Sign in to follow this  
General Duke

Return of roadblocks + assinations return

Recommended Posts

Isbaarooyinkii Laga Qaaday Magaalada Muqdisho oo Dib Loosoo Celiyey

E-MAIL THIS PRINT THIS

www.goobjoog.net

Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho

 

Dadkii oo Lugaynaya

 

Sidii horayba loo saadaaliyay iyadoo laga faa'iidaysanayo waayo aragnimada loo leeyahay siyaasiyiinta dalka hor boodaya,waxaa dhab noqotay filashadii dad badan oo reer Muqdisho ah oo saadaal ka bixiyay waxa ka hir gali doona ballan qaadyadii wasiirrada magaalada muqdisho jooga oo sheegay in aanay mar dambe soo laaban doonin isbaarooynkii dhex tubnaa magaalada muqdisho oo dhowr maalmood ka hor la iclaamiyay in la cirib tiray.

 

Toddobaad ka dib markii dhagaha dadka magaalada muqdisho ku dhaqani ay sidaasi maqleen ayay haddana saaka maqleen war kale oo aan la yaab ku noqon kaas oo sheegaya in aan gaadiidku mari kari waddada isku xirta siinaay iyo isgoyska lambar afar oo gaadiidka isga kala gooshaahi uu toddobaad oo kaliya howl galayay.

 

Maleeshiyooyinkii horay looga kiciyay isgoyska wadada Aadan Cadde ayaa bilaabay in ay gaadiidka waddadaasi adeegsanaya oo u badan koostarro iyo gawaarida loo yaqaanno minibuaeska ka qaadaan lacago ka qaadaan ,iyagoo darawalkii aan dalabkooda u dhaga nuglaanna rasaas oodda kaga qaadaya.

 

Waxaa la arkayay saaka iyada oo gaadiid la'aani ay haysato dadkii suuqyada magaalada Muqdisho sida bakaaraha u shaqo tagi jiray oo qaarkood bilaabeen in ay lugeeyaan halka kuwo kalena ay ku dhiirradeen in ay raacaan gawaari si qarda jeex ah ku tagaysa bakaaraha oo iyaga naf ahaantoodu ay kadiska waddada ka aamin ah ahayn. Kuwaas oo ku khasban ay isgoysyada kale ka sii raacaan gaadiid hadii ay doonayaan in ay goobo kale gaaraan.

 

Isgoyska siinaay ayay sidoo kale xaaladdu ku soo laabatay sidii horay loogu yaqaanay iyadoo gawaarida halkaasi ka raranaysa laga qaadayo lacag xilli kasta oo ay doonayaan in ay rakaab qaadaan.

 

Isgoyska kaaraan oo la sheegay in wasiirka ganacsiga dowladda kmg ah muuse suudii uu ka qaday jidgooyooyin u yaallanya waxaa haatan gaadiidka looga qaadaa lacagihii laga qaadi jiray mana jirto cid hadda u taagan dib u qaadista jidgooyooyinkaasi.

 

Sidaasi si la mid ah in kasta oo ay yaraadeen waxaa iyana isbaarooyin yaallaan waddada isku xirta muqdisho iyo afgooye oo gaadiidka looga qaado lacago xooggan oo aan waxba ka yarayn tii marki hore ee 15 ka isbaaro taallay laga qaadi jiray,gaadiidlayduna waxa ay kuu sheegayaan iin la isu dumay oo kaliya maleeshiydii isbaarooyinka bilqan joogtay oo lana kordhiyay lacagtii la qaadi jiray.

 

Ammaan darrida magaalada muqdisho ku soo korortay iyo isbaarooyinka soo laabteen qaarkood waxa ay waji gabax ku noqonayaan mas'uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada muqdisho oo horay u ballan qaaday in ay magaalada muqdisho ka dhigi doonaan mid u suubata in dowladdu ku shaqayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dilal Habaysan oo 7 Qof Lagu Dilay oo ka Dhacay Muqdisho 24kii Saac ee La soo Dhafay.

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho

 

Magaalada Muqdisho

 

Magaalada muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay noqotay meel aan la isku hallayn karin oo si dhab ah looga dheehan karayo cabsida iyo dagganaansho la'aanta ay ka cabaayaan in badan oo ka mid ah hay'adaha iyo dadka lagu boorrinayo in ay yimaaddaan.

