Sign in to follow this  
General Duke

Landmark conference proves Mogadishu is once again the capital for all Somali's:PICS

Recommended Posts

shirka07.jpg

 

Warbixin ku saabsan munaasabadii xeritaanka shirka dib u heshiisiinta iyo mas’uuliyiintii ka hadashay { 30 Aug 2007}

 

waxaa la daabacay Thu 30 Aug 2007 14: 35: 25

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha ee mudada 45 cisho ugu socday ergooyinkamagaalada Muqdisho iyadoo munaasabadaasna ay ka soo qeybgaleen Madaxweynaha DF Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe iyo xubno ka socday Q/Midoobay oo uu hoggaaminayey Francius Fall, Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka dowladda Itoobiya Maxamuud Dirir, Wasiirul Dowlaha arrimaha dibada Kenya, wakiilo ka kala socday ururka Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Masar, Shiinaha, Norwey Biljimka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha guddiga Shir guddoonka dib u heshiisiinta beelaha Md. Cali Mahdi Maxamed oo halkaasi ugu horeyn faah faahin ka jeediyay ayaa ku dhawaaqay in shirka lagu gaaray guulo wax ku ool ah ayna ka soo baxeen qodobo aas aaas u ah heshiisyo dhex maray beelaha Soomaaliyeed, iyadoo xeritaanka shirka aysan macnaheedu aheyn in dib u heshiisiintu xeran tahay, waxayna ku sii socon doontaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka.

 

“Qodobadii ay beeluhu ku heshiiyeen iyadoo Documenti qoraal ah ayaan u gudbinay Madaxweynaha inagoo rajeyneyna in madaxda dowladda ay dhinacooda ka wadi doonaan dhinaca wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, waxaana mar kale ugu baaqeynaa kooxaha ka horjeeda siyaasada dowladda iney dhinacooda wada hadalka ugu soo qeybgalaan iyagoo fiirinaya danta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Cali Mahdi.

 

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkan iyo natiijada ka soo baxda ay guul u tahay dowladda Federaalka oo iyadu xiligan iyo wixii ka horeeyayba guntiga u xeratay howlaha baaxada leh ee horyaala kadib burburki, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ku tallaabsatay dhabo cad oo wax ka qabaneysa sugida amaanka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u howlgelinta adeegyadii guud ee bulshada.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii ugu horeeyay ee Soomaaliya gudahiisa ka dhaca oo ay Soomaali soo qaban qaabisay wuxuuna sheegay in ay jiraan kooxo dibada ku maqan oo wade qorshe iyo shirar lagu fashilinayo kan dib u heshiisiinta kuwaasoo uu ugu baaqay in ay ku soo biiraan wadatashiga iyo dib u heshiisiinta ka socota gudaha dalka.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed hadal kooban halkaasi ka jeediyay isagoo ugu horeyn mahad naq u jeediyay ergooyinka shirka ka qeybgalay iyo guddigii intaasi soo waday howsha dib u heshiisiinta, wuxuuna ka codsaday ergooyinka iney dib u heshiisiinta ballaariyaan oo ay gaarsiiyaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

 

“Waxaa jira dad doonaya iney dagaal iyo xoog ay wax ku raadiyaan, kuma deg degi laheyn hadey garanayaandhibaatada uu dagaalka leeyahay,mana jirto wax guul ah oo lagu gaaray, waxaana leeyahay hadaad wax isku heysaan doorasho baa la qaban doonaa marka dowladda xiligeeda dhamaado, diyaar ayaana u ahay inaan xilka ku wareejiyo cidii la doorto” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

 

Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka Maxamuud Dirir ayaa mahad celin kadib gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in aanu dowladda Itoobiya dooneyn in ay ciidamadeeda ka bixin gudaha Soomaaliya oo ay rabto iney sii joogto ama Itoobiya aysan rabin in dowlad xoog leh ay ka dhalato, taasoo uu ku tilmaamay dacaayad raqiis ah wuxuuna caddeeyay in dowladdiisa ay rabto deganaanshaha Soomaaliya oo ay ka hirgasho dowlad hanata amanka taasoo dan ugu jirto wadamada gobolka iyo beesha caalamka.

 

Wakiil ka socday dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo Sam Seng ayaa madasha shirka ka caddeeyay in dowladda Shiinuhu ay ugu deeqday dalka Soomaaliya hal Milyan oo Dollar oo loogu talagalay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska.

