Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing

Recommended Posts

Idaacadaha Qaar Ee Muqdisho Oo Irdaha Loo Laabay

Muqdisho(Calanka.com) 06-Jun-2007

 

 

Wareegto kasoo baxday dowladda federalka cadeeyayna taliyaha ciidamada bolsika Somaliya Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa irdaha loogu laabay qaar ka mid ah cidaacadaha madaxa banaan ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

 

Wareegtadan ayaa lagu amray idaacadahan in ey si deg-deg ah u joojiyaan howlohooda, mana cada ilaa iyo iminka sababta irdaha loogu laabay.

 

Idaacadahan ayaa la sheegay in ey ka mid yihiin Horn Afrik, Shabelle iyo IQK oo gidogood ey leeyihiin shaqsiyaad somali ah.

 

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in hub iyo rasaas laga soo dhex helay xarumaha idaacadahan qaarkood laakiin ilaa iyo iminka ma cada wararkaas oo ah kuwa suuqa ku jira.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo irdaha loo laabo sadexdan idaacadoo waxaana laba jeer oo hore ey dowladuu irdaha ugu laabtay sababo la xiriira marin habaabin iyo iska horkeenka shacabka iyo dowladda oo ey wadeen idaacadahan.

 

Amarkan maanta la gaarsiiyay idaacadahan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli ey dowladdu soo saartay sharciyo quseeya saxaafadda xorta ah iyo kuwa dowladaba oo ey u sameysay sharciyo ey raacayaan warbaahinadan madaxa banaan.

 

Ka Akhriso Halkan Sharciyada Dowladdu Usoo Saartay Saxaafadda Xorta Ah.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Gen. Cabdi Qaybdiid: “Howgalkii baarista ahaa ee saakay waxaa lagu soo qabtay hub fara badan”

Posted to the Web Jun 06, 12:06

 

 

Muqdisho (PP) - Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybiid) oo dhawaan saxaafadda ugu warramayay Muqdisho ayaa sheegay in ciidammada booliiska ay soo qabqabteen hub fara badan oo uu ku Sheegay in laga soo saaray guryaha xaafaddaas.

 

Gen. Cabdi qaybdiid oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in hubkaas ay ka soo saareen guryo ku yaalla xaafadihii Saakay la baaray oo uu sheegay inay ka mid yihiin Yaaqshiid iyo Wardhiigley.

 

 

 

“Halkaan wadaa ku arkaysaa hub kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa culus iyo kuwa fudud, waxaana dhammaantood lagu soo qabtay howlgalkii saakay laga sameeyay xaafado dhowr ah” ayuu yiri Gen. Cabdi Qaybdiid Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

 

 

Goobta lagu qabtay shirka jaraa’id ayaa waxaa la soo dhigay noocyo kala duwan oo hub ah, waxaana noocyadaas hub ay kala ahaayeen: 3-qori loo yaqaan BTain-ka, 2-qori oo Zuu ah, 2-Qori oo Zuu Badeed ah, 2-Qori oo Hoobiyeyaal nooca 60mm loo yaqaan ah, Qoriga Zekawaha loo yaqaan ah oo laba xabbo ah, Baasuukayaal, Qoriga Dabomiishaarka loo yaqaan iyo sidoo kale rasaas aad u fara badan.

 

 

 

Howlgalkaan lagu soo qabtay hubkaan ayaa noqonaya kii labaad ee ay Muqdisho ka sameeyaan ciidammada booliiska oo kaashanaya ciidammo Ethiopian ah, waxaana shalay uu sheegya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay hub fara badan oo kala duwan ay ku soo qabteen howlgalladaas.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Idaacada Hornafrik oo laga soo saaray Hub kala duwan.

6. juni 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntand)-kadib amarkii ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ciidamada dawlada Soomaaliya waxa ay gudaha ugaleen xarunta idaacada gaarka loo leeyahay ee Hornafrik waxa ayna ka soo qabteen hubab kala duwan.

 

Hubkan laga soo qabtay gudaha Idaacada Hornafrik waxaa lasheegay in ay ka mid yihiin 37- oo ah lidka diyaaradaha,B10-oo ka mid ah qoryaha ay ku dagaalamaan kooxaha soomaalida.

 

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay hubkaasi geeyeen saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Idaacada Hornafrik ayaa waxa ay ka mid tahay idaacadaha gaarka loo leeyahay ee ka hawlgali jiray magaalada Muqdisho,balse ay maanta albaabada ulaabtay dawlada Soomaaliya lamana hayo war kusaabsan hubkan laga soo dhexhelay idaacada cid ka hadashay oo ka tirsan idaacadaasi.

