Sign in to follow this  
bambo

Buubaa :Maxkamadaha ayaa masúul ka ah ciidamada Xabashida oo soo galay dalka Soomaal

Recommended Posts

bambo   

Somaliweyn (Asharqi-Awsad ,Nov.7 ,2006)

 

Wargayska Maalin laha ah ee Sacuudiga ee Asharqi Al-awsad cadadkiisii maanta wuxuu qoray Wareeysi Wargayskaasi la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya Ismaciil Hurre Buubaa oo ku sugan dalka Ingiriiska Wareeysigiina sidatan buu u dhacay :

 

Sharqi Awsad :Maxaay ku saabsan tahay booqashada aad ku timid dalka Ingiriiska

 

Buubaa:Intii aan joogay dalka Ingiriiska waxaan la kulmay wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Africa waxaana qaadaa dhignay arrimaha murugsan oo ka taagan gayiga Soomaaliya iyo sidii looga qaadi lahaa Soomaaliya xayiraadda Hubka oo lagu soo rogay si ciidamo Afrikaan ah oo nabadda Suga loo keeno Dalka Soomaaliya ,waxaan kale oo isla gorfeeynay shirkii magaalada khartuum oo na dhexmaray annaga iyo maxaakimta Islaamiga ah iyo sidii dawladda Ingiriisku kaalmo ugu fidin lahayd dawladda Soomaaliya ,waxaana wasiirku isagoo dawladdiisa wakiil ka ah uu ballanqaaday in Ingiriisku sii wadayo kaalmada uu siinayo dawladda Soomaalia .

 

Asharqi Awsad:Maxaa kamid ah sababihii uu u fashilmay Shirkii Khartuum

 

Buubaa:Dawladda KMG ahi waxaay xogga saartay sidii shirkaasi uu u miro-dhali lahaa hasayeeshe Maxaakimta Islaamiga ah waxaay qabeen mid taas kasoo horjeeda iyadoo ujeedadoodu ahayd in shirku iska sii socdo si aay u helaan waqti aay isku ballariyaan oo ku qabsadaan aagag cusub oo hor leh,isla markaana aay helaan fursad aay dalka ku soo galiyaan ciidamo ka tirsan Alqaacida, Eritrea iyo mucaaradka la dagaalama dalka Itoobiya :

Xujada aay Maxkamaduhu hordhigeen wada xaajoodka oo ahayd in Ciidamada Itoobiya dalka ka baxaan keenyana laga saaro madasha shirka ayaa ahaa arrimo baadil ah oo aan u adeegayn maslaxadda Soomaaliya

 

Alsharqi Awsad :Maxkamaduhu waxaay dawladda KMG ah ku tuhmayaan in aay dalka keentay Ciidamo Itoobiyaan ah arintaas maxaad ka oran lahayd

 

 

Buubaa :Dacaayadaasi waa mid aan waxba ka jirin waana maxkamadaha kuwa mashaakilka ku haya dalka Soomaaliya iyo Gobolka oo Dhan waxaayna dalka soo gasheen xoogag doonaya in aay ridaan dawladda Itoobiya iyo kuwo ka tirsan ururka Alqaacida waxaayna soo uruursadaan kaalmo dhaqaale oo aay ka helaan Alqaacidada ku sugan dalalka Khaliijka ,marka maxaa laga filan karaa in aay itoobiya sameeyso ,yaase soo jiitay oo dalka keenay Itoobiyaanka ,maxkamaduhu waxaay ka hadlayaan bixitaanka ciidamada Itoobiya kaddib markii aay abuureen sababihii keenay Itoobiyaanka ,iyagaana masuul ka ah ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka ku sugan

 

 

Asharqi Alawsad : Maxkamaduhu waxaay diideen in Keenya ka qaybgasho wada xaajoodka waxaana dawladda KMG ahi ku tilmaantay Jaamacadda carabta mid aan dhexdhexaad ka ahayn arinta Soomaaliya maxaa fallo ah oo arintaan aad ka bixinaysaa

Buubaa:SoOmAaliya waxaay ka tirsan tahay jaamacadda carabta waxaana waligayo ka codsanaynay jaamacadda carabta in aay dowr wax ku ool ah ka ciyaarto dibuheshiisiinta Soomaalida iyo sidii looga smatabixi lahaa dhibaatada lagu jiro .

Waxaa jiray waxyaabo laga tabanayey ururka Jaamacadda carabta waxaana falaLka qaarkood keenayeen shaki ,waxaana dawladda Soomaaliya arrimahaas uga cabatay Madaxweynaha Suudan waxaana u sheegnay in Maxkamadaha Islaamiga ahi aanay doonayn dibuheshiisiin

 

Sharq Alawsad : Ma noo sheegi kartaa waxaad ka qabto Booqashada uu ku tegay Guddoomiyaha Baarlamaanku Magaalada Muqdishow iyo wadahadallada uu la yeelanayo Madaxda maxaakiimta Islaamiga ah ,booqashadaasi ma mid shaqsi ah baa mise waa mid uu ku mathalayo dawladda Soomaaliyeed

Buubaa:Booqashada Guddoomiyuhu waa mid isaga gaar u ah oo uusan u dirsan baarlamaanka Soomaaliyeed waxaana eegaynaa waxa kasoo baxa

 

Asharqi-Awsad :Haddii aad tihiin Dawladda ma haysaan talo lagu badbaadin karo wada xaajoodka maxaase xal u ah si loo joojiyo dagaal dhaca .

Buubaa :Xalku wuxuu yahay in maxkamaduhu joojiyaan damacooda aay ku doonayaan in aay khalkhalka ku gashaan xasiloonaanta dalka soomaaliya iyo waddamada dariska la ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Buubaa :"Maxkamadaha ayaa masúul ka ah ciidamada Xabashida oo soo galay dalka Soomaaliya gudihiisa

 

 

How ****** is this guy, so icu are responsible for ethiopian troops crossing over the border why ?

 

Because they chased Thugs out of xaamar paved streets , boosted the economy, providing safe food and water for people eh?.

 

Sharqi Awsad :Maxaay ku saabsan tahay booqashada aad ku timid dalka Ingiriiska

 

 

BUUBA :Intii aan joogay dalka Ingiriiska waxaan la kulmay wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Africa waxaana qaadaa dhignay arrimaha murugsan oo ka taagan gayiga Soomaaliya iyo sidii looga qaadi lahaa Soomaaliya xayiraadda Hubka oo lagu soo rogay si ciidamo Afrikaan ah oo nabadda Suga loo keeno Dalka Soomaaliya ,waxaan kale oo isla gorfeeynay shirkii magaalada khartuum oo na dhexmaray annaga iyo maxaakimta Islaamiga ah iyo sidii dawladda Ingiriisku kaalmo ugu fidin lahayd dawladda Soomaaliya ,waxaana wasiirku isagoo dawladdiisa wakiil ka ah uu ballanqaaday in Ingiriisku sii wadayo kaalmada uu siinayo dawladda Soomaalia .

 

this Guy only concern is to lift arms embargo so that the people get hold more weapones to kill each other .

 

 

This guy reminds me of Cumar carte , the men who dismantled somali army and told Ali mahadi to advise the somalia national army to submit to the rebels forcess in somalia , This was clearly working for snm agenda .

 

Is history repeating itself , Their is say ,

 

If you dont learn from history it will repeat itself .

 

 

This guy reminds me of cumar cart

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

This guy is a real looser ,,,,,,,,,,,,, Buubaa u Said ?? ,, Yes that is him

I couldn't agree with you more, his name says all!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this