Sign in to follow this  
Member-sol-

TFG ministers avoid the capital, go on endless trips

Recommended Posts

wasiirada waxaa ku socotey saliingo doolar ah oo ka mid ah lacagihii loogu deeqey DKMG ah, laakiin waxay musalafeen markii dowladaha deeqda bixiya ay la yimaadeen xisaabtan adag illaa heer la magacaabo shirkad qandaraas ku heysata xisaabinta qarashaadka dowlada la siiyo si aanan loo lunsan.

 

 

Waxaa ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Janaqoow oo ku magacaaban wasiirka cadaalada, wuxuu ka dagay dalka Sweden halkaasi oo lagu waddo in uu fagaare kala hadlo taageraasyah DKMG ah oo marka ugu dambeysa ay tahay in jeebkooda ay hoos u fagaan si ay u dabaraan boorsada laantiiga leh ee fidsanta ee Janaqoow iyo kalkaaliyeyaashiisa wataan.

 

 

Inta badan dadka Yurub iyo Maraykanka ku nool ee taageera DKMG ah ayaa markani ka caggo jiidaya in ay xaadiraan kulamada ay ka hadlaan wasiirada dowlada ee marka ay hadalka dhameeyaan yiraahda “isku soo dar-dara”.

 

 

Janaqoow waxaa ka horeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dhowr kale oo ku sugan meelo ka mid ah Yurub.

 

 

Halka sida weyn looga nacay mas’uuliyiinta dawarsada ee DKMG ah waa magaalada Nairobi oo dadku karaahsadeen wax ay ugu yeeraan “wax ma tareyaal weel baneeska” afka yuuban ee carabka isku hor wada.

 

 

Wasiir kasta waxa uu isku dayaa in uu ogaado fikirka rasmiga ah ee ay aaminsayihiin dadka uu la kulmayo, kadibna wuxuu u garacaa laxanka ay doonayaan in ay dhagaystaan, iyadoo ugu dambeyntana ay tahay in loo aruuriyo xoogaa qarash ah.

 

 

Waxaa intaasi dheer in rag lacago heysta oo dibbadaha ku nool lacago badan ay wasiirada oga cunaan balanqaadyo xilal safiirnimo iyo jagooyin kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this