Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf confident as ever..

Recommended Posts

Madaxwaynaha oo la kulmey xukumada iyo ciidanka

25 Oct 25, 2006, 11:13

 

Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen Golaha wasiirada, Madaxweynaha dowladda KMG ah iyo Taliye-yaaasha ciidamada sare ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

 

Shirkan oo looga hadlayey siyaasada cusub ee kusoo korortay dalka iyo xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeysa dowladda iyo Maxaakiimta, iyadoo si aad ah looga dooday arimaha ay ka mid yihiin imaatinka ay Maxakiimta yimaadeen magaalada Buurhakaba iyo sida ay dowladda u adkeyn laheyd amaanka guud ee gobolada Bay iyo Bakool.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. C/llaahi Yuusuf Axmed oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhinacooda aysan cabsi ka qabin weerar kaga yimada Maxakiimta isla markana dowladiisa ay ka warheyso wax walba oo Maxakiimta ay ku dhaqaaqayaan, isagoo intaa ku daray in ciidamada dowladda ay u diyaarsan yihiin difaaca deganaanshaha gobolada ay dowladdu degan tahay.

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo shir guddoominayey kulankaasi ayaa sheegay in aysan u muuqan khatar kusoo fool leh dowladda, isla markana dowladiisa ay u diyaarsan tahay xaalad kasta oo lasoo gudboonaata, wuxuuna intaa ku daray in saraakiisha ciidamada Qaranka ay u diyaarsan yihiin difaaca iyo ka hortaga Maxaakiimta oo uu sheegay iney doonayaan iney khal-khal geliyaan amniga gobolka.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Shir Sadex geesooda oo shalay gelinkii danbe ku soo gabagaboobay Magaalada Baydhabo

Posted to the Web Oct 25, 01:13

Madaxweyne%20Yuusuf.jpgafgaduud.jpg

 

Baydhabo:-(pp) - Shir Sadex- geesood ah ayaa ku soo gaba-gaboobay Magaalada Baydhabo , shirkaas oo u dhaxeeyey Golaha Wasiirada DFKS oo uu shir-guddoominayey Prof. Cali Maxamed Geedi , Madaxweynaha DFKS C/laahi Yuusuf Axmed iyo Taliyeyaasha Sar-sare ee Ciidamada DFKS.

 

Shirkaas oo sida lagu soo waramo qaatay 7 saacaadood , ayaa waxaa aad looga dooday Siyaasadaha guracan ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya , waxaana ka mid ahaa imaatinkii qaar kamida Maxaakiimtu ay ku yimaadeen degmada Buur-hakaba , dagaalkii u dhaxeeyey Wasiirka Gaashaandhiga Barre Aadan Shire iyo Maxaakiimta ee ka dhacay Bu'aale iyo sidii ay dowladu u sii adkayn lahayd amniga guud ee deegaanka Bay.

 

Wararka rasmiga ah ee naga soo gaaraya shirkaas u dhaxeeyey madaxda sare sare ee Dowlada iyo Saraakiisha ciidamada ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid aad culus oo dhaliilo yar halkaas ay kasoo jeediyeen qaar kamida Wasiirada Dowlada , kuwaas oo si fiican u cadeeyey inay dowladu wax ka qaban dhaq-dhaqaaqa ay qaar maxaakimta kamida ay ku soo gaareen Deegaanka Buur-kaba.

 

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa aad uga gaabsaday inuu wax ka dhaho arrimahaas , wuxuuna Raiisal Wasaaruhu si degan uga Jawaabay hadala qaarkood , wuxuuna goobtaas ka cadeeyey inuusan shaqsi ahaan aysan u muuqan wax qatar oo dhanka dowlada ku soo fool leh , haday dhacdana dowladiisu inay tahay mid u diyaarsan xaalad kasta oo ku timaada.

 

Maxadweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isagu dhankiisa ka sheegay in Dowladiisu ay wax walba ka hormarinayso degenaanshaha deegaanka Gobolka Bay ee dowladu ay degan tahay, wuxuuna goobtaas ka cadeeyey inaysan jirin wax cabsiya oo ay ka qabaan kuwa hogaamiya Maleeshiyada Maxaakiimta, ayna la socoto dowladu dhaq-dhaqaaqooda oo dhan..