 

Eedaymihii loo jeediyay idaacadaha Muqdisho ee ku qornaa warqadii lugu xiray waxaa ku jiray taageerida argagixiso,hurin colaadeed oo ay wadeen gudaha magaalada Muqdisho ayna sababtay in albaabada loo laabo.

 

Wasiirka warfaafinta ee dawlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed qoraalkii uu maanta soo saaray ee albaabada loogu xirayey idaacadaha madaxbanaan waxaa ku sheegay in idaacadahan ay ku tunteen sharciga saxaafada madaxbanaan.

 

Hubka ay ciidamada dawlada Soomaaliya ka dhexhaleen xarunta Hornafrik wuxuu ku soo aadayaa ayadoo eedaymo kulul ay dawladu usoo jeedisay idaacadaha kala ah Hornafrik ,Shabelle iyo IQK oo ka mid ahaa saxaafada Muqdisho.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku: - Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Ku: Taliyaha ciidamada booliska Somaliyeed == Muqdisho.

Ku: Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka== Muqdisho.

Og: Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia.

Ujeedo: Xerid idaacadaha gaar ahaaneed ee ku xadgudbay nidaamka warbaahinta xorta ah ee ka furan magaalada Muqdisho.

 

Tixraac warqadaan sumadeedu tahay XRW/906/07 ee June-4-2007 kana soo baxday xafiiska ra'isulwasaaraha waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Mas'uuliyiinta ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto in raadiyeyaashooda kala ah Horn-Afrik, Shabelle iyo idaacadda Qur'aanka kariimka ay ku sifoobeen colaad abuuris, Taageero argagixiso, ku xadgudub nidaamka xorta ah, wareerinta shacabka iyo dowlad diidnimo.

 

Sidaasi darteed waxaa la idinka doonayaa in aad qaadataan talaabooyinka deg dega ah ee lagu xiraayo dhamaan idaacadaha kor ku xusan, milkilayaashana lagula xisaabtamo xadgudubyada kor ku tilmaaman.

 

 

Waxaan idinka rajeynayaa in aad arintaan si deg deg ah u fulisaan.

 

Howl-wacan.

 

 

Wasiirka warfaaafinta dowladda KMG ah

Madoobe Nuunoow Max'ed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Daahir aweys Oo Idaacadahiisii Hornafrik, Shabelle, iyo IQK oo nasiib u yeeshay in lagu xiro Dikreetadii ugu horeysay ee ka soo baxay xafiiska maamulka G/Banaadir

 

kadib amarkii ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ciidamada dawlada Soomaaliya waxa ay gudaha ugaleen xarunta idaacada gaarka loo leeyahay ee Hornafrik waxa ayna ka soo qabteen hubab kala duwan.

 

 

Hubkan laga soo qabtay gudaha Idaacada Hornafrik waxaa lasheegay in ay ka mid yihiin 37- oo ah lidka diyaaradaha,B10-oo ka mid ah qoryaha ay ku dagaalamaan kooxaha soomaalida.

 

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay hubkaasi geeyeen saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Warar goor dhoweyd aanu ka helnay xafiiska maamulka gobolka Banaadir ee Max'ed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ayaa sheegaya in Dikreeto ka soobaxay xafiiskaasi lagu sheegay in albaabada loo laabo idaacadaha FM-ta ah ee Hornafrik, Shabelle iyo Qur'aanka Kariimka, IQK.

 

Dikreetadan oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Muane Max'ed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ayaa la gaarsiiyay maamulada idaacadahan oo ka dhisan gudaha magaalada Muqdisho.

 

Idaacadda iyo TV-ga Hornafrik ayaa noqotay idaacadii ugu horeysay ee u hogaansantay amarka Dikreetadan, iyadoo daqiiqado ka horna hawada ka baxay, waxaana laga yaabaa in saacadaha soo socda ay iyaguna u hogaansamaan idaacadaha kale ee la faray inay hawada ka baxaan.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee saddexdan idaacadood eek ala ah, Hornafrik, Shabelle iyo IQK lagu amro inay hawada ka baxaan, iyadoo kol horena sedan oo kale amaro loo siiyay wallow wadahadalo kadibna ay dib hawada u soo galeen.

