Sign in to follow this  
Gabbal

The last of Col Barre Aadan Shire's army move toward Kismaayo.

Recommended Posts

Gabbal   

Baardheere: Col. Barre Hiiraale oo wata ciidamo aad u fara badan oo u ambabaxay gobolada Jubooyinka.

Axad, October 15, 2006

 

APL

 

Baardheere (AllPuntland)- Ciidamo uu hogaaminayo wasiirka gaashaan dhiga ee dawladda Soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Baardheere oo ay dhowaanahaan ku sugnaayeen.

 

Col. Barre Hiiraale ayaa magaalada Baardheere waxa u gabi ahaanba ka rartay ciidamdiisii, isaga oo u jahaystay dhanka magaalada Kismaayo.

 

Saraakiil ka mid ah ciidamda Col. Barre Hiireele ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ciidamada wasiirku ay u ambabaxeen dhanke gobolka Jubada Dhexe halkaasoo ay ka wadayaan abaabul dagaal oo ay ku qaadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

Boqolaal ciidan ah oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka iyo qoryaha noocyadooda kala duwan ayaa waxa uu la aaday dhanka Gobolka Jubada Dhexe.

 

Ciidamada Col. Barre ayaa si qarsoodi ah habeennimadii xalay saqdii dhexe uga soo baxay magaalada Baardheere duleedkeeda oo ay fariisin ku lahaayeen.

 

Arrintani ayaa waxa ay sii kordhinaysaa walwalka ay qabeen dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka oo ku aadan in dagaallo ay ka dhacaan gobolada Jubooyinka.

 

Col. Barre ayaa waxa uu marar badan cadeeyay in u aadayo magaalada Kismaayo oo uu gacanta ku soo dhigayo, waxaana uu dhowaanahaan aruuursigooda waday ciidamo fara badan oo uu ka kala keensayay gobolka Gedo.

 

Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ciidamadooda galiyeen heegankii ugu danbeeyay uu ku aadan difaaca magaalada Kismaayo.

 

Boqolaal malayshiyooyin ah ayaa waxa ay u soo ambabaeen dhanka gobolka Jubada Dhexe.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale iyo maleeshiyadiisa oo ka guurtay Baardheere

 

 

Baardheere 15, Oct.06 ( Sh.M.Network) Maleeshiyooyinkii Col. Barre Hiiraale ee ku sugnaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa u guuray dhinaca gobolka J/dhexe, iyagoo ku wajahan sida wararka lagu helayo magaalada Kismaayo oo horey Maxkamadaha ay uga qabsadeen.

 

Boqolaal maleeshiyo ah oo wata gawaarida dagaalka ee loo yaqaan tiknikada iyo kuwa xamuulka oo uu hogaaminayo wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Col Barre Hiiraale ayaa saqdii dhexe ee xalay ka ambabaxay degmada Baardheere, iyagoo ku sii jeeda dhinaca gobolada Jubooyinka oo iminka ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin taabacsan Col. Barre Hiiraale.

 

Col. Barre Hiraale ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday degmada Baardheere abaabul iyo dhaq dhaqaaq xagga ciidanka ah, iyadoo deegaano ka tirsan gobolka Gedo uu ka helay taageero xagga ciidanka ah ayaa ujeedadiisa lagu macneeyay sidii mar kale uu dib ugu qabsan lahaa magaalada Kismaayo oo hadda ay maamulaan xoogagga maxaakiimta islaamka.

 

Tagi taanka wasiirka G/dhigga ee gobolada Jubooyinka ayaa durbaba shaki galiyay qaar ka mid ah saraakiishiisa ku sugan degmada Baardheere.

 

Col. Muqtaar Aadan Shalaqle oo saakay u waramay Shabelle ayaa xaqiijiyay in qeybtii ugu dambeysay ee maleeshiyadii Barre Hiiraale ay xalay saqdii dhexe ka ambabaxeen magaalada Baardheere si ay ugu biiraan maleeshiyadooda kale ee ku sugan gobolada Jubooyinka.

