Sign in to follow this  
General Duke

Qaynyare and the desperation: has he jumped?

Recommended Posts

Maxamed Qanyare Afrax Oo Heshiis Hoose La Galay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf :D

 

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyne uga soo horjeeday qorshaha Col. Cabdullaahi Yuusuf uu ku doonayo inuu xukuumadda xarun KMG ah uga dhigo magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ayaa imanka warar lagu kalsoon yahay waxaa ay xaqiijinayaan inuu Maxamed Qanyare ka soo dabcey meeshii uu markii hore ku dhaganaa uuna hadda aqbalay qorshaha Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha.

 

Isbadalkaan ku yimid Maxamed Qanyare Afrax ayaa ka dambeeyey kadib markii ay wadahadal hoose yeesheen asaga iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf. Wadahadal-kaan oo ay ka soo shaqeeyeen dublumaasiyiin shihsheeye ah oo ka tirsan IPF -iyo dublumaasiyiin Reer Kenya ah oo ayagu xiriir hoose la leh maxamed Qanyare Afrax.

 

Heshiiskaan la sheegay inuu dhex maray Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxaa ka mid ah inuu Maxamed Qanyare maamulo lacagaha loogu talagalay dhaqan celinta maleeshiyooyinka Muqdisho iyo dhamaan qarashaadka ku baxaya wax ka qabashada ammaanka Muqdisho taas oo uu Maxamed Qanyare ogolaadey.

 

Dhanka kale, Maxamed Qanyare ayaa sida ay wararkaani sheegayaan waxaa uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf u balanqaadey inuu kala furfurayo kooxaha ka soo hor-jeeda qorshaha Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha. Waxuuna si gaar ah u balan qaadey inuu dhex-dhexaaadiyo Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan oo la rumayusan yahay inuu si weyn ugu dhaga nugul yahay Maxamed Qanyare Afrax

 

Warkaan oo laga soo xigtay ilo muhiim ah oo ayagu ka qeybqaatay wadahadaladaas ayaa intaas ku daray in uu Maxamed Qanyare ka baaqsan doono safar la filayey inuu katago magaalada Muqdisho asaga iyo koox xildhibaano ah.

 

Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxaa lagu yaqaan nin si weyn oo fiican u yaqaan dabaal joogtada siyaasadda Soomaaliya, asagoo ilaalsada hadba meesha ay siyaasadu uguurayso si uusan geedigaas uga gaabin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I see we have started quoting Gedonet (although the source was left out-so unlike you Duke) whenever the news is to our favor huh?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxaa lagu yaqaan nin si weyn oo fiican u yaqaan dabaal joogtada siyaasadda Soomaaliya,
asagoo ilaalsada hadba meesha ay siyaasadu uguurayso si uusan geedigaas uga gaabin.

Inuu seen geel yahay unbey caddeenaysaa quotkan sare, kuwii maqaalkan qoreyna waxba umeysan reebin Ina Afrax, qof la yiri "hadba meesha siyaasada u janjeedho ayuu u tukubaa", kuwa qorey maqaalkan waxey oogala jeedeen ammaan ay siyaasigan ku ammaanayaan in uu mawqifkiisi badaley, balse wey ka dhicistey, oo saas ninka iney sharafta ooga dilaan ma habbooneen!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Maskax Dhuuqe:

saas ninka iney sharafta ooga dilaan ma habbooneen!

Sharaftee? Dagaal-ooge sharaf miyuu leeyahay? Way yar yihiin rag sharaf leh oo maanta ka dhexmuuqda siyaasada Soomaaliyeed!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ina Yeey agtiisa sharaf buu ka leeyahay wixii maanta ka billoowdo, oo waaba kuwan is af gartey la leeyahay!

 

Waa un laba Qab-Qabloo is af gartey marka dhinac laga fiiriyo smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this