Sign in to follow this  
General Duke

Landmark conference proves Mogadishu is once again the capital for all Somali's:PICS

Recommended Posts

Shirweynihi Qaran Oo Lasoo Gabagabeeyay Maanta

Muqdisho, Somaliya (Calanka) 30-Agosto-2007

 

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha ee mudada 45 cisho ugu socday ergooyinkamagaalada Muqdisho iyadoo munaasabadaasna ay ka soo qeybgaleen Madaxweynaha DF Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe iyo xubno ka socday Q/Midoobay oo uu hoggaaminayey Francius Fall, Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka dowladda Itoobiya Maxamuud Dirir, Wasiirul Dowlaha arrimaha dibada Kenya, wakiilo ka kala socday ururka Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Masar, Shiinaha, Norwey Biljimka iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiyaha guddiga Shir guddoonka dib u heshiisiinta beelaha Md. Cali Mahdi Maxamed oo halkaasi ugu horeyn faah faahin ka jeediyay ayaa ku dhawaaqay in shirka lagu gaaray guulo wax ku ool ah ayna ka soo baxeen qodobo aas aaas u ah heshiisyo dhex maray beelaha Soomaaliyeed, iyadoo xeritaanka shirka aysan macnaheedu aheyn in dib u heshiisiintu xeran tahay, waxayna ku sii socon doontaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka.

 

“Qodobadii ay beeluhu ku heshiiyeen iyadoo Documenti qoraal ah ayaan u gudbinay Madaxweynaha inagoo rajeyneyna in madaxda dowladda ay dhinacooda ka wadi doonaan dhinaca wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, waxaana mar kale ugu baaqeynaa kooxaha ka horjeeda siyaasada dowladda iney dhinacooda wada hadalka ugu soo qeybgalaan iyagoo fiirinaya danta shacabka Soomaaliyeed” , ayuu yiri mudane Cali Mahdi.

 

 

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkan iyo natiijada ka soo baxda ay guul u tahay dowladda Federaalka oo iyadu xiligan iyo wixii ka horeeyayba guntiga u xeratay howlaha baaxada leh ee horyaala kadib burburki, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ku tallaabsatay dhabo cad oo wax ka qabaneysa sugida amaanka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u howlgelinta adeegyadii guud ee bulshada.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii ugu horeeyay ee Soomaaliya gudahiisa ka dhaca oo ay Soomaali soo qaban qaabisay wuxuuna sheegay in ay jiraan kooxo dibada ku maqan oo wade qorshe iyo shirar lagu fashilinayo kan dib u heshiisiinta kuwaasoo uu ugu baaqay in ay ku soo biiraan wadatashiga iyo dib u heshiisiinta ka socota gudaha dalka.

 

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed hadal kooban halkaasi ka jeediyay isagoo ugu horeyn mahad naq u jeediyay ergooyinka shirka ka qeybgalay iyo guddigii intaasi soo waday howsha dib u heshiisiinta, wuxuuna ka codsaday ergooyinka iney dib u heshiisiinta ballaariyaan oo ay gaarsiiyaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

 

“Waxaa jira dad doonaya iney dagaal iyo xoog ay wax ku raadiyaan, kuma deg degi laheyn hadey garanayaandhibaatada uu dagaalka leeyahay,mana jirto wax guul ah oo lagu gaaray, waxaana leeyahay hadaad wax isku heysaan doorasho baa la qaban doonaa marka dowladda xiligeeda dhamaado, diyaar ayaana u ahay inaan xilka ku wareejiyo cidii la doorto”, ayuu yiri Madaxweyne C/Yuusuf.

 

Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka Maxamuud Dirir ayaa mahad celin kadib gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in aanu dowladda Itoobiya dooneyn in ay ciidamadeeda ka bixin gudaha Soomaaliya oo ay rabto iney sii joogto ama Itoobiya aysan rabin in dowlad xoog leh ay ka dhalato, taasoo uu ku tilmaamay dacaayad raqiis ah wuxuuna caddeeyay in dowladdiisa ay rabto deganaanshaha Soomaaliya oo ay ka hirgasho dowlad hanata amanka taasoo dan ugu jirto wadamada gobolka iyo beesha caalamka.

 

Wakiil ka socday dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo Sam Seng ayaa madasha shirka ka caddeeyay in dowladda Shiinuhu ay ugu deeqday dalka Soomaaliya hal Milyan oo Dollar oo loogu talagalay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska.

 

Waxaa kale oo madasha shirka hadalo kookooban oo isugu jiray mahadnaq, dhiiri gelin iyo balan qaadyo kaalmooyin dhaqaale ka jeediyay qaar ka tirsan diblumaasiyiintii ka socotay beesha caalamka, kuwaasoo amaankooda si weyn ay u sugayeen ciidamada Ugandha kadib ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

 

Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/raxmaan Shift “Shirkii dib u heshiisiintu nataa’ij waaweyn oo guul umadeed xambaarsan ayuu soo saaray”

C/raxmaan maxamuud Jimcaale (Shift) oo ahaa afhayeenkii kulanweynihii dib u heshisiinta qaranka Soomaaliyeed ee shalay soo dhamaaday ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray shirkaasi,aysana jirin cid iska in dhatiri karta .

