Sign in to follow this  
Jumatatu

USC warlords unanimously welcome the new governtment..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Xildhibaanada Beesha USC oo maanta isku raacay in ay dowladda cusub ee Soomaaliya ka kaxeeyaan Dalka Kenya

 

Arbaco, November 24, 2004 (HOL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in maanta shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen Xildhibaanada Beesha ****** ay isku raaceen in ay dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisay ay ka kaxeeyaan dalka Kenya, isla markaana ay geeyaan dalka Soomaaliya.

 

Shirkan oo ay ka wada qeybgaleen dhammaanba Xildhibaanada beelaha Hawiyaha ayaa waxaa gogooshiisa dhigay Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo horay ugu guuleystay in uu heshiisiiyo Xildhibaanada beelaha Hiraab, iyadoo shirkan maantana uu ahaa kii ugu dambeeyay ee ay ku heshiinayeen Xildhibaanada beesha Hawiyaha oo iyada la sheego in ay tahay tan furaha u ah xal laga gaaro arrinta Soomaaliya.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ay Xildhibaanada Beesha Hawiyaha u doorteen in uu shirkan Afhayeen ugu noqdo ayaa hadal ka jeediyay shirka isagoo warbixin siinayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna Qanyare caddeeyay in haddii ay yihiin Xildhibaanadii Beesha ****** ay diyaar u yihiin in ay dowladda geeyaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda, ayna la shaqeeyaan.

 

Waxaa Xusid mudneyd in ay shirka isku cafiyeen xildhibaano ka wada tirsan beesha Hawiyaha, kuwaasi oo xurguf hoose u dhaxeysay, waxaana ka mid ahaa Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare, iyadoo Maxamed Qanyarena uu caddeeyay in aysan jirin qof uu si gaar ah wax ugu qabo balse cabashadiisa ay ahayd in ay wax isku fasho beesha ****** .

 

Beelaha kale ee Soomaaliyeed ayay beesha Hawiyaha ka codsatay in ay sideeda oo kale heshiis ka gaarto wixii khilaafaad ah ee ka dhex jiro, isla markaana ay dowladda ku soo garab galaan taageero buuxda, iyadoo shirkan looga dhawaajiyay in waqtiga ay heysato dowladda Soomaaliyeed in ay ku sii joogto dalka Kenya uu yahay mid aad u yar.

 

Dabcan taageerada ay dowladda u fidinayaan Xildhibaanada beesha ****** ayaa ah mid loo baahan yahay, waa haddii ay dhab ka tahay hoggaamiye kooxeedyadii Xildhibaanada noqday ee beesha ****** horboodaya.

 

Dadka Arrimaha Siyaasadda ka faallooda ayaa sheegaya in taageero ay soo jeediyaan xildhibaanada beelaha Soomaalida aysan waxba ahayn, hasyeeshee uu xaalku si kale noqon doono marka la gaaro soo magacaabidda golaha Wasiirrada, xiligaasoo ay hoggaamiyayaasha qaarkood weyn doonaan xilal ay hadda ku sii tashanayaan in ay qaban doonaan, waxaanse leenahay yaanan ka hordhicin oo aan sugno sida ay wax noqdaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

There is a light by the end of the tunnel. All 61 of them deserve nothing more or nothing less than new blouses and bra's

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Glad to hear this and hope they mean what they say..

 

let's pray this new Gov works insha Allah...so we can go back safe and sound na'mean...

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

If I am not mistaken this is the first positive article you've posted. Good to see you've finally come around.

 

Welcome on board, mate. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Bari_Nomad:

If I am not mistaken this is the first positive article you've posted. Good to see you've finally come around.

 

Welcome on board, mate.
:D

Loool...thanx...but go and get your specs and read again sxb...! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

u know what say! action speaks more than loud words! i amna hold my breath till i see the actions! how about you!!

 

but first though! can we get a real election in the homeland...not in a hotel in some foreign land!!holly smoke!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this