Sign in to follow this  
General Duke

Beledewyne: Governer+Minister+new army

Recommended Posts

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan: “lagama hor joogsan karo ciidanka Puntland gobolka Hiiraanâ€

 

Jawhar - 29.July.2005 Guddoomiyaha cusub ee ay dawladda federaalka Soomaaliyeed u magacawday gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa war uu ka soo saaray magaalada Jawhar, ku sheegay in aan gobolka Hiiran laga hor istaagi karin ciidamada Puntland oo uu ku tilmaamay guddoomiyuhu “ciidan Soomaaliyeed oo hawlgal qaran ku jira, gobolka Hiiraanna aan laga xiginâ€.

 

Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ciidan Puntland ah oo ka gudbi lahaa gobolkaas si ay u gaaraan magaalada Jawhar, ay dabley hubaysani u gashay dhexda.

 

Yuusuf Axmed Hagar waxaa uu sheegay in uu Hiiraan yahay gobol Soomaaliyeed oo ay cid kastaa imaan karto, ayna jiraan dad doonaya in ay khalkhal iyo mugdi geliyaan taabba galnimada dawladda federaalka Soomaaliyeed waxana uu sheegay in laga guulaysan doono aakhirka.

 

Ma uu ka hadlayey guddoomiyenimadiisa, waxaa uu sheegay in ay tahay mid sharci ah dadweynaha gobolka Hiiraanna ay taageersan yihiin.

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladweyn:Wasiir kuxigeenka hubkadhigista malleeshiyooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay Baladwayne , muxuuse kaga hadlay?.

- Saturday, July 30, 2005 at 15:49

 

Baladwayn(AllPuntland)- Maalmihii ina dhaafay waxaa warbaahinta Soomaalidu wax ka qorayeen ciidamo ka tagay Puntland oo fariisimo ka dhigtay magaalada Baladwayn iyo meelo kamid ah gobolka Hiiraan.

 

Ciidamadaasi ayaa sidoo kale lasheegay in ay iska horyimaadeen ciidamo kale oo ay dhibaatooyin aan badnayn isku gaysteen.

 

Hadaba wasiir kuxigeenka hubkadhigista malleeshiyoooyinka Soomaaliyeed Cali Jayte Cusmaan ayaa shir jaraa’id oo uu arimahaasi uga hadlayo ku qabtay magaalada Baladwayne ee gobolka Hiiraan.

 

 

Mud: Jayte wuxuu sheegay inaan marka horeba la oran Karin ciidan Puntland baa jooga Baladwayne hase ahaatee ay yihiin ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

 

Wuxuu kaloo wasiirku beeniyay war uu ku tilmaamay mid ah saxaafadda qaarkeed buun buunisay oo ah in iska hor imaad uu dhacay , wuxuu xusay in aysan wax dagaal ah ama isk hor imaad ah uusan ka dhicin gobolka Hiiraan..

 

Wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamada xoogga dalka meel walboo ay kayimaadaanba ay xiriir leeyihiin kulamana ay maalinwalba yeeshaan.

 

Dhinaca malleeshiyooyinka baladwayne lagu xereeyay ee laga soo uruuriyay gobolka Hiiraan ayuu ku sheegay inay gaarayaan 1,500 oo nin , waxaana haatan ay ku jiraan xerada DHAAYFII.

 

Mud: Jayte wuxuu sheegay in ciidankaasi la xereeyay loo magacaabay horjooge magaciisu yahay Ibraahim Cali Dhayte.

 

Wasiir kuxigeenka hub kadhigista malleeshiyooyinka ayaa maalintii shalay ahayd kayimid magaalada Jowhar oo maalmahan kawaday hawlaha uu dawladda u hayo.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

CIIDAMADA LOO QORAYO DOWLADA FADERAALKA SOOMAALIYEED OO LOO BALAN QAADAY LACAG GAAREYSA 250$ ASAKARIGIIBA.

 

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji iyo guddi saraakiil ah oo kus ugan Xerada lama galaay ee B/weyne oo ay ka socoto howl lagu diiwaan galinayo ciidamadii hore ee ka tirsanaa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay sii cagacageynayay 350 askari iyadoo dhinaca kale bar bar socoto diiwaan galinta maleesgiyooyinka hubaysan kuwaasoo marka la soo dhameeyo la tababari doono iyadoo inta xiligaan la diiwaan galiyaya gaarayso 170 maleeshiyo ah.

