Sign in to follow this  
General Duke

Another traditional leader behind bars in SOMALILAND

Recommended Posts

You have to hand it to old Dahir Riyaale he sure know how to keep these boys under manners. Democracy is a wonderful thing :D

 

 

Isimada Somaliland oo Daahir Riyaale ugu baaqay in uu sii daayo Boqor Raabbi

 

 

Hargeysa - 27.January.2005 Salaadiinta ku dhaqan dhulka la baxay Somaliland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha maamulkaasi, Daahir Riyaale Kaahin, in uu sii daayo Boqor Raabbi oo ka mid ah isimada deegaanka Hargeysa, kaas oo lagu eedeeyey falal Soomaali weyn raadis ah.

 

Cali Dool Axmed oo ah xoghayaha salaadiinta ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku codsaday in la sii daayo Boqorlka oo muddo toddobaad ka badan ku xiran xabsiga magaalada Hargeysa.

 

Xoghayuhu waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in iyadoo la dhawrayo maamuuska uu suldaanku ku leeyahay dhaqanka uu markaasi ka codsanayo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin in uu sii daayo boqorka.

 

SBC Online.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqor Raabbi Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 21 January, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedyada beelaha Hargeysa, ayaa la xidhay Arbacadii, habeenkii Iiddu soo gelaysey.

 

Sida ay Somaliland.org u sheegeen dad ehelkiisa oo aanu telefoonka kula xidhiidhnay, Boqorka waxa u yeedhay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Hargeysa, abaaro 7:00 fiidnimo, waxana uu tegey Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa, halkaas oo lagu xidhay, ilaa iyo haddana uu ku xidhan yahay.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa isaguna maanta u xaqiijiyey BBC-da xadhigga Boqor Raabi, waxana uu sheegay in loo haysto waraysi uu Boqor Raabi siiyey warbaahinta maxaliga ah oo uu ku sheegay hadallo ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland. Iyo sidoo kale inuu ka hadlay arrimo keeni kara nabadgelya-darro.

 

Wasiirku si cad uma sheegin hadaladaas. Hase yeeshee, waxa la filayaa in xadhiga Boqor Raabi uu salka ku hayo waraysi uu dhowaan siiyey Telefishanka Madaxa Bannaan ee Hargeysa, kaas oo uu ku sheegay inay jirtey inuu mar aaminsanaa fekradda Federaalka, balse intii Boqornimada loo caleema-saaray uu ka hadhay fikraddaasi, isla markaana uu aaminsan yahay waxa beeshiisu aaminsan tahay.

 

Waxa kale oo uu Boqor Raabbi si weyn u taageeray baaqii shirka Beesha ***** ee ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Cabdulqaaddir, kaas oo uu waraysigaa faahfaahin iyo sharraxaad dheeraad ah kaga bixiyey ujeedada ka dambaysa. Waxana uu beeniyey in shirkaasi xidhiidh la leeyahay shir la sheegay inuu ku baaqay Ina Buubaa oo ka tirsan dowladda Mbagathi uu ku dhisay Col. Cabdillaahi Yuusuf iyo inuu xidhiidh shakhsi ah la leeyahay Buubaa oo ka tirsan beeshiisaba.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaaddir oo isagu shir uu dhowaan qabtay ka soo jeediyey baaqiisa shir ay yeelato Beesha ***** , halkaas oo Boqor Raabbi-na ka caddeeyey taageeradiisa shir noocaas, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Boqor Raabbi aanay isku mawqif iyo isku aragti ka ahayn shirka uu ku baaqay, isaga oo ku eedeeyey Boqorku inuu u socdo meel kale.

 

Waa Boqorkii labaad ee xukuumadda Madaxweyne Riyaale u xidho ra’yigiisa siyaasiga ah, iyada oo horraantii 2004 xabsiga loo taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), kadib markii uu saxaafadda uga warramay xogo ku saabsan heshiisyo ay wada galeen xukuumadda Somaliland iyo dowladda Jabuuti iyo kaalmo milateri oo ay xukuumaddu siisay Gen. Cadde Muuse iyo ciidamadiisii magangelyada ku yimi Somaliland.

 

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

 

..................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Summary

 

Traditional elder of Hargaysa put in jail because he stated that he once believed in Federalism ala Somaliweyn[a henious crime in them parts]. He also agreed with the call of another Suldan to hold a major meeting of their clan in order to discuss the current situation of the area which they reside.

 

He is the second traditional leader to be treated this way by the Riiyaale regime.

 

We need to keep a close watch on this, because they might charge the poor man with spaying or being a Puntland double agent :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

We need to keep a close watch on this, because they might charge the poor man with spaying or being a Puntland double agent

 

 

that is not joke Duke, it will happen lol :D

just wait and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this