 

Weerarro qorshasan oo khasaare badan gaystay ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee muqdisho. Sarkaal sare oo ka tirsanaa laantii CID da soomaaliyeed ayaa shalay duhurkii kooxo hubaysani ku dileen agagaarka Teree biyaano ee magaalada muqdisho,sidoo kale shilkaa isaga ah waxaa ku geeryooday haweenay rasaasi haleeshay oo halkaasi shaah ku karinaysay.

 

 

Ilaa haatan lama garan cidda ka dambaysay sarkaasi oo la oran jiray C/laahi Coon iyo sababta ay u dileen intaba,waxa kaliya ee la ogyahay waa in rag hubaysani ay soo weerareen sarkaasi oo darajadiisu ahayd colonel xilli uu doonayay in uu ka soo dago gaari yar oo uu watay.

 

Isla shalay goor dambe waxaa agagaarka iskuulka maxamuud xarbi ee degmada wardhiiglay lagu dilay nin la oran jiran Cabdi Hodon Xaashi oo maleeshiyooyin hubaysani rasaas ku fureen ayna ka qaateen gaari mark2 ah oo uu saarnaa.

 

Saacado yar ayaa soo wareegay markii la maqlay haddana dilka nin kale oo rayid ah oo isna fiidnimadii xalay ka dhacay xaafadda Albaraka ee magaalada muqdisho,sababo aan la garan waxaase xusid mudan in marka laga reebo haweenayda rasaasta habowga ahi haleeshay ay ragga saddexda ah oo kale isku hayb yihiin,taas oo dhiirri galinaysa in dilalka lagu macneeyo in ay aano qabiil ku xiriirsanyihiin.

 

Dhacdo kale haweenay, gabar ay dhashay iyo wiil ay qaraabo ahaayeen ayaa xalay lagu dilay xaafadda Bermuuda ee degmada Hodon ka dib markii ay gurigooda u soo dheceen maleeshiyooyin hubaysan oo doonayay sida wararku sheegayaan in ay gabadha afduubtaan ayna fara xumeeyaan,

 

Dilka hooyada ,gabadha iyo wiilka oo ay ehelka ayaayeen ayaa yimid ka dib markii ay isku dayeen in ay gabadha oo guriga lagala baxay u soo gurmadaan.

 

7 qof ayay gaarayaan dadka 24 kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay magaalada caasimadda ah ee muqdisho oo lagu waday in amaankeedu uu ka soo hagaago kol haddii la sheegay in dowladdu ay ku howl gali doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Warlords media are campaigning each other. Nothing much changed in Modish. The group suddenly run of cash and no progress so far, Abdullah yusuf in Jowhar with lot of cash, road blocks increase and Xaabsade is about to give up. Desperate time for some people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ The truth comes out, these men [sudia and Co] make loads of money out of these roadblocks so why would they remove their cash cow?

 

I belive the people of Mogadishu will kick these men out soon.. As for Xabsade and even Sharif they are minor figures, mere pawns in all of this. Don take them seriously, through Xabsade Abdiqasin, his junior Inda Cade speak. Through Shariff you can hear the voice of Qaynyare..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

As for Xabsade and even Sharif they are minor figures, mere pawns in all of this. Don take them seriously, through Xabsade Abdiqasin, his junior Inda Cade speak. Through Shariff you can hear the voice of Qaynyare..

Odayga Cabdillaahi, the Lackey of Sanaawi, ma tagoo Baydhabo, oo yaa ka celinaayo, for he always wanted to go meeshaas? "Junior" Xaabsade, perhaps? Laakiin ninyahoow mar mar in aad robot tahay iyo in aa bini aaden tahay waaba kala shakisanahay, maxaa yeelay wixii baluug eh gaduud ayaa leedahay wixii jaalo ehna cagaar. Adduunka upside down aa u fiirisaa widaaygiis.

 

N.B., dowlada awoowgaa, Mudane Lackey of Sanaawi, waxba haka sugin hadee saan ku socoto, anigaa ku dhahay, and don't lose any sleep over it. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

Road blocks don't hurt people, people hurt people.

 

Road blocks are thgere to collect taxes, so the roads can be safe from bandits and gangs. Road blocking is a hard job...think about the heat, the guy next to you with the bad body odor...! Don't knock it till you try it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this