 

Dhinaca kale wararika laga helayo wasaarada gaashaandhiga dowlada faderaalka KMG ah Soomaaliya ayaa sheegaya in aslarigii kasta ay dowladu u balan qaaday in mushaar ahana loo siin doono 250$(labo boqol iyo konton Doolar) oo look ala siin doono 150 cadaan ah iyo 100 raashin waxaana lku sii qul qulaya B/weyne saraakiishii,saraakiil xigeenkii,alifleydii iyo debleydii ka tirsanayd ciidanka xooga dalka soomaaliyeed kuw-aasoo doonaya inay is diiw-aan galiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolka Shabeelada Dhexe oo uu Maamulo Mudane Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere, ayaa la qorsheeyay in laga Hirgaliyo Laba saldhig Milatery oo Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed ay Yeelanayso

 

Posted by : webmaster on Saturday, July 30, 2005 - 08:58 AM

 

Bartilmaameedka Koowaad ee Ciidamo ay yeelan doonto Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa la sheegay inuu noqon doono degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kalena Saldhig Labaad ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah uu noqon doono halka loo yaqaano Kongo oo dhinaca magaalada Muqdisho soo xigta marka aad ka soo baxdo Jowhar.

 

Wararka laga helayo Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Jowhar ayaa waxay sheegayan in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya haatan qorsheeyeen in Labadaas saldhig sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayactiro.

 

Saldhiga Kongo oo ah halka ay hadda ka ilaaliyaan Ciidamada Maamulka Maxamed Dheere Gobolka shabeelaha dhexe iyo ammaanka magaalada Jowhar ayaa noqon doona mid tababar lagu siiyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, siyadoo taliska guud ahaan doono magaalada Jowhar.

 

Degmada Mahadaay waxaa ku tiila Warshad Sameyn jirtay Rasaasta ayaa hadda la qorsheeyay in laga dhigo Saldhiga Ciidamada dowladda xareyn doonta.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

XAALADDA SIYAASADEED EE GOBOLKA HIIRAAN OO HADDA MEEL AAD IYO AAD U BA’AN MARAYSA.

 

Waxa jiray maalmahan is afgaranwaa ba’an oo ku saabsan xaaladda dhaq dhaqaaqa ciidanka ka yimid dowlad goboleedka Puntland ee jooga degmada Feer Feer ee ka tirsan Dhulka Somalida Ethiopia, taasoo ay dhacday dhowr jeer in ay si lama filaan ah u soo galayeen degmda Belede wyne ciidankan, gaar ahaan labadii maalmood ee ugu dambeysay.

 

 

 

Maalintii shalayto ahayd ayaa koox ka mid ah ciidamadan si lamafilaan ah u soo galeen Beled weyne wallow aysan ahayn ciidan badan, waxayna wadeen nin darawal ah oo dhaawac ah oo ay isla markiiba ku leexiyeen xarun bukaan socod eegto oo si gaar ah loo leeyahay.

 

 

 

Maanta ayaa sidoo kale isla ciidankan oo sitay laba gaari ay maleeshiyooyin aanan cidina ka amar qaadanin ay ku qabsadeen meel u dhexeysa kala bayrka iyo degaanka Ceel Gaal oo qiyaas ahaan 15Km u jira degmada Beled weyne. Ciidankan ayaa waxa laga qaatay hal qori iyo hal bistoolad.

 

 

 

Aadan Cabdi Ciise “Garaaso†oo ah guddoomiyaha degmada beled ewyne oo u warramayay saxaafadda ayaa sheegay in markii ay la kulmeen ciidankan ay sheegteen inay harraad iyo biyo la’aan uga yimaadeen meesha ay joogooeen oo ay biyo iyo waxyaabo kale u soo doonteen Hiiraan. Waxa kale oo uu sheegay in laga qaatay qori iyo Bistoolad, bistooladdii isla meesha lagu siiyay beddelkeeda, qorigiina lagu maqanyahay.

 

 

 

Aadan Garaaso ayaa waxa uu intaa kudaray in ay kala hadleen arrimaha ay ka midka yihiin inay si kedis ah oo aan laga warqabin isaga soo galaan gobolka, oo ay ka la soo xiriireen maamulka gobolka.

 

 

Haddaba waxa sii kordhaya arrimahan is afgaran waaga ah ee ay ugu weyntahay ciidamadan labisan tuutaha oo iska soo gelayay Beled weyne, oo aan runtii wax awood ah oo dheeri ahna aysan ka muuqan dadka qaarkiisna ay si u dhibsanayaan, mana jiroto xilliga hadda cid si toos ah loogala hadli karo arrimahan.

