Sign in to follow this  
Siciid1986

Ma Runbaa in Madaxwayne Rayaale ay maxkamadi uga furantay Dalka Faransiiska?

Recommended Posts

Ma Runbaa in Madaxwayne Rayaale ay maxkamadi uga furantay Dalka Faransiiska?

 

dacwada lagu soo oogay madaxwayne Rayaale ayaa la xidhiidha ku tagri falka khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

 

Hargeysa( Gabileynews) Madaxwaynaha Dalka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa dhawaan ay maxkamadi uga furantay dalka Fransiiska gaar ahaan magaalada Strasbourg. Sida ay sheegayso shabakada wararka ee Nugaalmedia oo aanu warkan ka soo xiganay Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa), oo ahaa qareen muddo badan ku noolaa dalka Norwey, heerkiisa shaqo gaadhey xaakin maxkamadeed isla dalka Norwey, ayaa dacwad ka dhan ah Madaxwaynaha Waxa uu ka furay maxkamadda (european court) ee magaaladda Strasbourg kuna taala Cariga Fransiiska.

 

 

Dacwad lagu soo oogayo madaxweynaha maanta ka taliya Somaliland iyo xukukuumadiisa ayaa ku uu Profseerku waxa uu ku sababeeyay ku tagrifal lagula kacay soo saarida kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, taasoo Daahir Riyaale iyo xukuumadiisu lunsadeen hantidii shacabku uu lahaa isla markaana ay dalka keeneen shirkaddo lagu magacaabey iney sahan u yihiin soo saarista batroolka kana socda dalka Norwey.

 

Waxa dacwadda kula jira wasiirkiisa macdanta iyo biyaha Qasim sheikh Yuusuf, Wasiirka Arrimaha dibadda somaliland Abdilahi Maxamed Ducaale iyo Eng. Ibrahim Mohamoud Hassan oo isagu haysta dhalasho Norwegian ah.

 

 

European Court ama maxkamadda yurub waxa dalka Norwey u jooga Sverre Erik, oo aan kala xidhiidhay arrimahan lagu lunsaday kheyraadkii dabiiciga ahaa ee dalkeenu hodonka ku yahay, hantidaasina dadka aan kor ku xusey jeebada u gashay, maxkamadana la hor keeni doono sida ugu dhakhsiiyaha badan.

 

Gabileynews Desk

Hargeysa, Somaliland

 

P08292009125137.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this