Sign in to follow this  
Suldaanka

People in Hargeisa welcome those who fled the genocide in Mogadishu

Recommended Posts

Dad Qaxoonti Ah Oo Ka Soo Cararay Dagaalada Ka Dhacaya Magaalada Muqdisho Ayaa Soo Gaadhay Magaalooyinka Somaliland

 

Hargeysa (Harowo.com)— tobaneeyo qof oo ka mid ah raxan dad ah oo ka soo cararay dagaalada ka dhacaya magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa soo gaadhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyagoo qaarkoodna ku imanaya dhinaca diyaaradaha qaarkoodna ka soo gudbay xuduudka labada dal u dhexeeya.

 

 

Dadkani ayaa iyagoo wajigooda ay ka muuqato argagax ay ka qaadeen dagaalada ka dhacaya soomaaliya waxay soo gaadheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyadoo dhinaca kalana maanta qoraal ka soo baxay wasaaradda duulista iyo gaadiidka Somaliland lagu sheegay in la dabciyey cunaqabatayntii ay Somaliland ku soo rogtay Soomaaliya sababaha qaxoontiga awgood.

 

Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inay magangalyo siinayso dadka rayidka ah ee soomaalida ah waxaana ay sheegtay in somaliland ay ka mamnuuc yahiin labada dhinac ee dagaalamaya cid ka socota inay cagaha soo dhigaan Somaliland.

 

dadka iyagu ka soo gudbay xuduudka labada dal ayaa la sheegaya qaarkood inay dhoobanyahiin faras magaalaha magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyagoo si raxan raxan ah usoo gallay magaaladaasi Burco, maamulka gobolka Togdheer ayaa sheegaya inay qorshaynayaan barnaamijyo ay goobo ku dejinayaan dadkaasi qaxoontiga u ah iyagoo la kaashanaya haayadaha qaramada Midoobay ee dalka ku sugan.

 

Dhinaca caasimadda Hargeysa ayaa dadka soo gaadhay waxay yahiin dad iyagu dhaqaale iska haysta waxaanay badanka ku soo degayaan hotelada magaalada Hargeysa iyagoo qaarkoodna aad arkayso iyagoo si caadi ah u dhex socda magaalada, waxaana dadka reer somaliland ay usoo dhaweeyeen dadkaasi si diiran.

 

Maalmaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in dad barakacaya oo intani ka badan ay soo gaadhaan magaalooyinka Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Not too long ago, people from the 'south' were being deported.

 

I hate doublefacedness, I mean why can't we just get passed the 'clan' phase.

 

Everything thats done here is done for clannist reasons and it undernmines every good thought, its making me cynical.

 

I am getting annoyed with you people. I mean I can see every single one of you coming from a mile. At the end of the day 99% of you guys are just representing some clan.

 

Only few guys here are staying true so far.

 

Kashafa the neo-wadaad.

Daveletterman our own Don Quichote

Centy our walking library

and Che Guevara the rebel without a pause.

 

Anyhow I am pissed off. Anyhow me has evolved to Superfluous.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this