 

Waxaa kale oo madasha shirka hadalo kookooban oo isugu jiray mahadnaq, dhiiri gelin iyo balan qaadyo kaalmooyin dhaqaale ka jeediyay qaar ka tirsan diblumaasiyiintii ka socotay beesha caalamka, kuwaasoo amaankooda si weyn ay u sugayeen ciidamada Ugandha kadib ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

 

Gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Munaasabadii shirka dib u heshiisiinta oo la soo gabagabeeyay

30. August 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa goor dhow xaruntii Ex-Gaadiidkii Booliska lagu soo gabagabeeyay munaasabad ballaaran oo lagu soo gabagabeynayey shirkii dib u heshiisiinta beelaha oo socday mudo 45 cisho ah iyadoo ay munaasabadan ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Federaalka, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha dowladda Prof. Cali Maxamed Geeddi, wasiiro, xildhibaano iyo wafuud ka socotay beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, wakiilka Xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francius Fall, Wasiirka dalxiiska iyo qaranka xukuumadda Itoobiya Maxamuud Dirir, Wasiirul Dowlaha arrimaha dibada ee Kenya iyo xubno kale oo lagu casuumay xaflada.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ka hadlayey munaasabadaas ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo doonaya iney dagaal wax ku raadiyaan xiligan, “ Taasi ma aha mid guul lagu gaarayo, waxaana ugu baaqeynaa in wada hadal iyo dib u heshiisiin wax dhaama aan la heleyn” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG ah oo ku dheeraaday ka hadalka shirka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka hadlayey xafladaasi ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay dhamaan intii gacanta ka geysatay kulanka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay ergooyinka deegaanadii ay ka yimaadeen ay ka sii wadaan dib u heshiisiinta.

 

“waxaa jira qolo dibada ku sugan oo xiligan wada abaabul lagu fashilinayo shirweynahan dib u heshiisiinta ee ah kii ugu horeeyay ee ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxay abaabulayaan shir dhawaan dhici doona oo ujeedo siyaasadeed leh” ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe oo aanan sheegin qolodaasi kuwa ay yihiin.

 

Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Md. Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi ka hadlayey ayaa isna sheegay in shirka laga soo saaray document-yo ku cad qodobada loogu heshiiyay shirka oo ay ku wareejiyeen Madaxweynaha dowladda Federaalka oo ay ku wareejiyeen, qodobada ku jiray qoraalkaasi ayuu sheegay iney ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed laga qaado afti iyo tiro koob hor dhac u ah doorasho dalka ka dhacda 2009-ka marka ay dhamaato xiliga jiritaanka dowladda Federaalka.

 

“Shirku wuxuu ahaa mid bilow muhiim leh waayo waa kii ugu horeeyay oo ay Soomaali qaban qaabiyaan kana dhaca dalka gudahiisa, waana sii socon doonaa wuxuuna gaarayaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka” ayuu yiri Md. Cali Mahdi oo kooxaha siyaasiyan ka soo horjeeda ugu baaqay in ay diyaar u yihhiin wada hadal ay la galaan dhinacooda.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo rasmi ahaa u soo xiray shirweynihii Dib u heshisiinta

 

Muqdisho 30 August, 2007. -NRC- Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay shirweynihii dib u heshiinta.

 

Shirka oo soo bilowday bartamihii Bishii July ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah iyadoo heshiis guud laga gaaray dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii dalka ka dhacay. waxaan xafladii xiritaanka shirweynaha ka soo qeyb galay ergada shirweynaha, guddoonka shirka, marti sharaf, dhammaan madaxda sare ee dowladda KMG ah iyo wufuud ka kala socotay Beesha caalamka, Q/Midoobay, dalalka deriska ah iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah wuxuu go'aanadii shirka ee talo soojeedinta ahaa ka guddoomay guddoomiyaha shirka Md. Cali Mahdi Maxamed, wuxuuna balan qaaday inay dowladu fulin dooto qodobadaasi. dhinaca kale wuxuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu baaqay kooxaha weli xoog talada ku doonaya inay ka waantoobaan oo haddii ay xukun rabaan doorashada la qaban doono 2009-ka ka soo qeyb galaan isuna diyaariyaan.

 

Madaxda dowladda KMG ah ee xaflada ka hadashay waxaa kamida Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Ra'iisal wasaaraha Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale, waxaa kaloo halkaasi khudbado ka jeediyay Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Francios Fall iyo xubno kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

shirka05.jpgKooxda baanbeeyda oo halkaasi ku soo bamdhigay gaado ka ciyaar, iyagoo qaadaya astaanta qaranka

 

shirka07.jpgErgooyinka shirka dib u heshiisiinta oo ku faraxsan gabagabada shirka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin xafladii lagu soo xirayey Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somalida

 

Munaasabad balaaran oo lagu maamusayey soo gabagabeyntii shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho gaar ahaan xaruntii hore ee Gaadiidka Booliiska oo aheyd xaruntii shirku uu ka socday 45-kii cisho ee la soo dhaafey.

