Sign in to follow this  
Gabbal

Al Shabaab announces itself in Puntland.

Recommended Posts

Gabbal   

If there was any doubt, the attack in Garowe has settled it.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland oo caawa fiidkii ka bad baaday qarax lagula eegtay magaalada Garoowe.

 

Shabelle: GAROOWE

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland ayaa caawa fiidkii waxa uu ka bad baaday qarax lagula eegtay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in caaw fiidkii qarax Miino oo sababay qasaaro uu ka badbaaday gudoomiyaha Baarlamaanka ee maamulka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi.

 

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso lagana hago Rumuud Kontaroolka ayaa waxaa lala eegtay Gaari uu watay gudoomiyaha Baarlamaanka xilli uu ku wajahnaa gurigiisa sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Inta la ogyaha 1-askari ayaa ku geeryooday mid kalana waa uu ku dhaawacmay qaraxaasi miino, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay markiiba soo gaaray Ciidamo

 

Katirsan kuwa amaanka ee maamul goboleedka Puntland kuwaasi oo markiiba rasaas ku kala eryay dadkii ku suganaa agagaarka uu qaraxu ka dhacay.

 

Macada ilaa iyo hadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi marka laga reebo Askari geeryooday iyo midka dhaawacmay , waxaana uu qaraxani qeyb kayahay qaraxyo iyo dilal xiriir ah oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay deeganada maamul goboleedka Puntland.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

Fadlan wixii Qalad ah Nala Soo xariir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Nah Gabbal, you got it all wrong.

 

''Southerners'' are behind this instability and piracy in Northeastern Somalia. Those people who came from the ''South'' are causing havoc and want to destroy the Pirate-land.

 

Its the truth, just ask Dukey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I am not being rude to him. The kid should spend some precious time sorting out his grammar and vocabulary before this craze on the cyber. Waa iga waano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Al Shabaab will not linger that long in Puntland they will forcefully and considerably be dealt with.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think Al Shabaab had anything to do with this attack on the Speaker...

 

Puntland:-Baarlamaanka Wax walba ansixiyow Wadadee Mari doontaan?

 

Waxaa yaab iyo amakaak ku ah shacabka Puntland kuwa isku tilmaama in ay matalaan ee Xubnaha Baarlamaanka Beelaha Puntland soo xusheen ah waxa ay ku kacayaan had iyo jeer oo ay sameynayaan. Ma yihiin kuwo diinta Dalka iyo Dadka Puntland wax u taraya? Jawaabtu waa maya. waxa ay meel mariyaan wax walba oo dhibaato u ah shacabka badan waxa ayna duudsiyaan wax walba oo xal u noqon lahaa umadda Puntland.

 

Waa kuwa u shaqeeya Baarlamaanka Puntland danahooda gaarka ah ee hantiyeed oo laga siiyo marka la doonayo in wax laga ansaxsado qasnada Dowladda iyo dhaqaalaha Ummadda Puntland leedahay dibna loogu halaagayo.

 

Hadda waa ay dhamadeen waqtigii loo dulqaadan lahaa marin habaabinta danaha shacabka Puntland iyo naas nuujinta dad gaar ah oo Puntland dhiiga ka jaqa sida gafanaha bahalka la yiraahdo. Waxaa la jooga waqtigii lala xisaabtami lahaa oo la ciqaabi lahaa Xubnaha Baarlamaanka Puntland waa dhab in ay iyaga yihiin asalka dhibaatada Puntland haysata iyo hogaamin la'aanta murugsan ay dhaleen kuwa codkooda calafka ku doonta ee aan ka fekerin danaha dadka puntland

 

Wax walba ansixiya Xubnaha Baarlamaankow waxaa kuwa idin daba socda oo dadka idinka dhex qaban doona idin leeyihiin wax walba ansiyalow halkee wado idiin ah oo aad mari doontaan???????????????

