Sign in to follow this  
SOO MAAL

Munaasabada Caleemosaarka Garaad Jaamac Garaad Ali

Recommended Posts

SOO MAAL   

Originally posted by SOO MAAL:

 

Dhageyso khudbadaha qiimaha iyo xikmada ku fadhiya ee soo jeediyeen issimo iyo madax dhaqameedyo ka kala yimi dhamaan gobolada soomaaliyeed sida Somaliland, Puntland, koonfir, iyo Bay/Bakool.

Gjaamac1.jpg

Waxaa ka hadlay:

 

1) Garaad Saleebaan Garaad Max’ed ,isaga oo halkaas ka jeediyey ereyo dardaaran iyo kaftanka isugu jirey isagoo yidhi "kani waa Garaad Jaamac Garaad Cali,mana aha ana waa i kan"

 

2) Suldaan Max’uud Guuleed oo ka yimid Burco (Togdheer) ayaa waxa isna ereyadiisii ka mid ahaa , â€Soomaaliya nabad iyo midnimo ayey u baahan tahay.â€

 

3) Dhanka kale Malaaq Garoore, oo u hadlay malaaqyada Bay/Bakool waxa uu yidhi " Waxaad tahay Garaad Soomaaliyeed yoolkaagu yaanu halkaas hoos uga dhicin.â€

 

4)Abwaan Max’ed Warsame Hadraawi, oo ah abwaan si weyn looga qadariyo guud ahaan soomaaliya waxa hadaladiisi ka mid ahaa "Awoowgaa, Aaabbahaa iyo Adeerkaaba Nabad ayaa lagu yiqiin iyo hal adaygnimo, tii baa lagaaga fadhiyaa.â€

 

5) Cadde Muuse Xirsi,isaga oo hadalkiisa uu u badnaa hadal siyaasadeed oo runtii aan halkaa laga jeclaysan,waxa uuna yidhi: "Garaadka waanu La Tashanaynaa, Calan aan Calan Soomaliyeed ahayna goboladan uma ogolin,dawlada ku meelgaadhka ah waanu taageersananahay 100%,waxaanu u nahay tiir.â€

 

6) Garaad Jaamac Garaad Cali,ayaa halkaas ka hadlay waxana ereyadiisii ka mid ahaa "Waxaan Bulshada Soomaliyeed ugu baaqayaa nabad iyo barwaaqo , waxaan dhamaan bahweynta Nugaal,Sanaag iy Caynba ugu baaqayaa nabad,waxaana balan qaadyaa inaan si nabad lagu heli lahaa aan ka shaqeeyo,min qoys ilaa qaran.â€

 

Professor Ali Khaliif

Waxay u dhacday qaab taariikhi ah isla markaana ay door aad u wayn ka ciyaareen dadwaynaha ku dhaqan SSC marti galintii wufuuda tirada badan ee soomaaliyeed isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi Gobolkani waa bidix iyo midig oo wuxu isuhayaa guud ahaan dalka somalia, Bidix iyo midig ayuu ku sifeeyey beelaha kala duwan ee ay ood Wadaagta yihiin G/sool oo uu yidhi qaarna ehelimo ayaa ka Dhaxaysa qaarna dhaqan iyo daris nimo soo jireen ah oo aad u qiimabadan isla markaana lama taab taan ah sidaas taraadeed waa mandaqada kaliya ee isu haysa somalia waxaana aamin sanahay inay munaasabadii shalay ka dhacday magaalada Laascaanood door muhiim ah ka qaadanayso isu soo Dhawaanshaha umada Soomaaliyeed lagana yaaboba inay ka Soo iftiimayso midnimo iyo caafimaad umadu ay u baahan tahay

waa nin da yar oo wax bartay Xaga dhaqankana waa nin ku soo bar baray dhulkiisa hooyo Alle haw naxariistee Garaad Cabdi qanina kala qayb galay hawlgalo badan oo lagaga shaqaynayay nabadayn isagoo u muuqanayay nin loo tababarayo arimaha dhaqanka isla markaana mudadii aanu wada soconay waxaan ka dheehanayay daganaansho iyo fikir aad u qoto dheer waxaana aad ugu rajo waynahay inuu ka soo bixi doono xilka dhaxal tooyada ah ee uu umada uqaaday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

caanoshub.jpg?0.9923680447709693

 

