Sign in to follow this  
Kamaavi

Weeraro lagu qaaday Dhoobleey...

Recommended Posts

Kamaavi   

Darsano ciidamo ka tirsan Alshabaab iyo kuwa daacad u ah Mucaskarka Raaskaanbooni ayaa ku geeriyoodey dagaal ka dhacay xerooyin ciidamo oo Alshabaab ay ku leedahay Dhoobleey

 

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Raaskaanbooni ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ay weerar kusoo qaadeen fariisimaga Alshabaab halkaasina uu ka dhacay dagaal culus oo qasaaro geystey.

 

Lamo hayo tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaaladani, hase yeeshee wuxuu ahaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

DHOOBLEY: 2010-07-28, Ciidamada Kaambooniyiinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ayaa weerar ku qaaday xero ciidan oo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen magaalada Dhoobley weerarkaas wuxuu dhacay saaka hal saac iyo bar subaxnimo.

 

Ciidamada Raaskaambooni oo horey dagaalo xoogan la galay kooxda Alshabaab ayaa weeraray maleyshiyada Alshabaab ka jooga Dhoobley.

 

Dagaalkan oo ka dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada (DHAMAAJAALEY) oo ah duledka magaalada Dhobley oo ay Alshabaab xero cidan ku lahaayeen ayey warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in ay dagaal culus kadib ciidamada Sheekh Axmed Madoobe la wareegeen xeradaas ciidan.

 

Dhimashada labada dhinac ayaa lagu sheegayaa 6, laba kamid ah lixdaas ayaa la sheegay inay yihiin ciidanka deegaanka iyo Raaskaambiiniyiinta uu hoggaaminayey sheekh Axmed, halka 4ta kale la sheegay inay ahaayeen alshabaab.

 

Ciidamada Raaskaambooniyiinta ayaa dib ugu laabtay xarumahoodii ay kasoo duuleen oo ah deegaanada ku xeeran magaalada Dhoobley.

 

Ciidamada weeraray Alshabaab ayaa ah kuwo taageera dowladda Soomaaliya kuwaasoo ku sugan deegaano ka tirsan degmada Dhoobley e gobolka JUbbada hoose.

 

Shirar uu qabtay wasiirka maliyadda dalka Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayuu maalmo kahor ku sheegay inay gobolada jubbooyinka ka saari doonaan kooxda alshabaab.

 

 

Afdheer Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dagaallo gaystay qasaare oo duleedka degmada Dhoobley ku dhex maray Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo ciidamo uu wato Axmed Madoobe

 

Waxaa saakay duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ka dhacay dagaal culus oo muddo saacado ah soconayay oo dhex maray xarakada mujaahidiinta Al-shabaab iyo ciidamo uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo horay uga mid ahaa saraakisha ururka Xisbul Islaam balse isaga baxay kaddib dagaallo sanadkii hore ku dhex maray ciidamo uu wato iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu yimid kaddib markii ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe ay dhowr jaho ka soo weerareen labo saldhig oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ku lahaayeen dhinaca waqooyiga ee degmada Dhoobley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo socday dhowr saacadood ah oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaasi oo gaystay khasaare badan.

 

Inta la xaqiijiyay 7 qofood ayaa ku geeriyooday, 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaalladii saakay ka dhacay duleedka waqooyi ee degmada Dhoobley kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaallamay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada uu hoggaaminayay Axmed Madoobe ay muddo kooban la wareegeen mid ka mid ah saldhigyada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab kana qaateen hub iyo rasaas.

 

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu istaagay kaddib markii ciidamadii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe ee soo weeraray saldhigyadaasi ay dib ugu laabteen goobihii ay ka soo duulaan tageen, waxaana dagaalladaasi ay cabsi xoogan ku abuureen shacabka ku dhaqan degmada Dhoobley, mana jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee degmada Dhoobley.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this