Sign in to follow this  
Member-sol-

Mukhtaar Roboow oo shir Jaraaid ku qabtay Baidoa

Recommended Posts

Afhayeenka xarakada Al Shabaab Sh Muqtaar Roboow oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magalada Baydhabo ayaa ka digay dagal dhex mara xoogaga mujaahidiinta marka ay baxaan ciidamada Itoobiya.

 

Hobyonet.Com Sabti, Jan, 03, 2009

 

Sh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa'id si toos ah ugu qabtay gudaha magaalada Baydhabo ayaa ka digay dagaal ka dhex dhaca mujaahidiinta xiliga ay dalka ka baxaan ciidamada cadwga Itoobiya, isgoo ku tilmaamay arinkaasi mid aad u fool xun.

 

Abuu Mansuur ayaa kula dardaarmay mujaahidiinta inay xabadooda ku kulmiyaan ciidamada cadawga balse aysan iyagu isku isticmaalin, isagoo si cad u diiday in arinkaasi dhaco.

 

Sh Muqtaar ayaa ka hadlayay munasabad ay xoogaga maxkamadaha islaamiga ee ka howlgala gobolada Baay iyo Bakool kula midoobayeen xarakada Al Shabaab, taasoo waxii manta ka danbeeya lagu howlgali doono magaca mujahidiinta Al Shabaab.

 

Waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay talaabada shalay iyo maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee saldhigyada lagu kala qabsanaayo, waxuuna cadeeyay inaan la isku mashquulin goobaha ay ciidamada ka baxaan, lakiin dagalka la sii wado.

 

Afhayeenka ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ay rasasta sii socon doonta xitaa hadii ay ciidamada Itoobiya baxaan, isagoo tilmaamay in ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Itoobiya ay labadoodu ku shaqeynayaan fikir Mareykan, sidaas daraadeed aan la joojin doonin dagalka inta diinta ilaahay kor ay ka noqoneyso waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Waa markii ugu horeysay oo Abuu Mansuur uu si kalsooni leh shir jaraa'id ugu qabto goob ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ay xoog ku leeyihiin, tan ayaa muujinaysa awood balaaran ee ay Al Shabaab ku dhex leeyihiin magaalada Baydhabo oo ah degmeda kaliye ee gacantooda ka maqan goboladaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this