 

 

Mataan Gaaboow Muqdisho

 

Abaaqaroow.com wiil waal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka waramay Hub culus iyo mid fudud oo ay Ciidamada Booliska soo qabteen

 

Arbaco, June 06, 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Bin Cali ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka lagu soo qabtay hub culus iyo mid fudud oo lagu qariyay guryo ku yaala Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Taliyaha oo sababta uu shirka jaraa'id uu u qabtay ay ahayd in uu soo bandhigo hub ay Ciidamada Booliska saakay ka soo qabteen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay hubkaas isugu jiraan Qoryaha ZUU 23 B10, ZUU 20, RPG, BKM, Hoobiyayaal iyo rasaastooda.

 

Cabdi Qeydiid ayaa ka codsday Shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka sidii hubka loo heli lahaa, wuxuuna si gaar ah uga codsaday dadka hubka heysta in ay si tabarucaad ah ay Dowladda ugu wareeejiyaan ka hor inta aanan la baarin oo aan xoog looga qaadin.

 

Sidoo kalena Saxaafadda ayuu ka codsaday in ay Dowladda kala shaqeeyaan sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in hubka uu khatar ku yahay nolosha aadanaha, isagoo taasi haddii la helana carrabka ku adkeeyay in ay yaraato dhibaatada hubka lagu geysanayo.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in howlgal ay shalay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka lagu soo qabtay Hub iyo Gaadiid ay isticmaalaan dadka is-qarxiya, wuxuuna sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 1000 dhalinyaro oo loo tababarayay sida la isu qarxiyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgal Lagusoo Qabqabtay Maanta Hub Faro Badan

 

Muqdisho(Calanka.com) 06-Jun-2007

 

Taliyaha ciidamada boliska Somaliyed mudane Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa`id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga warbixiyay howlgalka ey maanta ka sameeyeen ciidamada boliska xaafadaha qaar ee Muqdisho.

 

Gen. Qeybdiid ayaa ku tilmaamay howlgalkii maanta ey kusoo qabqabteen hub iyo rasaas tiro badan oo dadka guryaha ugu duugnaa, wuxuuna intaa raaciyay in hubkan uu isugu jiro kuwa cul-culus iyo kuwa fududba.

 

Degmooyinka ey saakay baaritaanada ugu dhaqaaqeen ciidamada boliska ayaa waxaa ka mid ahaa degmada Yaaqshiid iyo wardhiigley, baaritaanadan ayaa waxa uu taliyaha ku sheegay in ey la xiriiraan dhinaca amaanka caasimadda.

 

mudene Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegay in howgaladan ey sii wadi doonaan kuna soo uririndoonan hubka sharci darada ah ee ku baahsan ama yaala xaafadaha magaalada Muqdisho.

 

Howlgalkan ayaa noqonaya kii labaad oo hub tiro badan lagusoo qabqabtay tan iyo markii uu gen. Cabdi Qeybdiid la wareeyay jagada taliyanimada ciidamada boliska Somaliyeed.

 

Waxaa sidoo kale uu kusoo beegmay howlgalkan balaaran ee labada cisho isku xigta socda xilli ey ciidamada bolsika iyo maamulka gobolka banaadir si buuxda la wareegeen gacan ku heynta gobolka Banaadir.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, oo sheegay inay hawlgalkii maanta ku soo qabteen hub isugu jiray Gantaallo, Hub Culus iyo mid fudud

 

Muqdisho Arbaco 06/06/07 (SMC)

 

Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, Jeneral Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”, ayaa ka shanqariyey in horumar laga gaaray Hawlgalkii ay Ciiddamadda Ethiopianka iyo kuwa DFKMGS maanta ka fuliyeen qeybo ka tirsan Magaalladda Muqdishu.

 

Jeneral Qeybdiid, ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ku qabteen Hotelka Bin Cali oo ku yaalla Xaafadda Towfiiq ee Degmadda Yaaqshiid, wuxuuna tilmaamay inay Ciiddamaddu hawlgal ka fuliyeen Xaafaddo ka tirsan Degmadda Yaaqshiid, gaar ahaan Zoonaha Towfiiq, Telefishinka ilaa iyo Isbitaalka Carafaad.

 

Shirkaasi Jaraa’id, waxaa lagu soo bandhigay dhammaan hubkii cuslaa iyo kuwii fududaa ee ay Ciiddamadda Ethiopianka iyo kuwa DFKMGS ku soo qabteen Hawlgalkaasi oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee maalmahan laga fuliyo Magaalladda Muqdishu, waxaana hubkii la soo qabtay kala ahaayeen:-

 

Hal qori nooca Lidka Diyaaradaha ee 37 iyo rasaastiisa.

Saddex qoriga B-10.

