Sign in to follow this  
Xudeedi

Western Bari Elders Reach Galgala and Begin Peace Talks

Recommended Posts

Xudeedi   

xoogagii nabada oo ku guulaysanaya Galgala

Waxa ka socda degaanada Maakhir iyo guud ahaan Puntland dhaq dhaqaaq nabadeed iyo mid ciidan oo hadii loo baahdo noqonaya mid loo isticmaalo Kooxda joogta Galgala.

 

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen qaatay baqii Odayaasha oo ahaa nabada ,una badan tahay in uu faraha uga qaado howshaas Odayaasha ka soo jeeda Degaanka.

 

 

Odayaal Dhowr iyo tobana oo ah kuwa aadka looga yaqaano galbeedka Bari ayaa waxay soo gaareen Magaalada Ceel Daahir si ay halka uga bilaabaan nabad, laguna soo afjaro colaada ka aloosan Magaalada Galgala.

 

 

Odayaashu waxay fureen wadahadal ay la samaynayaan kooxda joogta Magaalada Galgala iyo Shiikhooda ,wuxuuna marayaa wadahadalkaasi meel fiican.

 

 

Sidoo kale Ciidan ka mid ah kuwa Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa labo dhinac uga imanaya degaanada rabshaduhu ka jiraan, ciidan wuxuu soo maray dhinaca Bada wuxuuna fariisin ka dhiganayaa meel u dhaxaysa Ceelaayo iyo Boosaso,ciidan kalena waxay fariisin ka dhiganayaan Magaalada Ceel Daahir oo aan ka fogayn meeshii dhowaan lagu dagaalamay ee Karin

 

 

Ciidankan oo ah kuwo ku tabobartay jabhada SNM oo dhowrkii Biloodba mar is arkaan ayaa la hubaa hadii loo baahdo in ay Galgala ka dhigi doonaan sida wada la rabo

 

 

Arintan oo markii hore uu ka dhego adaygay Madaxweynaha Puntland ayaa waxay u muuqataa mid dhakhso u dhamaanaysa,waxayna haysataa kalsoonida shacabka Puntland oo ah in marka hore nabad wax lagu raadiyo hadii la diidona xoog loo isticmaalo ay u wad dhan yihiin Beelaha Puntland

 

 

Magaalada Galgala oo taariikhdeedu gaarayso ka hor dhalashadii nabi Ciise ayaa Masaaridii hore Sanamadii ay caabudi jireen Hathor iyo Bes waxay ahaayeen kuwo ka soo jeeda magaaladan Galgala waana meesha uu ku baxay Magaca punt markii qarnigii 4aad boqoradii xiligaa xukumaysay Masar ay u soo dirsatay Ergo dadkii halkaa ku noolaa,taariikhdeeduna hada waxay ku qoran tahay Deri Al-bahri.ee dalka Masar

 

 

Magaalada Galgala waxa kale oo ay taariikhdooda qayb weyn ka tahay dadka loogu yeero Oromada oo ku nool Itoobiya oo afka oromada Galgala waa Galab.

 

 

Ugu danbayntii Xoogii jar iska xoorka oo aan awooda weyna lahayn waxay u badan tahay markii ay arkeen xaqiiqda iyo degaanka in ay nabadii qaateen

 

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Yes try that peaceful route if the galgala guys don't accept that then the military route with all puntlanders united against terror.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Odayaasha iyo aqoonyahanada Deegaanada haylaan iyo galbeed bari oo iyaga ka cicitmaygalabta degmada dhahar ee xarunta Gobolka haylaan, ayaa waxaa ujeedka safarkooda lalaxiriirinayaa inay ka danbayso si ay uga qaybqaataan isla markana ay wadahadalo uga furaan colaad dhowaan ka dhacday deganka Karin oo iyada 40keelo mitir u jirta magaalada boosaaso ee xarnta gobolka bari taas oo udhaxaysay dawlada puntland iyo ciidaanka deegaanka galbeed bari,

 

 

Caaqil c/risaaq cismaan aadan oo isaga oo ka mida ahaa odayaasha galabta ka safray degmada dhahar oo aan khadka telefanka kulal xirirnay isagoo kuguda jira safarka ayaa waxa uu noo sheegay inay ku sii jedaan magalada ceeldaahir halkaasi oo ay maalinta beriya kulama ku qaadan donaan tita ahana ay garayaan inkabadan 20 isugu jira cuqaal nabaddoono iyo aqonyahano, islamarkana ay ka xunyiin arintaan ka sucboonaatay gobolka bari galbeedkiisa

 

 

Iyago lagu wado inay soo saran baaq kama damaysa oo ku aadan arinta hataan ka taagan degaanka galbeed bari halkaasi oo dhowaan dagaal ku dhexmaray dawlada puntland iyo ciidamada degaanka galbed bari kuwaas oo ay dawlada puntland ku eedaysay in ay xiriir laleeyihin xarakada alshabaab balse arintaan ayaa waxa beenisiy xarakatul shabaabul mujaahidiin ,

 

 

Sido kale arintaan ayaa waxaa cirka u tuuray sheeekh maxamed siciid Atam oo isagu ah wadad hogaamiya ciidamada deegaanka galbeed bari ayaa waxa u ku shegay waraysi uu siiyey lanta afsomaliga ee VOAdain aanu wax xariira lalahayn xarakada shabaab ayna jirin cid ajaaniba oo wehelisa, balse ay ka cabanayaan ama uu kenay dagaalkan dhibaato ay kala kulmeen maamulka,

 

 

Sikastaba ha ahaate arintaan ka soo cusbonaatay puntland gaar ahaan gobolka bari ayaa inta badan waxaa laga hadalhayaa dhamaan deeganada puntland siyaaba kala duwan ay u arkaan shacabku ,yaadoo lagu wado malinta beriya ay halkaa baaq ka soo rasaan odayasha deeganada haylaan iyo waliba galbeed bari.

 

 

Nimca muuse

 

 

Dhahar.com

 

 

Degmada Dhahar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Yeah, a good job by Odayaasha, one of the reason somalia is the way it is today, is lack of compromise, iyo in aan wax la xeerin, Dadka degen Galgala oo waxna galabsan , in Diyaarodo Maraykan sidi Tora Bora lagu soo hogaamiyo waxa ku fekeray , maaha wax aragti dheer leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this