 

 

 

“Shirkii dib u hesisiintu nataa’ij waaweyn oo guul umadeed xambaarsan ayuu soosaaray mana jirto cid iska indha tiri karta”ayuu yiri afhayeenkii shirkaasi C/raxmaan Shift oo saxaafadda la hadlayay .

 

Waxaa cabdiraxmaan Shift uu intaa ku daray in markiisii horaba shirkaasi uu ku yimid rabitaanka shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu meelmarinayay baahi ay shacabka Soomaaliyeed u qabeen nabad waarta in ay helaan.

 

“Shirkaasi ma ahayan mid dad xil ka qaadayay dadna xil siinayay ee wuxuu ahaa mid isu calool fayoobi Soomaaliyeed lagu baadi goobayay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay C/raxmaan Shift oo sheegay in hamigii laga lahaa shirkaa laga gaaray maadama beelaha Soomaaliyeed ay is cafin guud ku dhaqaaqeen.

 

“Wadanku wuxuu u baahday talo,markii madaxweynaha Soomaaliya uu shirkaa ku dhawaaqayayna taa macneheedu waxaa uu ahaa in dadka wax garadka ahee Soomaliyeed talo la weydiiyo,taladaana lagu wada shaqeeyo”ayuu yiri C/raxman shirft oo intaa ku daray in kaddib uu shirku arrimahaa oo dhan maareeyay guushuna ay tahay mid aan la dafiri Karin oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska warqabadka shaabakadda wrarka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Historic indeed, thank you Duke for the report.

 

Mugadishu is getting back to its old glory days, Masha'allah beautiful pictures and full of foreign diplomats.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A landmark achievement indeed. The NRC has shown, that Somalis can make peace amongst each other with nominal International interference, support and that inside Somalia, Mogadishu of all places.

 

Welcome Somali peace, many thanks to the many delegates who have participiated in this landmark conference to rivitalise the country once again.

 

Humanity, Sanity

Hamar Happily at peace

Love, Peace and Fraternity

My people smiling with ease

The tribes in agreement

With olive leaves in their hands

What a great assignment

The Kings put the wars to ends

Lurking in the shadows is Al-Shabaab

with bombs, they're the Somali Habaab

They will be killed or send to Al-dadaab

So don't follow their hideous lies

They're takfiris with a good disguise

Kharijees of the modern day Khawarij

Extremists who do not anything about the religion

Only takfeer,condemnation, mayhem, murder, mayhem, civil chaos and savagery

is all they know best.

May God save us from their murderous trait actions

and extremism as Islam is pure, strange in its original form but certainly not vile, inhumane, indiscriminate and certainly not extreme!

 

This is a historic achievement which will be one of the stepping grounds to achieving the ultimate, which is governance and peace in Somalia. It is a historic landmark that will be recorded on gold in the forthcoming history books of our nation.

 

1. Hamar is a another name for Mogadishu

 

2. Al-Shabaab is a takfiri movement of murdereres and killers, who kill people indiscriminatly without any political purpose or consideration or any other useful political or religious goal. They kill for killings sake.

 

3. Habaab or "Habaab-marin" is a Somali word which means "misleading" someone or smth and thats what Al-Shabaab is doing they try to mislead the Somali people and nation into an utopia and assumed occupation that does not exist.

 

4. Al-Dadaab is a refugee camp for Somalis in Kenya and one of the first entry points into Kenya, it's symbolic we don't want to send our own criminals and murderers into our neighbours peaceful countrrz but what is trying to say is they will be either killed or send into exile.

 

5. takfeer is a process of declaring someone a unbeliever for simply making 'mistakes' or sins in other words it is used to justify the killing of a muslim who has 'sinned' without the necessary jurisdiction in place by private people and pseudo religious groups with little religious training. When used against muslims it opens a gate for fitn or fitnah, great human trials, tribulations and suffering because any group or persons can accuse anyone of being a kafir without any justification.Takfeer has "shuruuds" and cannot be easily applied on muslims because one the sole reason that they sinned or that they're not ruling by the laws of God, the Quraan and Sunnah of the Prophet peace and blessings be upon him.

 

6. Kharijees or khawarig were the first group who started the great trials and tribulations within Al-Islaam, the first dissident group who rejected everything for rejections sake. They started killing innocent people and declaring people disbelievers including the rulers without any religious justification. Al-Shabaab is just an offspring and a modern day version of the Khawarij. They include radical organisations and groups such as Al-Hijra wa Takfeer (Hassan Turki' people, very dangerous living in isolation) and ofcourse the much famed Al-Qaeda terrorist organisation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^^

Your word,,,

 

2. Al-Shabaab is a takfiri movement of murdereres and killers, who kill people indiscriminatly without any political purpose or consideration or any other useful political or religious goal. They kill for killings sake.

5. takfeer is a process of declaring someone a unbeliever for simply making 'mistakes' or sins in other words it is used to justify the killing of a muslim who has 'sinned' without the necessary jurisdiction in place
by private people
and pseudo religious groups
with little religious training
.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this