Sign in to follow this  
Taako Man

Shariif Hassan looking for reconciliation

Recommended Posts

Shariif Xasan oo raadinaya heshiis Soomaaliyeed

 

Mogadishu 07, Jan.07 ( Sh.M.Network) –Diblomaasi sare oo Soomaaliyeed oo xiriir la leh hogaamiyayaashii laga adkaaday ee maxaakimta Islaamiga ayaa ku baaqay in deganaashiyo laga sameeyo dalka Soomaaliya, isagoo ku booriyey dagaalyahanadii ka haray maxaakimta Islaamiga inay soo dhiibaan oo ay ku biiraan hanaanka nabada si loo soo afjaro fowdada 15 sano lagu soo jiray.

 

Shariif Xasan Sheekh Adam, afhayeenka baarlamaanka dowlada KMG ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in dagaalka uu dhamaaday oo loo baahan yahay in dhamaan Soomaalida ay iska kaashaadaan sidii loo soo celin lahaa xasiloonida.

 

Sharif Xasan waxa uu isaga haray mowqifkii uu kaga soo horjeeday ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay soo dhoweeyaan oo ay xurmeeyaan ciidamada loo keeni doono si ay nabada uga shaqeeyaan.

 

Waxa uu si weyn u mucaaradsanaa dowlada ay Q.M taageertay ee KMG, isagoo xiriir hoose la lahaa hogaamiyaashii golahii maxaakimta Islaamiga, kuwaasoo ku firxaday miyiga koonfurteed ee dalka Soomaaliya, iyagoo balan qaaday dagaal falaageyn ah ka dib markii ay ku jabeen dagaalo laba todobaad ka hor ay la galeen ciidamada dowlada KMG oo kaashaanaya kuwa Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif Xasan waxa uu isaga haray mowqifkii uu kaga soo horjeeday ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay soo dhoweeyaan oo ay xurmeeyaan ciidamada loo keeni doono si ay nabada uga shaqeeyaan.

lool, what a ruthless oppurtunist he is!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this