Sign in to follow this  
Xoogsade

Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Kabsuuma Gobolka Jubadda Hoose

Recommended Posts

Xoogsade   

Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Kabsuuma Gobolka Jubadda Hoose

 

Beerdhiga 18.05.2008 10:52

 

Xalay fiidkii ayay Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Kabsuuma oo 90km dhinaca waqooyi ka jirta Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose, sida uu Shabakadda Beerdhiga u xaqiijiyay Afahayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur)

 

Mujaahidiinta ayaa la wareegay deegaanka iyada oo aysan ka dhicin wax dagaal ah isla markaana ay Maleeshiyaadkii joogay u baxsadeen dhinaca deegaanka Buulo-Guduud oo 30 km u jirta Magaalada kismaayo.

 

Si rasmi ah looma sheegi karo illaa iyo hadda in ay mujaahidiintu sii joogayaan deegaankaasi iyo in ay meelo kale uga sii gudbin doonaan.

 

Ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada ku sugan Magaalada kismaayo ay wadaan saaka Abaabulo ciidan oo aan la garanayn ujeedadooda rasmiga ah.

 

Deegaanka kabsuuma ayaa la sheegayaa in ay horey u joogeen Maleeshiyo beeleedyo kuwaas oo isaga cararay ka dib markii ay ka warheleen in xoogaga Mujaahidiintu ay ku soo fool leeyihiin.

 

Shalay ayay ahayd markii ay Mujaahidiinta MMIS dagaal mudo socday ka dib kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

 

Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo xiligani awooda saaraya qabsashadda gobolada Dalka Soomaaliya iyo waliba in ay dhexda u galaan ciidamada gumeysiga Itoobiya ee isaga kala gooshaya gobolada Dalka.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this