Sign in to follow this  
Gar-haye

Inside Baydhabo.

Recommended Posts

Gar-haye   

Weerar qorshaysan oo xalay lagu qaaday xarunta Baarlamaanka DFKMG ah ee Mag. Baydhabo

Beerdhiga 22.05.2008 13:29

 

Abaaro 8:30PM habeenimo ayay aheyd markii Xoogaga ka soo horjeeda Siyaasadda DFKMG ah iyo Joogitaanka ciidamada gumeyisga Itoobiya ay weerar qorshaysan ku qaadeen xarunta Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeeya gumeysiga Itoobiya gaar ahaan ilaalada xaruntaasi ee magaalada Baydhabo.

 

Israsaaseen oo in muddo Daqiiqado ah soconaysay ayaa waxay si kulul uga socotay agagaaraha xarunta baalamaanka, waxaana Dhawaqa is rasaaseenta labada dhinac si xoogan looga maqlay gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo, walaw dadka Reer Baydhabo xalay ay ku seexdeen cabsi iyo wal wal.

 

Lama sheegi karo khasaaraha rasmiga ah ee xalay soo gaaray ilaalada xaruntaasi ee ay Xoogaga ka soo horjeeda DFKMG ah weerarka qorshaysani ku qaadeen.

 

Xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa saaka xasiloon ka dib markii saaka ay ciidamo badan oo kuwa gumeysiga Itoobiya ah lagu daadiyay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

 

Waa weerarkii ugu horeeyay oo in mudo ahi ka dhaca Magaalada Baydhabo oo u muuqata mid isku badashay Caasimada muqdisho oo ay ka socdaan weeraro iyo qaraxyo isdabo joog ah oo lala beegsanayo ciidamada gumeyisga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya intaba.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this