Sign in to follow this  
Gabbal

Faallo:Mustaqbalka Mugdiga Ah Ee Somaaliya:By Dr.Cabdirizaq Faarax Cali (Taano)

Recommended Posts

Gabbal   

Faallo:Mustaqbalka Mugdiga Ah Ee Somaaliya:By Dr.Cabdirizaq Faarax Cali (Taano)

 

Mar 21,2008

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Markaad eegto Kafadaha faraha badan ee la rabo in ay simmaan si xaaladda Soomaaliya ay u degto, waxaa kuu muuqanaysa Waddo mugdi ah oo iftiinkeedu fog yahay. Markaad ka bilowdo labada kafadood ee Maraykanka iyo Midowga Yurub oo mid waliba rabto in uu ka dhismo Soomaaliya Maamul ay raad xoog leh ku leeyihiin taas oo dhalisa tii danteeda meesha ka arki waydaa in ay burburiso isku dayga tan kale.

 

Hadaad ku xijiso saamaynta dowladaha Carabta oo aan lahayn xoogga kuwa hore laakiin ah Kafad jirta oo dhinac ka saran Miisaanada kala duwan ee la rabo in ay dheelli tirmaan si nidaam loo helo.

 

Markaad milicsato Kafadaha ay kala saaranyihiin dowladaha dariska la ah Soomaaliya oo laftigoodu ku kala xoog badan qaabka saamayntooda iyo waliba is waafajinta danta gaarka ah ee dowladdaas dariska nala ah ay leedahay iyo danta larabo in ay fuliso ee ay leeyihiin ama bah-wadaagta ay ku yihiin quwadaha haga adduunka, kuwaas oo dowladaha dariska nala ah aysa uga maarmin in ay ka helaan dhaqaale, qalab ciidan, khibrad ciidan iyo ruqsad guud oo ay ku banaysato in ay fuliso labada danood ee isi saaran.

 

Markaad eegto boqolaalka kafadood ee ay kala saaranyihiin rag farabadan oo Soomaali ah, saamayn xoogganna ku leh gudaha Soomaaliya, mid Ciidan, mid Siyaasadeed iyo mid Qabiil intaba. Kuwaas oo aan wax arxan ah aan u galayn danta guud, wax kasta oo la gaarilahaana ka hor imaanaya si uu u helo dan yar oo shakhsi ah.

 

Markaad sii humaagsato kala fogaanshaha Soomaali waynta ba’day, sida ay u garab marayaan wadada badbaadada, dhaga fudaydka ay u hayaan Hoggaamiye-kooxeedyada ku dhaga nugaylsada Tol-beelayda, talo la’aanta iyo waliba Boholaha lagu sii dhacayo oo Boholba Bohol looga sii gudbayo qofkeenna noogu miyir roon waxaa u muuqanaya mustaqbal mugdi ah iyo rajo la’aan ka garasha gaarista Qaranimo Soomaaliyeed oo lugaheeda ku taagan. Marar badan ayaan kaligay dhafoorada qabsadaa, waxaan is waydiiyaa su’aasha ah “MAXAA NOO TALAA”?, talada ayaan laba-laba isku saaraa, mahelo meel aan ku gunto, markaan ugu roonaa alla bari baan u istaagay, “ Ilaahow SYL noo soo noolee” ayaan isku seexiyey si aan mowduuca joogsi ugu yeelo.

 

 

 

Dr.C/Risaaq Faarax Cali(Taano)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Ninkii Doctor (Phd) amd Dr la dhihi joray waa in Soomalidu Xaal siisaa!

 

Xaal weliba wayn buu nagu leeyahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this