 

Well, it seems as though Ugaas Ciise of Galgaduud (Caabudwaaq) has made himself at home on the garaad's side. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

From Dhahar online

"Caleemo Saarkii Qarnigga.(Garaad Jaamac Garaad Cali). (x. carab)

May 20, 20:30

Munaasabdda Caleemo saaraka Garaadka Guud ee 19-aad ee

Qoomiyada Daraawiishta degaamadda SSC-ga xurmadle-Garaad

Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac,ayaa u muuqda in uu noqon

doono caleemo saar taariikhi kii ugu caansanaa uguna qeyb

gal badnaa caleemo saarida hogaan dhaqameedka Somaaliyeed,

lguna qori doonto buugaagta dhaqanka iyo Sugaantaba.

 

Magaaladda Laascaanood waxaa joogta xurmadlayaal kala ah:-

 

-Boqoro.

-Salaadiin.

-Ugaasyo.

-Garaado.

-Imaamyo.

-Maqaalyo.

-Beel-daagayaal.

-Islaano.(Islaan).

-Maqaamo.

-Guurti Waaweyn.

-Cuqaal.

-Salaadiin Ka Socda-Jabuuti,Zoonka Shanaad iyo S/Kenya.

-Sugaan-yaqaano Waaweyn.

-Abwaano Caan ah.

-Siyaasiyiin Madax Banaan(Waaweyn).

-Wasiiro F.Somalia,P/Land Iyo S/Land-ba.

-Xildhibaano Golayaal Barlamaan.

-Masuuliin Heer Qaran Ah.

-Saraakiil Sarre.

-Ergooyin Bulshada Madaniga ah.

-Axsaab Siyaasadeed.

-Ganacsatada ugu Caansan Somaaliya.

-Gansatada Somaaliyeed Ee Dubay Fadhiya.

-Wakiilo Ergooyinka Caalamigga ah.

-Ergooyinka Jaaliyadaha Qurbo Jooga:-

-W/Mareeykanka.

-Austaraaliya.

-Qaaradda Yurub.

-Dunidda Carbeed.

-Qaaradda Afrika.

-Aqoonyahanka Somaaliyeed:-Koonfurta,P/Land,S/Land iyo Qurbo

Joogaba oo Magacooda leh.

-Muwaadiniin Caadi ah.

 

 

Marka Taariikhda dib loogu noqdo horre uma dhicin caleemo

saar sidaas looga soo qeyb-galay Ummadda baaxadaas lehna ka

xaadireen iyagoo qadarinaaya xurmadda iyo maqaamka sharfeed

oo eey leedahay Garaadnimadda Reer Garaad iyo faceeda weyn

ee soo jiritaankaba iyo maqaamka Garaadadii caanka ahaa ee soo

Maray iyo doorkoodii hogaamineed iyo habkoodii milgo gobeedba.

 

 

Waxaa amaan iyo bogaadinba Gudigga qabanqaabada howlaha

Caleemo saarka oo si habsamiyeeda leh howlahooda u wada kuna

dadaalaayo in wax walbaa sida loogu talo galay u socdo:-

Habka soo dhowaanta,hab maamuuska martida,degaanka,gaadiidka,

Iyo habsamida goobta caleemo saarka oo si heer sarre ah loo

habeeyeey oo u qalanta munaasabadda weyn ee caleemo saarka

Garaad Jamaam Garaad Cali Garaad Jaamac oo dhaceeyso 22/5/06

Maalinta Isniinta hadii Alle idmo.

 

 

-Alla Mahad Leh-

Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK-

-sharifhassan50@yahoo.com-"

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOOMAL, I must thank you for the effort you put into this wonderful news story.

 

Again my wishes to our new Garad, may Allah protect him and keep him..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this