Sign in to follow this  
Meiji

Religious warlords use roadside bombs against eachother in Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Meiji   

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay ku eedeeyay Ururka Xisbul Islaam

 

Isniin, 22, Feb, 2010 (HOL) Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in koox ka mid ah kooxaha la safan ee dagaalka kula jira Dowladda iyo AMISOM ay qaraxyo ka fuliyeen suuqa Bakaaraha.

 

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in Qaraxii ka dhacay qaybta Shidaalka ee Bakaaraha, kii ka dhacay Suuqa Daawada iyo Qaraxii xalay oo geystay dhimashada ugu yaraan 3-qof ay ka dambeeyeen koox ka tirsan Mujaahidiinta, isagoo aan si toos ah carrabka ugu dhufan.

 

 

"Mujaahiiintu waxay ku guuleysteen inay ku qabtaan degmada Baydhabo dad ka mid ah kuwii fuliyay qaraxii ka dhacay Suuqa Daawada waxayna noqdeen kuwo ka tirsan Mujaahidiinta" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

 

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay in Qaraxii xalay ka dhacay inta u dhexeysa Black Sea iyo Baar Ubax uu ahaa mid ay kooxdaas ka dambeyso, ayna ku doonayeen inay dhibaato ugu geystaan Mujaahidiinta kale.

 

 

"Suuqa Bakaaraha waxaa jooga Mujaahidiin iyo Shacab, ma joogaan cadow la qarxiyo, waxaana tani ay tusaale cad u tahay inay jiraan dad gaar ah oo loo adeegsaday inay dhibaatooyin u geystaan Mujaahidiinta" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

 

Dadkii ku dhintay Qaraxii xalay oo ahaa mid xooggan kana dhashay laba miin oo lasoo dhigay maydadkooda agagaarka suuqa Bakaaraha ayaa Ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay inay iyaga ka tirsanaayeen, taasoo dhalisay iska-horimaad dhexmara iyaga iyo ciidamo taabacsan Xarrakatul Shabaab.

 

 

Iskahorimaadkan oo ka dhacay Bakaaraha ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahay laba qof oo ka tirsan labada dhinac, balse xabbadu waa joogsatay, kaddib markii ay ciidamada Xisbul Islaam qaateen maydadkoodii.

 

 

Afhayeenka Xarrkatul Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dagaalkii ka dhacay Dhoobley oo ay mas'uuliyaddiisa sheegteen Xisbul Islaam ay ka dambeeyeen ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya iyo Jabhadda ONLF.

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

 

maxuseen@hiiraan.com

 

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

This is just priceless!

 

Religious warlords of Xisbul Xasuuq have planted roadside bombs and landmines for the religious warlors of AlShaytaan.

 

First full-scale fighting in Jubba regions and Bakool and now roadside bombs and landmines in Mogadishu?

 

Can the supporters of the religious warlords explain to us why the religious warlords are killing each other mercilessly if they all are part of ''Mujaahideenta'' and are fighting for ''Islam'' and thus going to ''Paradise'' when they die?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^dhibaato sii korodha miyaad ku farxeysaan?.

 

Nimanka miinada dhigay eey ku qaraxday waxay ahaayeen OUTLAWS xizbiga & shabaab ku jira, waana kuwa la xir-xiray ee fakaday, kuwaas waaye kuwa qaska & fawdada wada, image-ka Shabaab-na xumeynaya, Insha Allah waa la iska wareejin doonaa caqabadaha jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this