Sign in to follow this  
Abdi2005

Villa Somaliya oo lagu warejiyey Maxkamadaha

Recommended Posts

Abdi2005   

Warar goor dhoweyd aanu ka helnay xaruntii hore ee Villa Somalia oo ay 16-kii sano ee ugu dambeysay gacanta ku hayeen maleeshiyooyin ka amar qaadan jiray isbaheysigii SNA ayaa maanta si nabdoon loogu wareejiyay golaha maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho.

 

Wareejinta Villa Somalia ayaa ka dambeysay kadib wadahalo xiriir ah oo maalmihii tegay u soconayay mas'uuliyiinta isbaheysiga SNA iyo kuwo ka tirsan maxkamadaha midoobay ee Muqdisho, waxaan galabta lagu guuleystay in hubkii iyo furayaashii Villada ay wareejiyaan taageerayaasha wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare kuxigeenka dowladda Xuseen Max'ed Faarax Ceydiid, waxayna wararka qaar sheegayaan in Xuseen Ceydiid uu la socdo la wareegida Villada ee maxkamadaha.

 

Ku dhowaad 10 ka tirsan gaadiidka Tiknikada ee maxkadaha ayaa galabta galay gudaha Madaxtooyada iyadoo aysan jirin cid ka hor timid, waxaana sidoo kale wararka tilmaamayaan in inta badan hubkii ku jiray Bakhaarada Villa Somalia horey loola sii baxay.

 

Si rasmi ah looma shaacin tirada gaadiidka lagala wareegay taageerayaasha isbaheysiga, waxaase xaruntaasi dhex yiilay hub faro badan oo ay ka mid ahaayeen gaadiid Beebe-yaal ay Xuseen Ceydiid uu sanadihii 1998-di kala wareegay ciidadii Oromada ahaa ee Muqdisho yimid iyo weliba Tikniko dagaal oo aad u tiro badan.

www.harardhere.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this