Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Is these true about Gudoomiyaha Barlamaanka (Shariifka)!!!!

Recommended Posts

Well, soomali waxeey tiraahdaa waxii lasheego waxbaa ka jiro. So read it and let me here your view. :D

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la xaqiijiyay inuu ka dambeeyay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo (Lacag uu isaga ka soo dhiibay magaalada Nairobi oo la gaarsiyay Maxamed Ibraahim Xaabsade).

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaalida, dad jooga magaalada Baydhabo iyo mid ka mid ah Shirkadaha Xawaladaha ee Baydhabo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ka dambeeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Baydhabo kuwaas oo u dhaxeeyay maleeshiya taageerta Xildhibaan Xaabsade iyo kuwa Wasiirka Beeraha oo gacan ka helayaan beesha degan magaalada Ufurow.

 

Warkan oo soo baxay labo maalin kadib markii dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in markii uu Baydhabo gaaray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) si toos ah loola hadal siiyay Shariifka oo jooga Nairobi,waxaana isku xirkooda ka dambeeyay Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa isago qirtay in sababta dagaalka u dhacay ay ahayd markii uu arkay waa sida uu hadalka u dhigay Sawiro qaab daran oo lagu waxyeelaynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaas oo hoos laga soo geliyay Bannaanbax lagu taageerayay go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in Baydhabo ay ka mid tahay meelaha Dowladda ku hakan doonta inta laga xasilinayo xaalada muqdisho.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa daraad Xaabsade soo gaarsiyay Lacag lagu qiyaasay Konton Kun oo Dolarka Mareykanka, taas oo Xaabsade ka caawinayso Shidaalka Baabuurta dagaalka iyo Maleeshiyada Qaadkii ay cuni lahaayeen . redface.gif

 

Shariifka ayaa la sheegay in 15 Xildhibaan oo isagu fikir ahaan taageersan ku qasbay inay dagaalka ku eedeyaan Prof. Cali Maxamed Geeddi Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xildhibaanada bayaanka soo saaray waxay kala yihiin Xildhibaanada Jen Muumin Ibrahim ***** , C/laahi Aadan Maxamed, Maxamed Xuseen ***** , Sheekh Nuur Cali Aadan, Maxamed ***** Cismaan, Macalin Maxamuud Maxamed, Cismaan Libaax Ibraahim, Sheekh Aadan Maxamed ***** , C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur,C/qaadir ***** Maxamed, C/laahi Aadan Cali, Muno Ibraahim Abubakar, Luul Cabdi Aadan, Caasho Cabdi Sheekh, C/qaadir Aadan Bidaar,waxayna dusha ka saran dagaalka prof. Cali Maxamed Geeddi,waxaana la ii xaqiijiyay in qorshahaas uu ka dambeeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan,bayaanka xildhibaanadaas ayaa waxaa uu soo baxay 27 bishan.

 

Dagaaladii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen dad badan oo qaarkood yihiin dad rayid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by wiil_duco:

markii uu arkay waa sida uu hadalka u dhigay Sawiro qaab daran oo lagu waxyeelaynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka

Can you clarify and expand on this please?

Share this post


Link to post
Share on other sites

By Shariifka

 

Can you clarify and expand on this please?

Shariif ups mise wuxuu ahaa jum sxb xataa hadaan is kudayo in aan sifiican kuugu sharxo Qaladka uu umada ka galay shariifka wax aan halkaan ku soo koobi karo malah. lakiin ninka aan wax u sharxaayo waa Jumatuta ma ah nin maskaxdiisa wax lagu shubi karo. Laakiin these will give you picture sxb.

 

1.Shariifka is very good alay with Xaabsade.

 

2. Shariifka made his own dection about african troop and his suportes know controll biadhabo. Well I wonder were xaabsad get the money where is is still controlling the futur capital city of somalia.

 

3. Shariifka contacted xaabsade the first day he took over the city.

 

sxb I can keep goin on ...... but let me leave @ these shariifka is new Qabqable Dagaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

1.Shariifka is very good alay with Xaabsade.

It is no secret they are close. They always were, for one thing Xaabsade is his abti from clan-wise point of view. Also one of his wives is Xaabsade’s cousin. Before his sudden rise to this political stage, he was an unknown obscure businessman; save the few insiders from the old RRA movement who knew him. He was one of the main businessmen who funded and bankrolled the newly born, toothless, unfamiliar RRA organization in its initial days in mid 1990s. He participated in shirkii Carta in 2000; at this conference, when the issue of 4.5 formula was first developed, the two other major clans worked tirelessly not to give an equal, complete "1" figure to reer Arlaadi. RRA was on the verge of withdrawing because of this; however it was he who worked behind the scenes diligently convincing Shaatigaduud and Co. to not pull out, persuading other clans to accept the equal representation. He was elected xildhibaan in that conference.

 

With that in mind, just few days before the speaker’s mini election, suddenly he rose, mainly and mostly because of Xaabsade’s--and Shaatigaduud's, who was against Sheekh Madoowe for sitting on the speaker's chair at that time--maneuver, endlessly acquiring other clans support for him. It was just a payback time.

 

There was/is another xildhibaan shariif (Shariif Saalax), a well-known, well-educated and seasoned politician who participated from the Dowladii shibilka to Kacaanka, who, in normal times, would've deserved this position, but as Soomaalis are, few care those with highest credentials.

 

2. Shariifka made his own dection about african troop and his suportes know controll biadhabo. Well I wonder were xaabsad get the money where is is still controlling the futur capital city of somalia.

Xaabsade gets his 'money' from just as where Shaatigaduud and Sheekh Madoowe would get theirs. Since none of them control any port or a major make-shift airport, their sources are limited. So it is no wonder the sources that provide them the funds waa kuwo isku di r-diraayo, midba wax soo siinaayo; it is working so far for them.

 

Finally, it isn’t new that Shariifka publicly stated he personally doesn't want to go to Baydhabo as long as that Sheekh Madoowe threatens both his safety and his position. It is sad Shariifka oo ku dhashay Bardaale can't go to Baay, but Sheekh Madoowe, whose family is Reer Mandheera, can.

 

And lastly, the guy is no angel; don't be fooled by his 'shariif' title.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this