 

Xafladan oo aheyd mid si wanaagsan loo soo agaasimey isla markaana amaankeeda si weyn loo adkeeyey ayaa waxaa ka soo qayb galey madaxda sar sar ee dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, sida Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Ra’isalwasaare Cali Max’ed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), wasiiro, xildhibaano, wafduud caalami ah oo ka socda beesha caalamka, wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, gudiga shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida, Ergooyinka ka qayb galayey, marti sharaf kala duwan iyo waliba dadweyne kale oo fara badan.

 

Wafuuda caalamiga ah ee ka soo qayb galey gabagabadii shirka ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Itoobiya Max’uud Diri, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya François Loncly Fall, wasiiru dawlaha arimaha dibada Kenya iyo wakiilo ka socdey beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yuusuf

 

Xafladan shirka lagu soo xirayey waxaa hadalo ka jeediyey masuuliyiintii kala duweynd ee goob jooga aheyd, Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed waxaana madaxweynuhu uu tibaaxay in shirka dib u heshiisiinta uu lahaa ahmiyad balaaran oo si weyn ay uga faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed, waxaase madaxweynuhu uu caranka ku dhuftey inay jiraan dad uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa dagaal wax ku doonaya, isagoo sheegay in dadkaasi aanay ku gaari doonin dagaal ujeedooyinkooda isla markaana aysan jirin wax ka wanaagsan in dib u heshiisiin lagu dhameeyo wax walba oo khilaaf ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahdi

 

Gudoomiyaha gudigii qabanqaabinayey shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida Cali Mahdi Max’ed oo hadal halkaasi ka jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsadey in shirkan ay ka soo baxeen miro wax ku ool ah iyo go’aamo la taaban karo oo ka qayb qaadanaya dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida, waxaana uu sheegay Cali Mahdi in ergadii shirka ka qayb galaysey ay si buuxda isugu raaceen go’aamo kala duwan oo ay ka mid tahay in beelaha Soomaaliyeed iska cafiyaan wax walba oo horey u dhexmarey, in laga gudbo colaada iyo in dalka laga qabto doorashooyin xor ah sanadka 2009, waxaana Cali Mahdi uu sheegay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya qodobada ergooyinka isku raaceen.

Cali Mahdi Max’ed wuxuu sheegay Shirku wuxuu sheegay in shirka uu ahaa mid bilow ah oo uu ahaa kii ugu horeeyay oo ay Soomaali qaban qaabiyaan kana dhaca dalka gudahiisa, waana sii socon doonaa wuxuuna gaarayaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka” ayuu yiri Cali Mahdi, waxaana uu sheegay in ay jiraan kooxo siyaasiyan oo ka soo horjeeda shirka la soo gabagabeeyey waxaase uu sheegay in ugu baaqay in ay diyaar u yihhiin wada hadal ay la galaan dhinacooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Aadan Madoobe

 

Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Shekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah madaxdii ka hadashey xafladaasi ayaa daboolka ka qaadey in uu si weyn ugu faraxsan yahay in shirka uu maanta ku soo dhamaado jawi wanaagsan, waxaase uu Sheekh Aadan Madoobe uu ka hadley dad uu sheegay inay carqalad ku yihin nabada Soomaalida.“Waxaa jira qolo dibada ku sugan oo xiligan wada abaabul lagu fashilinayo shirweynahan dib u heshiisiinta oo ah kii ugu horeeyay ee ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxayna abaabulayaan shir dhawaan dhici doona oo ujeedo siyaasadeed leh” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamanka oo aan si buuxda u shaacin shirka, waxaase uu loo qaatey dadkaasi inay yihiin Kooxaha kala duwan ee Eritrea ku sugan ee mucaaradka ku ah DFKMG ah oo halkaasi beri shir uga furmayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqor C/laahi Boqor Muuse

 

Boqor C/laahi Boqor Muuse oo ah boqorka Beelaha oo ka mid ahaa xubnihii shirka ka hadley ayaa sheegay in uu si weyn ugu mahadcelinayo gudiga shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna Boqor King Kong uu ka codsadey ergooyinka shirka ka qayb galaya inay bilad sharaf gudoonsiiyaan Gudoomiyaha shirka Cali Mahdi Max’ed kaalintii uu ka geystey in uu isku keeno dadka cadadkaasi le’eg ee dagaalsanaa.

Boqor King Kong wuxuu sheegay in beel ahaan ay si buuxda ugu faraxsan yihiin qodobada shirka iyo waliba inay fulin doonaan wixii heshiiska lagu gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Cabdi IImaan Cumar

 

Xaaji Cabdi Imaam Cumar oo ah Gudoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka hadley shirka ayaa wuxuu xusey in shirka ay ku faraxsan yihiin beel ahaan dhamaan qodobada lagu gaarey, waxaana Xaajigu uu carabka ku adkeeyey in beel ahaan fulin doonaan wixii shirka ka soo baxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this