Sign in to follow this  
Kamaavi

Jabuuti oo xal ka gaartey khilaafka DKMG ah

Recommended Posts

Kamaavi   

Wafti heer wasiir ah oo ka socda Jabuuti ayaa maanta xal kala dhexdhigey madaxda DKMG ah, iyadoo Sheekh Aadan Madoobe la ogoleysiiyey in baarlamaanka cod galiyo gudoomiyenimadiisa

 

Wararka Vila Soomaaliya laga helayo ayaa sheegaya in waftiga Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka diinta iyo awqaafta Xaamud Cali Axmed ay marsiin waayeen Sh. Aadan Madoobe in uu xilka ka dago, balse uu ogolaaday in codka kalsoonida loo qaado.

 

 

Madoobe ayaa laga soo xigtey in uu yiri “Aniga shaqo qaran ayaan hayaa, kalsoonida shacabka iyo xildhibaanada ayaan meesha ku joogaa”, balse uusan waxbo ka qabin haddii la tijaabinayo illaa heerka kalsoonida uu baarlamaanka ka heysto.

 

 

Fadhiga ugu horeeya oo dhacaya axada ayaa la filayaa in cod loogu qaado Aadan Madoobe.

 

 

Kullanka wax lagu xaliyey waxaa goobjoog ka ahaa Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali, wasiiro ay ka midyihiin Prof. Ibbi, Cabdirishiid Xidig , iyo Cabdiraxmaan Janaqoow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this