Sign in to follow this  
Gabbal

Strongmen Hussein Aydiid, Qanyare Afrah, and Muuse Suudi turn their weapons over.

Recommended Posts

Gabbal   

Hubkii hogaamiye kooxeedyada oo lagu wareejiyay DFS

 

 

Baydhabo 17, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Xildhibaan Muuse Suudi iyo Xildhi. Max'ed Qanyare ayaa hubkoodii ku wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo xaflad hub wareejin ah ay ka socoto xarumaha mas'uuliyiintaasi.

 

Munaasabad Ka dhacday Degmada Dayniile ee ku taala xarunta Max'ed qanyare ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Somalia hubkii uu lahaa Max'ed Qanyare oo gaaraya in ka badan 30 baabuurta dagaalka ah oo isugu jira madaafiic iyo qoryaha lidka diyaaradaha.

 

Ilaa 600 oo maleeshiyo ah ayaa lala wareejiyay hubka, kuwaasi oo loo sameyn doono tababarro lagu ciidameynayo.

 

Xildhibaan Qanyare oo hadalo ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in hubkii uu lahaa uu ku wareejiyay dowladda, isagoo ugu baaqay dowladda Ethiopia in aysan ciidamadeed aysan kala bixin Somalia inta ay ka imaanayaan ciidamada Africa.

 

Sidoo kale Munaasabad hub wareejin ah ayaa ka soconeysa xarunta Muuse Suudi Yalaxow ee degmada Kaaraan, iyadoo Xildhibaan Muuse Hadalo uu halkaasi ka jeediyay uu ku sheegay in uu wareejiyay dowladda hubkii uu lahaa, isagoo sheegay in uu jiro hub ku maqan baadiyaha iyo qabaa'ilada laguna howlan yahay sidii loo soo celin lahaa oo loogu wareejin lahaa dowladda.

 

Gudiga hubka lagu wareejiyaya ayaa waxaa la socday Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somaliyeed Gen. Naaji.

 

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha dowladda Somalia Inj. Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa hubkii uu lahaa ku wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia.

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi oo hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka

 

Arbaco, January 17, 2007(HOL): Maxamed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxow oo Xildhibaano ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, horayna u ahaan jiray Hoggaamiye kooxeedyo ayaa maanta waxay hubkooda ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Hub wareejinta ay sameeyeen ayaa waxay timid kadib markii ay dabayaaqadii todobaadkii hore ay kulan la qaateen Mas'uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay isku af-garteen in ay hubkooda iyo maleeshiyooyinkooda ay ku wareejiyaan dowladda Federaalka.

 

 

Col. Faarax Cabdulle Garam-garam oo u hadlay Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka hub culus iyo mid fudud iyo maleeshiyooyin tiro badan oo ka mid noqon doona ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isna wareejiyay hubkiisii ayaa sheegay in wixii haatan gacantiisa ku jira oo hub ah uu dowladda ku wareejiyay, wixii kale ee harsan ee beeshiisa iyo baadiyaha ku kala maqanna uu iyana soo wareejin doono, wuxuuna caddeeyay Muuse Suudi in uusan xitaa reeban doonin hub uu isku ilaaliyo ilaa ay dowladda u ogolaato mooyee.

 

 

Dhanka kalena Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta ugu baaqay Dowladda itoobiya in aysan ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya tan iyo inta dalka Soomaaliya laga keenayo ciidamo ka socda Midowga Afrika, wuxuuna ka digay in haddii Ciidamada Itoobiyaanka ay baxaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan Maxkamadihii Islaamka, isla markaana sida uu hadalka u dhigay ay dhibaatooyin geysan doonaan.

 

 

Maxamed Qanyare ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday in ay ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya soo galaan balse wuxuu go'aankiisaas bedelay markii ay iska hor yimaadeen Maxkamadihii Islaamka oo ku qasbay in uu isaga tago deegaankiisa Dayniile, isla markaana ay la wareegeen hubkiisii, iyadoo lix bilood kadibna uu fariisinkiisii ku soo laabtay kagadaal markii Maxkamadihii Islaamka laga saaray deegaanadii ay ka talinayeen oo ay ku jirtay Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Muqdisho:Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi oo hubkooda ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya.

Arbaco, January 17, 2007

 

APL

 

 

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Muqdisho haddana ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Qanyare Afrax ayaa goor dhow hubkooda ku wareejiyay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Xubnahan oo xarumahooda xafladdo lagu wareejinayo hubka ay heystaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna aad u soo dhoweeyeen in uu hubka caasimada Muqdisho yaala uu noqdo mid gala hal gacan oo dowladda ah.