 

Waxaadna la kulmi doontaan ciqaab danbiyada aad diinta dalka iyo dadka Puntland ka gelaysaan had iyo jeer ilaa 11 sanno oo Puntland la dhisay. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa Waranka Salka horta aan iska siibo si aan u fariisto waayo kan feeraha waxaa ka daran kan salka iiga mudan waana tan maanta keentay in Puntland dad gaar ah gacanta loo geliyo dhaqaalaheeda Siyaasadeeda iyo wax walba oo Ciidan Nabad suga ah. Taasi marka waxaa ay noqonaysaa in Baarlamaanka Puntland Talaabo laga qaado si loo badbaadiyo gobonimada ummadda Puntland iyo xoriyada guud ee Beelaha Puntland Diintana looga dhigo mid kor noqota.

 

Shalay ayaa la Horkeenay Baarlamaanka Puntland inay meel mariyaan ansisixnta Hashiiska Shidaalka ee Puntland ay la Gasha Shirkaad Ajaanib ah, taasi oo aanu Baarlamaanku Su"aalo badan ka waydiin Karin Xukuumada dhaqaalaha ka soo Xereeda Shirkadaha Badhaya Khayraadka waxa loo qoondeeyay iyo Meesha si Gaar ah ay ugu dhacayaan.

 

Baarlamaanku Maha kuwa Yaqaan Ujeedkooda ama kuwa Maraya Dariiqooyinkii loo idmaday markii la soo xuliyay, kuwaasi oo Hareer maray Shuruucda Baarlamaanada Aduunka. taasi oo ku Salaysan Soo Gola Joojinta Xukuumada iyo la Xisaabtan Hadba markaasi waxa Taako ah ee taagan.

 

Baarlamaanka Puntland oo ka Kooban 66-Xubnood oo ay soo xuleen Beelaha degan Gobolada Puntland iyaga oo Saxeex iyo Idin ka Helaya Hadba Isinka Beeshaasi Hor jooge u ah.

 

Puntland ayaa waxa ka dhacay Qaraxyo dilal Joogta ah oo dad Masuuliyiin ah Loo Gaysanayo iyada oo Masuuliyiin qaar ay Safaro dibada ugu maqanyihiin, waxaan xasuusanaa markii la dilay Gudoomiyihii Maxkamada Darajada koowaad ee G/Bari iyo Madaxwane Faroole iyo Golihiisa Wasiirada qaar ay Joogeen dalka Dariska la ah Somaliya ee Kenya.

 

Waxaan Xasuusanaa Shirkii Golaha Wakiilada ee Khamiistii in Wasiirka Maaliyada uu soo Bandhigay Miisaaniyada 2010- ee lagu dhaqayo Xukuumada, Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in wixii ka danbeeyay Doorashadii Puntland ee Janaayo, ay lacagta Maaliyada laga saaro ku Baxaysay Saxeexa Madaxwayne C/raxmaan Faroole

 

Baarlamaanka Puntland ayaa moodaa inay yihiin Dad Xagal Daacinaya Hanaanka Loo dhisay Maamulka Puntland kaasi oo ah in Nabad lagu dhaqo Shacabka Walaalaha ee degan Gobolada Puntland kuwaasi oo Xaq u leh inay doortaan Ruux kasta oo Bad Baadinaya Danaha qaranka isla markaana Soo celinaya Amaanka, Kobcinaya dhaqaalaha Gobolka.

 

Waxaan aad ula Yabaa marka la Hir Galiyo Nidaamka Asxaabta ee Puntland haatan u Hanqaltaagayso taasi oo Gabi ahaanba Meesha ka Saaraysa 66- Ruux ee ilaa 1998- Yuururay Meesha kuwaasi oo Hadba Musharaxa Gurigiisa Habeenka Doorashada ku soo Booqda Ugu Shuba Codka.

 

Nidaamka Asxaabta ayaa ah kuwa ay Shacabka si Xalaal ah ku doorankaraan Ruux ay markaasi doonayaa inuu Hogaamiyo taasi oo lagu Garankaro Tan Caalamka haatan ka Jirta.

^^

This was posted on Dayniile days before today's attack!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

Laakiin Faroole wax loo naxo ma aha.

This is what's wrong with some Maryooley, Faroole is not Puntland and I guarantee you if the sh*t hits the fan, it won't be him that pays the prize.

 

 

Back to the topic...Something else is going in Puntland. There's no Al-Shabaab here/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

even if its not al-shabaab doing this if and when pirateboys go belly up they will be the only winners, as they thrive on chaos and mayhem

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this