Sign in to follow this  
nuune

Early morning Breaking News - Latest

Recommended Posts

nuune   

Latest Breaking News this morning:

 

 

- Buule Barde under TFG hands as of this morning with heavy fighting still going on

 

- Alshabaab capture Luuq this morning after Beled xaawe

 

- Deep division within the leadership of Xisbul Islam, talks are currently going on in Dayniile

 

- Xasan Turki back to Kismaayo early in the morning

 

- Amisom troops expanding in most parts of Mogadishu as of today

 

- Ethiopian troops expected to return as was requested by the draft signtaure of MPs

 

- Heavy fighting in most parts of Hiiraan & Gedo

 

- Sharmaake expected to return to Mogadishu soon to explain the sacking of Oomar

 

- Sharif expected to go to Washington for talks with Obama for Ramadan iftar during the month

 

- Faroole arranging travel to Mogadishu to address the TFG parliment as Sharmaake requested

 

- Riyaale expected to meet with Kibaki of Kenya on election issues

 

 

Stay tuned for early Ramadan breaking news NEXT.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

WAR DEG DEG AH: Magaalada Muqdisho inteeda badan oo saakay ay la wareegeen Ciidamada Amisom, dibna ay haatan uga soo bexeen goobo dhowr ah.

(20-08-2009)Wasaarad da Gaashaandhigga, Guulwadayaasha, Xera jarmal, Shiirkolo, Cali kamiin, Stadio Muqdisho iyo goobo kale ayaa waxaa saakay ku jarmaadey Ciidamda Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo goobahaas gacanta ku dhigay, hase yeeshee Nusi saaco kadib ayaa la sheegay in ay iskood dib uga soo bexeen goobahaas Marka laga reebo Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay saldhigteen.

 

Kooxaha Mucaaradka gaarahaan Alshabab oo aan wax iska caabin ah sameyn markii hore ayaa wararka na soo gaarayaa ay sheegayaan in ay hadda weerar ku hayaan Wasaaradda gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Amisom.

 

Dhaqdhaqaaqa Amisom oo Xowli ku bilowday ayaa waxaa uu ahaa mid aan la kulmin wax iska caabin ah waxaana howlgalkaan ay Amisom ugu kuur-gelayaan goobaha ay ku taamayaan in ay Mustaqbalka degaan.

 

Wararka qaar ahaa waxay sheegayaan in ay jiraan Isafgarad dhex maray ururka Xisbul Islam iyo dowladda oo sahley in Ciidamada Amisom aan la weerarin intii ay wadada ku sii jireen iyo soo laabashadoodiiba.

 

La soco wixii ku soo kordha.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by nuune:

- Sharif expected to go to Washington for talks with Obama for Ramadan iftar during the month

 

1248901131_6305310343.01._sclzzzzzzz_.jp

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Shabelle: MUQDISHO

Xildhibaan Max'ed Qanyare aya sharci daro ku tilmaamay kulankii Masuuliyiinta dowladda iyo maamul goboleedka Puntland ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo ka mid ah mudaanayaasha Barlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay sharci daro in maamul goboleedka Puntland oo hordhigi Xukuumadda KMG sharuudo la xariira in hadii ay yimaadaan safaro dibadda ah in xubno ka socdo maamul goboleedkaasi lagu daro iyadoo sidoo kale sharuudahaasi ay qeyb ka ahaayeen arimo dhinaca dhaqaalaha ku saabsan kuwaasi aan wali xalkooda la isla gaarin.

 

 

 

Xildhibaan Max’ed Qanyare waxaa uu ku tilmaamay in taasi ay ka dhigantahay laba dowladood oo uu ka dhaxeeyo xisaabtan,isagoo farta ku guday in dowladda lagu soo dhisay 4.5 islamarkaana ay xubno ka yihiin masuuliyiin ka soo jeeda Maamul goboleedka Puntland,waxaana uu hoosta ka xariiqay in xaq ay u leeyihiin in ay helaan xaquuqda gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

 

 

 

Arintaan ayaa waxaa ay soo ifbaxday kadib wadahadalo ay wada yeesheen Ra’’iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya iyo madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole iyadoo aysan labada masuul arintaasi isla ogolaan hirgalinteeda.

 

 

 

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay arigtida ku aadan burcad badeeda Soomaalida ee falalka afdiibka ka wada biyaha Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu aaminsanyahay in burcad badeeda ay ka koobantahay dhow qeybood kuwaasoo ay ka mid yihiin maraakiibta haraadiga wasaqda ku daadinaysa biyaha Soomaaliya iyo kuwa sida sharci darada ugu kaluumaysanaysa kuwaasi oo ka faa’iidaysanaya ilaalo la’aanta ka jirta biyaha Soomaaliya.

 

 

 

Waxaa uu ku baaqay xildhiban qanraye in lala dagaalamo dhamaan dhinacyada uu farta ku goday isagoo sheegay in ay yihiin burcad badeeda rasmiga ah loona baahanyahay in laga hortago.

 

 

 

Arigtida ku aadan dhaq dhaqaaqa howlaha burcad badeeda ayaa waxaa aheeyd mid dadku intooda badan ay ku kala duwanaayeen,waxaana dadka qaar ay aaminsanaayeen howlaha burcad badeeda in ay ahaayeen kuwa sharci ah kuwaasi oo la dagaalamaya maraakiib si sharci daro uga kaluumaysanaysa iyo kuwa caadeystay in ay qashin ku shubaan biyaha Soomaaliya halka qaar ka mid ah ay aaminsanyihiin burcad badeeda in howlahooda ay tahay mid sharci daro ah oo aan xiligaan loo baahnayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this