dhaweynta iyo weyneynta munaasabada kowda Luuliyo oo ah maalinta qaranimada Soomaaliyeed.

 

Xalay waxaa magaalada MUqdisho ka dhacday munaasabad tan iyo intii waagu ka baryay soconeysay oo loo sameeyay soo dhaweynta iyo weyneynta munaasabada kowda Luuliyo oo ah maalinta qaranimada Soomaaliyeed.

 

Munaasabadaas oo ka dhacday xarunta gaadiidka Booliska oo ah halkii horay loogu qabtay shir weynihii nabadeynta beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabiyay guddoomiyaha gobalka Banadir Maxmed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

 

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen,ku simaha madaxweynaha Cusmaan Cilmi boqorre,ku simaha ra’isul wasaaraha Prof SaaliM caliyow Ibrow,wasiirka haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye,xildhibaan Muuse Suudi yalaxow iyo masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir.

 

Ku simaha madaxweynaha oo munaasabadaa hadal ka jeediyay ayaa ugu baaqay heya’daha samafalka caalmiga ah in ay wax lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada dhinacyada kala duwan ka yimid ay heysato.

 

Ka sokow masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa munaasabadaa waxaa ka qeyb galay fanaaniinta qaranka iyo koomikiisteyaal uu ka dhex muuqanayay Oday cabdulle,iyadoo sidoo kalana dadweynaha xaafadaha oo gawaari lagu soo qaaday ay munaasabada ka qeyb galeen.

 

Iskusoo wada duuboo waxaa munasabadu ay xalay ahayd mid aad u balaadhan waxaana ka qeyb galayaasha oo dhan ka muuqatay farxad iyo shucuur wadaninimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabada 1-Lulyo oo si weyn looga xusay Muqdisho

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Luulyo-08

Munaasabad balaaran oo ku aadan 48-guuraddii ka soo wareegatay xorriyadda goballadda koonfurta, midowga waqooyi iyo koonfur iyo waliba dhismaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa xalay lagu qabtay xaruntii gaadiidka boliska ee magaalada Muqdisho.

 

Xafladdan oo ey kasoo qeybgaleen mas`uuliyiin badan oo ey ka mid yihiin Ku simaha Ra'iisul-wasaaraha dowladda federalka, ahna Wasiirka garsoorka iyo diinta Prof. Saalim Caliyow Ibrow, G/xigeenka labaad ee Barlamaanka Federalka, Cismaan Boqorre, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Xuseen Carraale Caddaan iyo Mas'uuliyiin kale, iyadoo ay Kooxda Heegan ku soo bandhigtay Riwaayad ka turjumaysa Xaaladda haatan uu dalku marayo.

 

Damaashaad iyo dabaaldag kadib ayaa waxaa halkaasi si wadajir ah loo saaray calanka jamhuuriyadda Somaliya, waxaana khudbado kooban oo ku aadan calanka halkaasi ka jeediyay masuuliyiin isugu jirta maamulka gobolka Banaadir iyo kan dowladda federalka.

 

Munaasabaddan oo kale ayaa iyana waxaa si weyn looga xusay magaalada Baydhabo halkaasoo fariisin u ah barlamaanka Somaliya.

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1da Luulyo oo laga Xusay Somaliya iyo dalal kale

 

(HR Media):- Maalinta 1da Luulyo oo ku beegan xiligii ay Koonfurta Soomaaliya qaadatay xoriyada isla markaana ay midoobeen Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya oo maanta kasoo wareegtay 48 sano ayaa laga xusayaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya iyo waliba dalalka kale oo badan.

 

Munaasabada 1da Luulyo ayaa xalay si weyn looga xusay xarumaha Dowlada ee magaalooyinka Bosaaso, Baydhabo iyo Muqdisho.

 

Munasabadii ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta Golaha Wakiilada ee DFKMG iyo maamulada gobalka iyo degmooyinka ayaa lagu soo bandhigay heeso Wadani ah iyo waliba ayadoo la saaray calanka astaanta u ah Jamhuuriyada Soomaaliya. Xafladaasi ayaa ka dhacday guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shiikh Aadan Madoobe.

Halkan ka dhageyso Xafladii Baydhabo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

 

Magaalada Bosaaso ayaa kamid ahayd meelihii xalay sida weyn looga dabaaldegay maalinta 1da Luulyo ayadoo saacadu markay ahady 12kii habeeno calanka Soomaaliya la saaray xarunta Gobalka Bari, halkaasi oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin kala duwan iyo shacabweyne. Waxaana halkaasi laga maqlayey heeso wadani ah iyo muusigada ay tumayeen ciidamada baambeyda Booliiska.

 

Sidoo kale magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sanadkan laga xusay maalinta 1da Luulyo ayadoo xaflad aad u balaaran lagu qabtay xarunta Gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho oo ah xarun si weyn loo dayactiray sanadkii hore oo halkaasi lagu qabtay Shirkii dib u heshiisiinta Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

 

Xafladaasi ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka, abwaan iyo shacab weyne, waxaana markii la saaray Calanka Soomaaliya halkaasi goobo u dhaw kusoo dhacay hoobiyayaal ay soo tuureen kooxaha ka dagaalama magaalada Muqdisho, ayadoo arrintaasi keentay in xafladaasi lagu soo gaba gabeeyo si deg deg ah kadib markii la saaray Calanka ayadoo laga cabsi qabo in ay hoobiyaashaasi ku soo dhacaan xarunta ay xaflada ka socotay.