Labo Xabbo oo Gantaal-ridaha Hoobiyaha, nooca 60-mm

Hal qoriga Zuu badeedka Z-20, khasnadiisa iyo rasaastiisa.

Saddex qoryaha boobaha culus ee BKM, oo ay Soomaalidu u taqaano daba-miishaarka.

Labo qoryaha Zaka’uuga ee ay Soomaalidu u taqaano Daba-dhiibtada.

Labo Gantaal-ridaha RBG, oo ay Soomaalidu u taqaano Seven-ka iyo 20-xabbo oo rasaastiisa ah.

Dhinaca kale,

 

 

Bandhig-hubeedka ay Maamulka Gobalka Banaadir iyo Taliska Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, ayaa ku soo beegmay Xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin Furitaanka Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee ay Dowladda Federalka gogosheeda dhigtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

QORYOOLEY: Gaari ay ku raran yihiin waxyaabaha qarxa oo ciidammo Booliis ah ay ku qabteen Degmada Qoryooley, iyadoo lagu hayo...

Posted to the Web Jun 06, 15:03

 

Qoryooley (PP) – Gaari nooca Toyota loo yaqaan ah oo la sheegay inay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa ayay booliiska Degmada Qoryooley ku qabteen maanta Degmadaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

 

Talyiaha Booliiska Degmada Qoryooley Jabriil ayaa u sheegay saxaafadda in gaarigaas la qabtay ee ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa la doonayay in howgallo lagu qasayo ammaanka gobolka looga fuliyo qaybo gobolka ka tirsan.

 

 

 

“Waxaan qabannay oo aan gacanta ku haynaa gaariga iyo ruuxii watay oo hadda ku sugan saldhigga degmada Qoryooley, waxaan sidoo kale wadnaa baaritaanno ay ku sameynayo si aan u xaqiijinno halka uu ka yimid iyo ujeeddada uu lahaa” ayuu yiri Jabriil oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Degmada Qoryooley.

 

 

 

Degmada Qoryooley oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay maamulka Cusub ee Gobolka dhawaan uu u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi; iyagoo kulammo kula lahaa halkaas madaxda cuqaasha degmadaas.

 

 

 

Mudane C/qaadir Xaaji Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha loo magacaabay Gobolka Shabeellada Hoose ayaa dhawaan wuxuu ka sheegay Degmada Qoryooley in maamulkiisa uu wax weyn ka qabanayo howlaha nabadgalyo xumo ee ka jira Gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

 

Arrintaan ayaa waxaa walaac weyn ka muujiyay dadka ku dhaqan Gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen shacabka Degmada Qoryooley in falkaan haddii uu dhici lahaa uu sababi lahaa qasaare aad u fara badan oo dhaliya dhimasho, dhaawacyo iyo sidoo kale burbur hantiyeed.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalintii Labaad oo ay Ciidamada Booliiska iyo kuwa Itoobiya ay hawl gallo ka wadaan Caasimada Soomaaliya.

Last Updated::2007-06-06 13:35:51

 

Mogadischo:-Ciidamada Booliiska Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya

iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay fulinayaan hawl gallo Balaaran.

 

Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa ah labada Ciidan meelaha ay hawl gallada ka fulinayaan, waxaana ay saaka ay xireen wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa waxaa ay guud ahaan sameynayaan Baaritaano xoogan oo ay ku baarayaan gawaarida mareyseysa, Shaaricdyada ay sida aadka ah u maraan Gaawarida iyo dadweynaha.

 

Meelaha ay xanibaada saareen Ciidamada oo ay ka mid tahay wadada dhinaca Florenca ayaa waxaa ay ku amreen dadweynaha in aysan u soo jirsan ilaa iyo 1KM.

 

Hawl galadaan ay wadaan Ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiya ayaa waxa ay socdaan maalintii labaad, waxaana sida muuqata ay baajiyeen weeraro Maqcquul ahaan lahaa in ay dhacaan maalintii shaley, iyada oo aysan dhicin wax weeraro ah shaley.

 

Hawl galadaan ay wadaan Ciidamada ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwo ay doonayaan Ciidamada in ay Gacanta ku dhigaan dadka doonaya in ay ka fuliyeen hal gallada ismiidaaminta iyo qaraxyada ah ee laga fuliyey Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

Mohamed Ali (Dalmar)

Horseednet News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I told you that the criminal actions, terror tactics would be countered with tough measures. Have you noticed there has not been a single incident since the police and troops took to the streets and started hunting these groups.

 

So tell your friends to be careful calling for assasinations, killings and suicide bombings will not be un answered attacks on top leaders, civil servants will not go un answered.

 

The law is back in town.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this