 

 

 

Guddoomiyaha cusub ee gobolka ee dhowaan looga dhawaaqay Jowhasr Yuusuf Hagar ayaa ii sheegay in uu dhowaan iman doono Gobolka, arrimahan ciidamadana ay yihiin ciidamada dowladda federalka ah ee la doonayo in la qarameeyo dhowaan.

 

 

 

Ugu dambeyntii, waxa si weyn u muuqata is qabqabsiga maamuladan kala duwan ee cid waliba ay sheeganayso masuuliyad, haddana aysan waxba ka qaban Karin xattaa arrimaha ay u arkaan inay dhankooda dhibaato siyaasadeed iyo dhabarjab ay ku tahay.

 

 

Aadan Xasan Bashiir

 

Hiiraan Online, Hiiraan, Beled Weyne

 

adanuu68@yahoo.com

 

 

Mr. Pinocchio sxb these are not the words of tribally oriented propaganda machines of P/land media...it is coming straight from the horse's mouth...people of Hiiraan and their leader...not the one named by Geedi/Yeey. Mida kale sxb isku xishow, am getting tired of pointing out your fabrication on daily basis. Beentan isdaba jooga ah iska dhaf

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ As ever you are mistaken dera brother, and here is an audio from Minister Jayte of Beledweyne explainig why we should not belive the warlord media hype.. :D

 

Waraysi: Wasiir ku xigeenka Hub ka dhigista Maleeshiyaadka Soomaaliyeed Mudane Cali Jayte Cusmaan, ayaa ugu Baaqay Idaacada Honafrik in aysan ka beensheegin Xaqiiqda dhabta ah, ee ka jirta Gobolka Hiiraan Magaalada Baladwayne

Posted by : webmaster on Sunday, July 31, 2005 - 02:27 AM

 

Halkaan ka Dhagayso Waraysiga

 

Audio of minister from Hiiraan..

 

Mudane Jayte oo isagu ka hadlaayay Wararkii dacaayada ahaa ee laga fidiyay Gobolka hiiraan ayaa ka bixiyay faah faahin dheeraad ah markale. isaga oo kusugan Magaalada Baladwayne.

 

Wasiir kuxigeenku waxa uu ugu baaqay marka hore, Idaacada Hornafrik in aysan ahayn Siyaasi ee ay tahay Idaacad la dhagaysto, haboon tahayna xaqiiqda jirta in ay sheegto, ee aysan Buun buunin wax aan jirin.

 

Wasiir kuxigeenku waxa uu sheegay dagaaladii la sheegay in ay ka dhaceen Gobolka Hiiraan,hadiiba ay jiraan in khasaare imaan lahaa, taas micnaheeduna yahay in aan wax dagaal ahiba dhicin.

 

Wasiirku kuxigeenku waxa uu sheegay, in ay jiraan Ciidamo ka yimidGoboladaPuntlland, yimidna Magaalada Baladwayne iyaga oo watay Booyad ay Biyo ku doonayeen, wax dhibaata ah oo ay la kulmeen iyo wax dagaala oo dhacayna aysan jirin, xaqna u leeyihiin in ay magaalada yimaadaan.

 

Wasiir kuxigeenku waxa kale oo uu sheegay in loo gudbay Qaran, oo laga tagay Jabhadayntii, hadii Qaran loo gudbayna loo baahan yahay Ciidan Qaran.

 

Wasiir kuxigeenku waxa uu tilmaamay in dadka diidan Ciidan Qaran, aysan doonayn Qaranimadii Soomaaliyeed, ayna tahay in aan laga hortago.

 

Wasiir ku xigeenku waxa uu tilmaamay in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed meel walba, iyo dagma walba la gaynayo, cid ka hor imaan karta iyo cid diidi kartaana aysan jirin.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Ciidamadii ka yimid Puntland ee joogay Feerfeer oo la filayo in ay aadaan Xudur kadib markii khilaaf soo kala dhex galay ayaga iyo maleeshiya reer Hiiraan ah. Ruunkinet 29/07/05

 

Maleeshiya taageersan madaxweyne Yuusuf oo ku sugan Feerfeer ayaa la sheegay in ay dhawaan aadi doonaa dhinaca magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

 

Maleeshiyadan oo tiradoodu lagu sheegay in ay dhan yihiin 1300 ruux oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman iyo hub kale oo kala duwan ayaa lagu waday in ay yimaadaan magaalada Jowhar ee uu ka taliyo Maxamed Dheere.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in uu qorshahoodu ahaa in ay yimaadaan magaalada Beledweyne si ay ugu sii gudbaan magaalada Jowhar oo uu haatan ku sugan yahay Co. Cabdullahi Yuusuf madaxweynaha Soomaaliya oo ay ilaaliyaan maleeshiya ay isku jufo yihiin Maxamed Dheere.