 

Hoobiyaasha ay kooxahaasi soo tuureen ayaa ku dhacay xaafadaha ku dhaw dhaw xarunta Gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho ayadoo la sheegay in ay ku dhinteen dad dhawr ah dhaawacyada halkaasi ka dhashayna la dhigay Isbitaalka kuyaal waqooyiga magaalada ee Keysaney.

 

Maalinta 1da Luulyo ayaa u eg mid aysan si nabad ah ugu dabaal degin sanadkan magaalada Caasimada u ah dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ay weli ka socdaan dagaalo xoogleh oo ay wadaan kooxaha kasoo horjeeda Dowlada federaalka iyo ciidamada Itoobiya ee halkaasi jooga.

 

Maanta oo Talaado ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay xaflado ka dhacaan magaalooyin kale oo kamid ah dalka Soomaaliya kuwaasi oo lagu maamuusi doono maalintan qaaliga ah.

 

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka jaarka la ah Soomaaliya ee Kenya oo ay ku sugan yihin Soomaali badan oo dalkooda ka baro kacay ayaa maanta lagu qabtay xaflad balaaran oo lagu xusayey 1da Luulyo.

 

Sidoo kale Jaaliyaddaha Soomaalida ee ku dhaqan dalalka ka baxsan dalka Soomaaliya ee Afrika, Yurub, Carabaha, Maraykanka, Australiya iyo Asiya ayaa lagu wadaa in ay dhigaan xaflado la xariirta 1da Luulyo kuwaasi oo lagu wado in ay intooda badan dhacaan maalmaha Sabtida iyo Axada ee todobaadkan oo ku beegan maalmaha fasaxa ah ee jaaliyadahasi ku dabaal degi karaan wadamada shisheeye oo ay joogaan.

 

Dhamaan Bahda Horseed Media waxay ugu hambalyeenayaan ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba Sanadguurada 48aad ee kasoo wareegtay Maalinta Xoriyada dalka Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

what was there to celebrate in the past 20 years?

 

 

I suppose its all a nonsense and excuse for people in the Diaspora to have party and tomorow they will wake up to get for work/school!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^^^^^ Cheer up folks. This doom and gloom is getting on my last nerve.

 

Happy birthday my beloved motherland. I wish you better days ahead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Mogadishu is not occupied, it has government troops, police with the support of AU troops from many countries. Things will get adeer so cheer up.

 

We are celebrating our independence and recognition as soverign nation. You are wishing to be a seperate nations, great difference here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

boosaaso_panoramic_city.jpg

Bosaaso oo si weyn looga xusay 1da Luulyo

Dhageyso(HR Media):- Magaalada Boosaaso ayaa xalay si weyn looga xusay maalinta 1da Luulyo ee sanadguuradii 48aad ee dalka Jamhuuriyada xortaha ee Soomaaliya, ayadoo munaasabado kala duwana maanta lagu qabtay magaalada.

 

Xarunta gobalka Bari ayaa xalay lagu qabtay munaasabad ay soo qaban qaabiyeen ururkada Dhalinyarada SSC0 ee magaalada Bosaaso, ayado xafladan ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiinta ka socota xukuumada Puntland, maamulka gobalka, degmada, ururada bulshada rayidka iyo shacab kale.

 

Halkan ka dhageyso Xafladihii Bosaaso ka dhacay

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Mas’uuliyiinta halkaasi ka hadashay waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha golaha deegaanka Bosaaso ahna Duqa magaalada Bosaso Md.Cabdirisaaq Xareed oo ka hadlay muhiimada maalinta 1da Luulyo oo uu ugu hanbalyeeyay shacabka Soomaaliyeed maalintan qaaliga ah.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi heeso qiimo leh kusoo bandhigay hobalada gobalka Bari ayadoo markii ay saacadu ahayd 12kii habeenimo halkaasii loo istaagay in lasaaro calanka Soomaaliya ayadoo heestii calanka Soomaaliya ay ka dhawaajiyeen ciidamada baambeyd ee Booliiska.

 

Dhinaca kale marka laga yimaado xafladii xalay waxaa isla maanta oo ah 1da Luulyo xaflado waaweyn lagu qabtay magaalada Bosaaso, ayadoo munaasabad balaaran lagu qabtay xarunta degmada ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u badan.

 

Waxaana xafladii maanta ka dhacday xarunta Degmada Boosaaso, lagu soo bandhigay khudbado iyo heeso wadani ah.

 

Xafladahan oo sii socon doona illaa iyo caawa wakhti danbe ayaa waxaa sidoo kale lagu qaban doonaa Garoonka ciyaaraha ee Bosaaso ciyaaro lagu maamuusayo maalinta 1da Luulyo ayadoo ciyaarahaasi ay ka qeyb geli doonto kooxda Horseed.

 

Hadaba xafladihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Bosaaso ka dhageyso qeybta kore ee maqalka ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this