 

Maxamed Qanyare Afrax oo wareejinta hubkiisa oo ka dhacday xarunta Dayniile ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya in ciidamadeeda aysan kala bixin gudaha dalka Soomaaliya inta ay ka imaanayaa ciidamada Afrikaanka ee la filayo dhawaan in dalka ay soo gaaraan.

 

Maxamed Qanyare ayaa sidoo kale sheegay in hadii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka ay dib u soo laabanayaan hoggaamiyeyaaashii Maxkamadaha, wuxuuna sidoo kale uu ugu baaqay Midowga Afrika in ciidamada Imaanaya dalka aysan noqon kuwo nabad ilaalin balse ay noqdaan kuwo hubka aruuriya, wuxuuna gabagabadiio Maxamed Qanyare uu ka codsaday dowladda in sida ugu dhaqsiyaha badan hubka uu ku wareejiyay ay ugula baxaan xerada uu ku leeyahay Dayniile.

 

Muuse Suudi Yalaxow oo isna munaasabadii lagu wareejinayey hubkiisa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in hubkiisa uu ku wareejiyo dowladda, inkastoo Muuse Suudi uu ka cudur daartay in inta badan hubkiisa ay ku maqan yihiin baadiyaha, balse sida ugu dhaqsiyaha badan uu u keeni doono, wuxuuna ku wareejiyay tiro kooban oo hubkiisa ka mid ah.

 

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya uu bilowday hub aruurinta isla markaana wixii hada ka danbeeyana hubka oo dhan ay la wareegeyso dowladda.

 

Cali Sandheere

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Che-Guevara:

LooooooooL@strong men,

 

The entire city of Xamar is awashed with guns. A couple of thugs giving up guns will change a little in terms of security.

It will change a lot. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

The UIC gave all their weapons back to the Clan based militias and these guys inturn pledged support for their 'Warlord'. Upto 600 militias from these guys will join the TFG forces inshallah. It's a great sign of moving forward.

Share this post


Link to post
Share on other sites

From Somaliweyn

 

"Maxamed Qanyre ayaa waxa uu Dowladda ku wareejiyey in ku dhaw 50 Tikniko ah oo isugu jira Madaafiic iyo Hub kale, iyo Lix Boqol oo Maleeshiyooyin ah oo hubeysan.

 

Muuse Suudi Yalaxow ayaa isana waxa uu maanta Wareejiyey Lix Gaari oo Tikniko ah iyo Maleeshiyooyinkooda kuwaas oo maanta si ramsi ah Dowladda ula wareegtay. "

 

 

50 tekniko from Qanyare and 6 from yalaxoow plus their accompanying militias is a lot. Only those who want this government to fail will not realize that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Suudi iyo Max'ed Qanyare oo hubkoodii ku wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia

Posted to the MOL January 17, 2007, 8:21 am

 

 

Muqdisho:- Muuse Suudi iyo Max'ed Qanyare oo labaduba hadda ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliya awalse ahaa hogaamiye kooxeedyo muqdisho ku lahaan jirey awood weyn intii aysan xooga uga saarin maleeshiyadii maxkamadaha ayaa maanta qeyb ka mida ah hobkoodii ku wareejiyay dawlada KMG, balana qaaday inay waxa dhiman soo wareejin doonaan sida ugu dhaqsaha badan.

 

 

Munaasabad Ka dhacday Degmada Dayniile oo xarunta u ahaan jirtay Max'ed qanyare ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Somalia hubkii uu lahaa Max'ed Qanyare oo aad u fara badnaa. waxaa sidoo kale hubkaas lala wareejiyay 600 oo maleeshiyo ah kuwaasi oo loo sameyn doono tababarro lagu ciidameynayo kuna kala biiri doona ciidamada kala duwan ee dawlada KMG ah.

 

 

Qanyare oo hadalo ka jeediyay xafladaas ayaa dawlada Itoobiya ugu baaqay in aysan ciidamadeed aysan kala bixin Somalia inta ay ka imaanayaan ciidamada Africa. Waxaa isna ka hadlay xaflad taas la mida Muuse Suudi yalaxow xafladaas oo lagu qabtay degmada Kaaraan oo fariisan u ahaan jirtay Muuse Suudi. Muuse ayaa sheegay inuu ku wareejiyay dowladda hubkii uu lahaa, isagoo sheegay in uu jiro hub ku maqan baadiyaha iyo qabaa'ilada laguna howlan yahay sidii loo soo celin lahaa oo loogu wareejin lahaa dowladda.