 

Col. Muqtaar ayaa beeniyay wararka sheegaya in maleeshiyada xalay ka ambabaxay magaalada Baardheere uu hogaaminayo wasiirka G/dhigga, waxa uuna ku celceliyay in taasi ay tahay mid aan waxba ka jirin.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya dareen walwal leh oo laga muujinayo xiisado iyo dagaalo lagu hoobto oo dhex mara ciidamada maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale.

 

 

 

 

Axmed Cumar Saalixi

 

Shabelle Media Network Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale iyo Maleeshiyadiisa oo u baqoolay dhinaca Jubooyinka

 

 

Mogadishu - 14-October -2006-Allceeldheer.com Wasiiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo maleeshiyooinkiisa ayaa ka guuray degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyagoo u sii ruuqaansaday qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka.

 

Boqolaal maleeshiyo ah oo uu horkacayo Col. Barre Hiiraale oo dhowaan Maxkamadaha islaamka ay ka faro maroojiyeen gacan ku heynta magaalada Kismaayoa ayaa waxa ay xalay si qarsoodi ah ay uga ambabaxeen degmada Baardheere, iyagoo wajahay qeybo ka mid ah gobolka J/dhexe, halkaasi oo ciidamo kale oo isaga taageersan ay horey u joogeen.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada Barre Hiiraale ayaa waxa ay sheegeen in Col. Uu isku diyaarinayo weerar uu dib ugu qabsado magaalada Kismaayo, iyadoo laga cabsi qabo in saacadaha soo socday ay isku dhacyo dhex maraan labada ciidan ee maxkamadaha iyo dowladda KMG ah.

 

 

Ciidamadaan uu wato barre Hiiraale ayaa ilo ku dhow dhow waxa ay sheegayaan in ay ku wajhan yihiin degaano ka tirsan degmasa Saakow, halkaasi oo ay doonayaan in fariisimo ay kaga duulaan Kismaayo ay ka sameystaan.

 

Dhinaca kale Sarkaal u hadlay Ciidamada Barre Hiiraale ee xalay ka ambabaxay degmada Baardheere ayaa beeniyay in col. Barre Hiiraale uu la socdo ciidamada, inkastoo warar xog ogaal ah ay xaqiijinayaan in coleenlka uu hor boodayo ciidamada.

 

CNM

 

Xafiiska wararka Allceeldheer Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale oo horkacayo maleeshiyooyin iyo gaadiidka dagaalka oo xalay u ambabaxay dhinaca gobolada Jubbooyinka.

 

October-14- 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia

 

Maleeshiyooyin iyo gaadiidka dagaalka oo uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay u ambabaxeen dhinaca gobolada Jubbooyinka halkaas oo muddooyinkan ay ka jirtay xiisado colaadeed oo u dhaxeeya maxaakiimta Islaamiga iyo isbaheysigii dooxadda jubba.

 

Kolonyadan uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale oo ay ka mid ahaayeen xubna ka tirsan mas'uuliyiintii isbaheysigi burburay dooxadda jubba ayaa xalay saqdii dhaxe ka ambabaxay degmada Baardheere iyagoo ku sii jeeda dhinaca deegaano ku teedsan gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan wasiirka.

 

Xubnaha uu horkacayo wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Abuunduulaha ciidamada Juubooyinka C/laahi Sh. Ismaaciil Fartaag iyo saraakil kale iyadoo xalay dhqdhaqaaqooda ciidan si weyn looga dareemay guud ahaan deegaanada gudaha iyo duleedka magaalada iyadoo heegan la galiyey boqolaal maleeshiyaad ah kuwaas oo xerooyin looga sameeyey duleedka magaalada.

 

Abaanduulaha ciidamada Jubbooyinka C/laahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo xalay HornAfrik ay wax ka weydiisay socdaalkooda ayaa isagoo ka gaabsaday inuu wareysi bixiyo sheegay in safarkooda uu qeyb ka yahay waxa uu ugu yeeray howl maalmeedka ciidamada Jubbooyinka waa sida hadalka uu u dhigaye.

