Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Muj silanyo arrived in lascanood

Recommended Posts

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyey Laascaanood

January 1st, 2009

 

Laascaanood (Somaliland.org) – Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta si layaab leh loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood oo maalinta berri ah ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa.

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in kumanaan dadwaynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo sita calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka xisbiga KULMIYE ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa.

 

Soo dhawayntaasi ka dib, Guddoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadwaynahan soo dhaweeyay, isaga oo uga mahad celiyay sida qiimaha iyo qaayaha badan ee ay u soo dhaweeyeen. Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu dadwaynaha gobolka Sool uga waramay socdaalkooda iyo sida ay muhiimka ay u tahay in shacabka gobolka Sool guud ahaan ay u diyaargaroobaan diwaangelinta maalinta berri ah ka bilaabi doonta gobolkaasi.

 

Fagaarahaasi waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Mudane Fu’aad Aadan Cadde oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, iyaga oo dadwaynaha ku booriyay in ay diwaangelinta si wayn uga qayb qaataan.

 

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa ka waramay qiimaha nabad-galyada iyo degenaanshaha. Isaga oo ka mid ahaa raggii dedaalka badan ka galay nabadayntii beelaha Bariga Somaliland iyo guud ahaanba dalka Somaliland ilaa sannadkii 1991-kii.

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo waa masuulkii ugu miisaanka waynaa ee taga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, tan iyo sannadkii 2003.

 

Dhinaca kale, guddoomiyaha guddida diwaangelinta Komishanka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in diwaangelintu si rasmi ah maalinta berri uga bilaabmi doonto gobolkaasi, kooxihii ka hawl galayay diwaangelintuna ay gaadheen gobolka Sool, inkasta oo ay jiraan ‘buu yidh’ kooxo tiro yar oo weli ku sagan magaalada Burco oo ilaa caawa ay dirayaan.

 

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

If someone starts a rumour (as happens in many third world countries) that money is being given out to every person that registers, do you reckon the line will stretch to Growe? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

The smugness baa iguu daraan..jeez!

 

Ngonge,you got it right ,as being a third world and third world politics,corruption ,corruption ,corruption is all the way!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't know much of the man. But when did he became a mujahid? What has he done to deserve such title? Or does the word mujahid mean for some people something different than what Islam says?

Cajaa'ib Sheekhow

Share this post


Link to post
Share on other sites

yes he is mujaheed

allah says in his quran marka gurigaga lugugu soo doonta is diifaac dar allah iskgaga celli.

ilahay nicmal wakiil ka dhigo

 

there for he is mujaheeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji xundjuf , It looks like the guy on the left is thinking: 'aawey bariiska'; Ahmed yusuf is probably thinking: 'waar sawirka naga daa'; and Silanyo is thinking: 'maad ilaa hadashey'

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this