Sign in to follow this  
Taleexi

HANTIQARAN

Recommended Posts

Taleexi   

GABAY: HANTIQARAN, Dr. Abwaan C/llahi Spanish

May 04, 2006 By:Ahmed M Hassan

 

Spain (jidbaale.com) Dr. Abwaan C/llahi Xasan Maxamud (Cabdillahi Spanish) waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga jiyoolajiga iyo ilaalinta deegaanka kuna haysta shahaadada ugu saraysa ee PHDa. Waxa sidoo kale uu yahay abwaan buxuur ku ah suugaanta iyo curinta gabayada. Gabaygan magaciisu yahay HANTIQARAN sida aad ka dheegan doontaan waxa uu aad u dhaliilayaa qaabka maamulka Puntland u maamulayo soo saaridda khayraadka Puntland

 

Abwaan C/llahi waxa uu saluugsan yahay sida Majiyahan loo maamulay, wuxuuna ka digayaa in deegaanada kale sidaas oo kale loola yimaado taas oo keeni karta dhibaato aan lagu talogelin. Gabaygii Dr. Abwaan C/llahi Spanishna waa kan ee akhris wanaagsan.

 

 

 

HANTIQARAN

 

 

Had la sheego hawraarta gabay, hadal intuu gaadho

 

Haabiil markii laga tirshoo, haatan lagu keeno

 

Nin waliba hunguri waa u qabey, hanashadiisiiye

 

 

 

Waxse hela habeen-dhalad ilaah, hibo u siiyaaye

 

Ma hannaanin waayadan midii, igu haboonayde

 

Caawana wuxuun baan hibtee, uma hagoogteene

 

 

 

Sida qabay horweyn loo toloo, maydab lagu hoorshey

 

Aan hawsha ruuxii lahaa, horay u xoolaynin

 

Guudkaan ka habay xaajaday, noo hadoodiliye

 

 

 

Gobanimadu waa geed hadhlaad, hoos galgalataaye

 

Waa hodanka beerkiyo lugaha, lagu hadaafaaye

 

Waa labada hawliyo indhaha, lagu hagmaayaaye

 

 

 

Waa hogol da’aysaad xareed, ka hirqanaysaaye

 

Mar haddaad macbuudkaa hayee, haaban kariweydo

 

Haad iyo dugaag baad u tahay, neef halow badane

 

 

 

Dhul haddaanu heegan u ahayn, ciidan lagu heeday

 

Hanti iyo macaadin iyo ciid, harag wixii gooya

 

Waa inay halyeeyadi lahaa, horor ka dhawraane

 

 

 

Huubada baddii lagu qubiyo, maylka hoganaaya

 

Aan laga horaynayn dhaca iyo, haayirkiyo tuugga

 

Uu hoogga uurjiifkayagu, u hurgumoondoono

 

 

 

Waa habila’aan doolar aad, hoos ka gurataane

 

*****nimadu waa been malaa, laysku hodayaaye

 

Haddii boocu hago aadmi waa, hadaf ma yeeshane

 

 

 

Hiddo iyo asaas bay ilmuhu, hor u arooraane

 

Heeraarka kama leexsadaan, haybad loo bogo e

 

Habkii waalidkood bay waqood, ku hindisoodaane

 

 

 

Nin adoogi heellan u ahaa, hooliflaha gaalka

 

Oo inan hadhuubkiisu quban, heeryo ugu qaaday

 

Waa ila haboow sharaf haddii, laga hawaystaaye

 

 

 

Inkastoo yaraan lagu hantoo, hilibka loo uunsho

 

Uu hagacda dhiigiyo raqdaba, halacsigood waayo

 

Ma hilmaamo weer dhidar inay, hooyadii tahay e

 

 

 

Cadde wuxu hogaanka u qabsaday, hooshid iyo boobe

 

Waa taa dalkii loo hibayn, haragcadii waaye

 

In waraabe hebed kuu noqdaa, waa hal aan jirine

 

 

 

Hantiqaran shisheeyaha wadani, uma horseedeene

 

Markii dahabka ey soo harjadey, hadiyad loo siiyey

 

Yaaquud markuu huursanaa, halabsigii maagay

 

 

 

Majiyahan si aan loo hantiyin, hoobiyaa dhacay

 

Warsangeli hubkii inu ka xigay, hubanti weeyaane

 

Bagaa dhalad halgamey tuugtu way, na holinaayeene

 

 

 

Afartaa warbaa hadur noqdee, hilin ma qaadsiiyey

 

Tani waa hadhiimee runtii, haar ma ka cadeeyey

 

Ma horayne haasaawihii, hurin miyay laaban

 

 

 

Intuu micida meeshuu la helay, honogga dhawraayo

 

Ama haragga qoomaha ku yaal, aragu hoomaayi

 

Horor laga ritaa neefka waa, kugu haliilaaye

 

 

 

Haddii dhalan hagaag looga diray, lana huleelsiiyey

 

Holhol iyo nugaal baa ku xigi, haamintaa bariye

 

Waxa jeebka loo hulanayaa, heelka sinujiife

 

 

 

Huur iyo wuxuu maalintii, hogob ku dhuuntaaba

 

Himhimowga fiidkiyo mugduu, bahal hagoogtaaye

 

Huga wuxu ka yeeshaa dadqaad, waa habeen dumay e

 

 

 

Jeer laga hubsado dawladnimo, hawsha naga qaada

 

Hurdo dhimatay meel aad dugaag, hoy ka leedahay e

 

Dabka huriya dhawrtiyo marbuu, halaqa waabshaaye

 

Abdullahi Spanish

 

source: jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this