 

Qaar ka tirsan maleeshiyada beesha Xawaadle ayaa la sheegay inay shalay isku dhaceen maleeshiyada ka timid Puntand oo biyo u soo doonatay Ceel Gaal in kastoo ay wararka qaar sheegayaan in ay sahan ahaayeen si ay u hubiyaan cududda ka hor imaan karta marka ay doonayaan in ay xoog ku maraan wadada u dhexeysa Beledweyne iyo Jowhar.

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Nin dhawaan ay qaar ka tirsan dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ay u magacaabeen guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa xalay marti qaaday qaar ka tirsan maleeshiya ka soo jeedda Puntland oo taageeran madaxweyne Yuusuf kadibna bililiqeystay hubkii iyo gaarigii ay wateen. Ruunkinet 28/07/05

Nin lagu magacaabo Cali Cabdi Mahadalle oo ay dhawaan ku magacabaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan qaar ka tirsan taageerayaashiisa ayaa la sheegay in uu ka furtay qoryo, saanad iyo gaari ay wateen maleeshiya taageersan madaxweyne Yuusuf oo ka soo jeeda gobollada Puntland.

 

Mar aan dhawaan la xiriirnay wax garad reer Hiiraan ah oo jooga magaalada Beledweyne ayaa noo sheegeen in uu mudane Cali Cabdi martiqaad ugu fidiyay maleeshiyadan si ay u yimaadaan magaalada Beledweyne.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in markii ay soo gaareen magaalada Beledweyne maleeshiyadan uu martiqaaday mudane Cali Cabdi oo ka mid ah 4ta guddoomiye ee sheegata in ay Hiiraan masúul ka yihiin kadibna geeyay meel aan ka fogeyn magaalada uuna ka qaatay gaarigii ay wateen iyo qoryahoodiiba.

 

Weli lama xaqiijin in uu mudane Mahadalle xabsiga dhigay maleeshiyadan iyo in uu sii daayay.

 

Warar kale oo aan dhowr daqiiqadood ka hor helnay ayaa sheegaya in tuulada Ceel Gaal maanta lagu dhacay gaari booyad ah iyo qori iyo bastoolad ay wateen maleeshiya ka timid Feerfeer oo halkaasi biyo u soo raadsatay.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in gaarigii booyadda ahaa la soo celiyay balse ay weli maqan yihiin qorigi yo bastooladdi.

 

""Siyaasiyiinta reer Hiiraan oo si weyn u kala qeybsan dartoood ayaa sababtay in ay qowsaar u kale noqdaan siyaasiyiin kale", ayuu yiri oday joogay magaalada Beledweyne oo magaciisa codsaday in la qariyo mar aan maata wareysanna xaaladda ay ku sugan tahay Beledweyne.

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaytee is in Jowhar, what does that tell u?

Tells you Jowhar is the capital of Somalia.. :D

Yet General Naji and the deputy defence minister with Jayte were in Beledweyne a few days ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Duke, Adigey qiimo kula leedahay where the capital is, others are quite happy with the arrangement, have you thought about that? The further away the disputed government is, the better runtii. What makes a town a town is not a government basing its institutions in it but rather the people who live in the town, and the reer xamars have done quite well lately for themselves. Adaaba dowladda la sheegaayo u heellan saxib, for others, shiddey la soo socotaa. Laba kala baridey kala war la'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade, I beg your pardon but do you know what the definition of a capital is? Mogadishu was the capital of Somalia but since 1991 it has just been the biggest city in the country..

Once you undertsand that then everything else will become clear. NewYork and LA are bigger than Washington but they are not the capital.

 

Mogadishu will once again be the capital insha Allah once the government of Somalia is based there perminently.. For now its the biggest city and former capital and no ammount of emotive langauage can change that truth..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

Jowhar is the capital of Somalia..

36_20_1.gif

 

Wonder how much more mesmerized you can get. And as for Gen.Naaji call adeero and he will tell you was on a fasttrack back to Jowhar after that lil skirmish in Fer-fer. But then again you have a habit of clinging on to false hope and fantasised situation, so sxb will wait untill you fall down to earth, and record shows you have had downfalls numerous times .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Lol, A few days ago you was certain that the government could not be based in Jowhar and was high on rhetoric. Today you are putting all your bets on a supposed incident in feer-feer. What we have here is a government growing everyday with clear programm of recreating the armed forces, it has the support of the people, and what have the desperate opposition? The hope that another civil war will happen... Its getting hot in hells kitchen..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this