 

 

Saraakiisha Sar-sare ee dowlada ayaa iyaguna dhankooda ka sheegay inay ciidamada dowladu ay ku sugan yihiin xerooyinkooda , taasoo ka danbaysay go'aan rasmiya oo ay wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisal wasaare Geedi .Waxaanse aan ilaa hada la ogaan karin sababta soo de-dejisay Go'aanka ah in Ciidamada dowlada ay dib ugu soo xaroodaan baroohoodii amaanka ee ay horay ugu sugnaayeen.

 

Fadhigii dowlada ee ka dhacay xarrunta Madaxtooyada ayaa lagu soo waramaa inuu ku soo gaba-gaboobay jawi wanaagsan , waxayna madaxda halkaas isugu timi ay ku muujiyeen fadhigoodii, kalsoonida ay ku qabaan amaanka ka jira magaalada Baydhabo oo ay si toosa gacanta ugu hayaan Ciidamada Booliiska ee degmada Baydhabo.

 

Daabacaada: Qaybta Wararka Deg-dega , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

afgaduud.jpg

 

generale saxiibo waxaad sarikisha sare ku tilmameysiid ma Af-gaduud aya ugu horeya? Widayo waxan ku sheega hadi uu yahey kas midka laysku haleynayo, waxa roon inti hada si bixii karta in ay iska si baxdo. Af-gaduud wixi can ku yahey orodka fagaxda ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by General Duke:

^^The old man does not chew mate, he could not even if he wanted, liver operation you see.

What about the others? Geedi looks like a pro and that soldiers...I don't know what to say.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^lol, what do we have here?

Cuno oo caba, Cudur iyooo caafidaro weeyee, cuno oo caba. *jagam jagam* (geedi chewing khat)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf oo maantay Kormeeryay Goobabaha Ciidmada Dawlada isagoo...

Posted to the MOL October 25, 2006, 2:58 pm

 

 

Baydhabo:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa xalay ilaa maantay kormeer ku tagay goobaha Ciidamada Dowladda degan yihiin, iyadoo la arkayay Madaxweynaha oo lebisan dharka Ciidamada una muuqday nin diyaar u ah in uu dagaal kala hortago kooxaha Maxkamadaha Midoobay ee duulanka ku ah Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ah xeeldheere dhinaca Dagaalka ah isla markaana muddo dhawr sano ka hor ahaa hoggaamiyihii burburiyay Ururkii Al-Al-Itaxaad ayaa haatan waxaa uu sheegay inuusan marna isu dhiibi doonin Maxkamadaha Midoobay ee doonaya in xukunka dalka qabsadaan.

 

Sheekh Xasan Turki hoggaamiyaha Maxkamadaha ee Jubbooyinka ayaa ka dhawaajiyay in uu jiro qorshu Maxkamadaha ku doonayaan in ay kula wareegan magaalooyinka Baydhabo, Boosaaso iyo Hargeysa.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu xalay kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda iyo Taliyaasha Ciidamada isagoo kala hadlay xaaladda cusub ee u soo wajahan Magaalada Baydhabo.

 

Ciidamada Maxkamadaha midoobay ee Magaalada Muqdisho ka tagay ayaa ah kuwa aan wax war ah ka hayn waxa dhex quban magaalada Baydhabo, oo maanta ah meesha kaliya ee Hubka ugu faraha badan uu yaalo wadanka Somaliya, iyada oo ay joogaan Ciidan muda dheer dagaalo fara badan soo galay.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

A/Y is ready for talks to save his seat :D:D Odaga finally got the message and wants to send his waziirs to Khartoum contrary to duke's wish.

 

 

Golaha wasiirada oo guddi u saaray shirka Khartoum

 

Let us hope the courts go there too before the final showdown and Baydhabo take-over if negotiations fail. As usual, the TFG will go there half-interested and in denial of their servitude to Ethiopia. They should at least have the decency to openly say they welcomed Amxaaro because they were afraid. Rajada ma fiicna but trying is important. Inta ciidamo shisheeye TFG-da ka daba ordeyso nabad ma jirto and to their disadvantage.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib what this space, no one will takeover Baidoa, in fact the first defeat of the clan courts will come from this direction.

Dont go quite when the crunch come Mr Xoogsade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this