 

 

Gudiga hubka lagu wareejiyay ayaa waxaa hogaaminyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somaliyeed Gen. Naaji. oo goobjoog ka ahaa xaflihii hub wareejinta.

 

Dhawr maalmood ka hor ayaa hogaamiyaasha hubaysan ee Somaliyeed shir ay la yeesheen madaxweynaha iyo RW Somaliya waxay ku balan qaadeen inay hobkooda ku wareejin doonaan dawlada lana shaqayn doonaan dawlada si Somaliya u soo ceshato sharafteedii dawladanimo si loogana baxo fawdada iyo burcadnimada socotay 16-kii sanno ee la soo dhaafay.

 

 

Dawlada ayaa hadda u muuqata inay gudanayso waajibaakeedii iyadoo cabsi badan jirtay asbuucii u horeeyay oo dawladu muqdisho ku soo noqotay iyadoo ay daadihinayaan hogaamiye kooxeedyadii muqdisho oo shacabka Somaliyeed horey uga quusteen inay wax wanaaga sameeyaan.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taako Man:

The UIC gave all their weapons back to the Clan based militias and these guys inturn pledged support for their 'Warlord'. Upto 600 militias from these guys will join the TFG forces inshallah. It's a great sign of moving forward.

I bet these 600 millitias were initially part of defeated UIC and engaged the TFG in Daynuunay area. :D

 

By the way, sign of security improvement. I say Good move by the warlords!

Share this post


Link to post
Share on other sites

hub01.jpg

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya jenaraal Ismacil Qaasim Naaji ayaa maanta la wareegay hub iyo maleeshiyaad taabacsan raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha dawladda Somalia Eng. Xuseen Ceydiid, ayadoo Jenaraal Naaji uu u dhaqaaqay dhanka guriga xildhibaan Maxamed Qanyare si uu uga la wareego hubka iyo maleeshiyaadka.

 

Jenaraal Naaji oo hadal kooban ka jeediyay xaflad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Somalia oo lagu maamuusayay hub wareejintaasi ayuu kaga mahad celiyay hubka lagu wareejiyay dawladda fedaraalka Somalia, isagoo lagu wareejiyay 7 gaari oo Tikniko ah oo ay ku jiraan Beebayaal iyo Lidka diyaaradaha iyo in kabadan 600 oo maleeshiyo.

 

Abaanduulaha ciidamada xooga Somaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in isla maanta hub iyo maleeshiyaad uu kala wareegayo xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, kadibna xildhibaan Muuse Suudi kadibna hogaamiye kooxeedyada kale kuwa dawladda ku jira iyo kuwa aan ku jirinba.

 

Tallaabadan dhiiri gelinta leh ayaa ka danbeysay heshiis taariikhi ah oo dhex maray masuuliyiinta ugu sarreysa dawladda Somalia iyo hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, kaasoo dhigayay in hubka iyo maleeshiyaadka lagu wareejiyo dawladda Somalia, taasoo haddii lagu guuleysto u suura galinaysa dawladda in ay xajisato gacan ku haynta dalka Somalia.

 

Jamac Xasan.

Shabakada Biyokulule,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Will the rest of the War-lords follow? When will War-lord Barre and his Gang surrender their arms to the Somali Government that he and other are part off?

 

 

Warlords finally surrender their arms to the Somali TFG

 

Aweys Osman Yusuf

Mogadishu 17, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Somalia’s warlords, Mohammed Qanyare Afrah, Musse Sudi Yallahow and Hussein Mohammed Farah Aided, have surrendered their arms to the transitional federal government in an occasion ceremony held in the capital Mogadishu.

 

The surrender of weapons took place at Mohammed Qanyare’s Dayniile base in the capital where Qanyare officially handed about 30 armed vehicles over to the interim government military officials present in the area.

 

About 600 tribal militias were also placed under the control of the government for training and rehabilitation.

 

Musse Sudi Yallahow, who is also a warlord and MP, surrendered his battlewagons and militias to the federal government.

 

Hussein Aided is reported to have given up two armored vehicles as the government commander-in-chief Gen. Ismail Kasim Naji received the arms.

 

The news comes minutes after the Somali parliament voted in majority to get rid of the House Speaker Sharif Hassan Sheik Aden, who is currently lingering in Rome, Italy.

 

Osman Elmi Boqore, the second speaker who chaired the parliament session in Baidoa on Tuesday, announced that 183 MPs voted to oust the assembly speaker Aden, while nine voted against the motion.

 

The Speaker who was contacted by Shabelle said he the motion against him was invalid “The country is illegally occupied by Ethiopia and the MPs were probably forced to vote against me”, he said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this