 

Ma cadda halka iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka xubnaha wasiirka oo dhawaanahan ku suganaa magaalada Baardheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

HA, Saaxiiboow waxyaabahaan NAFAQO D. ayaa la dhihi jiray waagii siyaasadda iigu dambeysay.

marka xoogaa nafta way qaboojiyaan laakiin waa HUUHAA lama rumeysto.

 

Maleeshiyadii uu BARRE watay anaa la ii sheegay DANUUNAAY bay bahashu ku cunaysaa, marka saaxiiboow NAFAQADA naga tartiibi oo bal xal iyo wax aan raadinno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Kismaayo ma Kathmandu beey noqotey talow, Horn. Meeshu la maba gaaro miyaa iyada horta; waa tan in muda ah loo sii socdo jihada ay naga jirto e'. Mar nala yiraahdo Ciimdamada sida Raxxa u duula ayaa Beerxaani ka soo haadi doona oo Kismaayo qabsan doona iyo mar nalagu yiraahdo Barre dhankaa iyo Baar-dheere ayuu si xawaareysan rogaal-celis uga soo guuxaya ayey sheekadu ka badin la'dahay. War nimanyahow ama goobta soo kadaloobsada sidii dagaalyahanka lagu yiqiin, amba goodigan joogtada ah naga jooja, feejignaanta badan ee aad la geliseen ayaanba la ladi weynay e' :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Lol. Adeer Morgan rageedii buu ahaa. He wasn't called 'The General of the Jungle' for no reason. But I guess that title is set to become Barre's in a shortwhile smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^True, but I get the feeling it is foregone conclusion that's gonna play itself out to horrifying end, and when it's all over, neither those that battled nor those of us are just bystanders would know why so many young men had to be needlessly sacrified. Talk about being the defective gene in the human race. We are simply pathetic!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

hey we know that clan always fails when they try 2 fight the clan courts from mogadisho

 

barre can try but ma soo dhaafayo jubbada dhexe

if he wants the clan courts can chase him out of somalia tottally but we will wait till the end of holy month of ramadan then we will see

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maleeshiyadii Barre Hiiraale oo gaartay qeybo ka mid ah J/dhexe

 

 

Baardheere 15, Oct.06 ( Sh.M.Network) Maleeshiyadii uu hogaaminayay wasiirka G/dhiga dowladda KMG ah ee Somalia Col. barre Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen deegaano ku dhow degmafa Saakow ee gobolka J/dhexe.

 

Warar shabelle ay ka heshay ilo ku dhow dhow Col. Barre Hiiraale ayaa sheegaya in colneelka iyo ciidamadiisa ay gaareen deegaano ku dhow dhow degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay fariisimo ay ka sameysteen ciidamo taabacsan wasiirka.

 

Degmada Baardheere ayaa si weyn looga dareemay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolada Jubooyinka, iyadoo dadka intiisa badan ay ku tilmaameen mid aan laga fursan doonin dagaal qaraar oo dhex mara Maxkamadaha iyo ciidamada barre Hiiraale.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha Barre Hiiraale ayaa wali ku adkeysanaya in aanu wax wada hadal ah ka gali doonin arimaha magaalada Kismaayo.

 

 

 

Axmed Cumar Saalixi

 

Shabelle Media Network Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Paragon:

Kismaayo ma Kathmandu beey noqotey talow, Horn. Meeshu la maba gaaro miyaa iyada horta; waa tan in muda ah loo sii socdo jihada ay naga jirto e'. Mar nala yiraahdo Ciimdamada sida Raxxa u duula ayaa Beerxaani ka soo haadi doona oo Kismaayo qabsan doona iyo mar nalagu yiraahdo Barre dhankaa iyo Baar-dheere ayuu si xawaareysan rogaal-celis uga soo guuxaya ayey sheekadu ka badin la'dahay. War nimanyahow ama goobta soo kadaloobsada sidii dagaalyahanka lagu yiqiin, amba goodigan joogtada ah naga jooja, feejignaanta badan ee aad la geliseen ayaanba la ladi weynay e'
:D
.

:D:D Paragon, You are funny

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this