Sign in to follow this  
Hunguri

Jamhuuriya Runta ayay sheegtaa

Recommended Posts

Hunguri   

Cabdillaahi Yuusuf: “Dawladdaydu way la dagaalmi doontaa meel kasta oo ay joogaan…”

Addis Ababa (W.Wararka)- Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladdiisu la dagaalami doonto kooxaha soo weeraraya meel kasta oo ay joogaan.

 

Madaxweyne Yuusuf, ayaa wacad ku maray in ay dawladdu iska difaaci doonto kooxaha soo weerar taga, haddii ay shacabka ku dhex dhuumaalaysanayaan iyo haddii kale intaba.

 

Isagoo la hadlayey wakaaladda wararka Ethiopia u faafisa ee ENA, waxa uu Madaxweynuhu carabka ku adkeeyey in dawladdiisu qaadday tallaabooyin ay ku xakamaynayso, isla markaana ay wax kaga qabanayso amniga caasimadda Muqdisho.

 

Arrimaha shirka dib-u-heshiisiinta ayaa Col. Yuusuf mar uu ka hadlayey wuxuu qeexay in ay ka qaybgali doonaan qabaa'ilada Soomaalida ee 16-kii sano soo dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tafaasiil ka bixiyey qorshaha keenista ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya, waxaannu qiray in ay ilaalin doonaan fadhiimisada dawladda, isla markaana ay tababar siin doonaan ciidamada dawladda.

 

"Ciidamada Nabad-ilaaliyaasha Africaanku uma imanayaan dalka in ay shacabka la dagaalamayaan," ayuu yidhi Cabdillaahi Yuusuf.

 

Mar uu ka hadlayey maamullada dalka ka jira ayuu sheegay in Maamulka Puntland ay dawladdu aqoonsadeen, isla markaana dawladdu ay aqoonsan tahay, balse maamulka Somaliland looga baahan yahay in ay maraan waddada Puntland oo ay aqoonsadaan dawladda KMG.

 

Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo safar ku tegay magaalada London ee caasimadda dalka Britain, ayaa intii uu halkaa ku sugnaa waxaa uu kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsan xukuumadda Ingiriiska.

 

Jamhuuriya Online (Click the link below)

 

web page

 

PS:-

 

Maasha Allah, waxaasaa Journal ah :D . Wallee nimankii Jamhuuriya waxay dawlada ugu yeedhaan "Dawladii Impagheti" maanta ayay runta sheegeen :D . Waakaasoo waxaan "Madaxwayne" ahayn laga maqli maayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia...

Haa, siyaaradii Addis Ababa wali ma dhamaan. Af waakoo, mey liki aamee ayaa la dhahay. Ha isgeeyo Filla Soomaaliya uu ku qafiifay, which uu ka maqan yahay almost a month fuleynimo daradeeda. Odey ka fuleysan, oo ka xukun jecel waligeey kan oo kale ma arkin.

 

Filla Soomaaliya waa kasaa ha isgeeyo geesinimo hadduu u dhashay, intu dhahaayo meel walbaa kula dagaalameenaa asagoo waliba ku sugan minanka kaabalaadarkiisa ee Master Sanaawi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Filla Soomaaliya waa kasaa ha isgeeyo geesinimo hadduu u dhashay, intu dhahaayo meel walbaa kula dagaalameenaa asagoo waliba ku sugan minanka kaabalaadarkiisa ee Master Sanaawi.

:D MM, I thought he is already in Villa Somalia. Are you talking about those days in Badoa???

Share this post


Link to post
Share on other sites

The old Stooge of Sanaawi Xamar bil ku dhaw aa ugu dambeysay, for he couldn't sleep madaafiic Filla Soomaaliya ku dhacaayo, now meelahaas ayuu iska wareegayaa sida Neyroobi, Landhan, Adisababa iyo Baydhabo.

 

Xamar waaka cararay, fuleynimo iyo nafjaceylnimo u geysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by General Duke:
quote:Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed

Priceless
:DSorry it's Transitional, isn't it?

 

Definition of Transitional :  

erratic

Synonyms:  

capricious, changeful, commutative, convertible, fickle, fitful, flighty, fluctuating, fluid, impulsive, inconstant, indecisive, irregular, irresolute, irresponsible, kaleidoscopic, mercurial, mobile, movable, mutable, permutable, protean, restless, reversible, revocable, shifting, skittish, spasmodic, transformable, uncertain, unpredictable, unreliable, unsettle, unstable, unsteady, vacillating, vagrant, variable, variant, varying, versatile, volatile, wavering, whimsical.more...

 

Kumeel-gaadh, Duke? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this