Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Banaadir: Hundreds of heavily armed mujahideen have poured into Xamar

Recommended Posts

Xoogag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo Muqdisho soo galay

 

Ciidan aad u badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka islamarkaana kamid ah xoogagga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xoogaggan ayaa xalay lug ku soo maray wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana hareeraha wadooyinka taagnaa dad weyne aad u farabadan kuwaasi oo ku dhawaaqayay Takbiirta.

Ciidamadan xalay soo galay magaalada Muqdisho islamarkaana katirsan xarakada Shabaab ayaan la ogeyn u jeedada ay Muqdisho u yimaadeen hase ahaatee imaanshiyahooda waxa auu ku soo beegmay xilli xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay wado diyaar garow ku aadan dagaal ay kala hortagto ciidamada dowladda KMG ah oo taageera ka helaya Kuwa shisheeye ee Muqdisho jooga.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka ceelasha biyaha ayaa u xaqiijiyay idaacada Al-furqaan in ay indhahooda ku arkeen Xoogagan katirsan Xarakada Shabaab oo ka soo gudbay ceelasha islamarkaana ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho xilli dowladda KMG ah ay dhankeeda sheegatay in ay u diyaarsanyihiin ciidamadeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwii ugu xoogaana oo saakay laga dareemayo Muqdisho kadib markii xalay Magaalada ay soo galeen ciidamo fara badan

 

Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo la sheegay in ay ka soo dhaq dhaqaaqeen gobolada Jubooyinka Bay iyo Bakool ayaa xalay waxaa ay gudaha u soo galeen Magaalada Muqdisho.

Dhaq dhaqaaqyadaani ay wadaan ciidamadaani ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa ay sii xoojiyeen cabsidii laga qabay in dagaalo ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho waxaana saakay Xaafadaha Magaalada Muqdisho lagu arkayay ciidamo cusub oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Ciidamada ayaa Xaafadaha la soo dhoobay waxaa ka mid ah Xaafada K.P.P iyo qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta degmada Hodon,waxaana ciidamadaani ay saakay isku faafiyeen qeybo cusub oo ka mid ah degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Shabelle u sheegay in gaadiid dagaal iyo ciidamo farabadan ay xalay ka soo gudbeen wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwaasi oo u soo dhaqaaqay gudaha Magaalada Muqdisho.

Dhaq dhaqaaqyadaani cusub ee ay wadaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa ka dambeeyay kadib markii maalin ka hor Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Dheere uu sheegay in ay weerar ku yihiin dowladda KMG ee Soomaaliya oo dhawaan sheegtay in dhankeeda ay weerar ku soo tahay goobaha ay maamulaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

Cabsidii ugu faraha badneyd ayaa ka jirta Magaalada Muqdisho waxaa haatan magaalado ay la ciir ciireysa saan saan dagaal maadaama dhinacyada isku haya Magaalada uu dhinacba dhinaca kale wada dhaq dhaqaaq ciidan oo uu ugu diyaar garoobayo dagaal uu ku qaado dhinaca kale ee ka soo horjeeda.

Dhinaca kale Afhayeenka wilaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali oo wareysi siinayay Shabelle ayaa sheegay in ay ka warheleen ciidamo ay dowladda KMG ku soo tababaratay dalka Kenya kuwaasi oo weeraro ku soo ah gobolada Jubooyinka.

Waxaa uu sheegay in markii ay ka warheleen weeraradaasi ay bilaabeen diyaar garow ay ugu diyaar garoobayaan sidii dagaalo ay kala hortagi lahaayeen ciidamadaasi ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Alshabab oo Ciidamo xoog leh muqdisho soo galiyay iyo dhaq dhaqaaq ay wadaan Ciidankaasi.- 10 Feb 2010

waxaa la daabacay Wed 10 Feb 2010 04: 46: 59

Muqdisho:Magaalada Muqdisho manta waxa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah kadib markii habeenkii xalay ahaa ay alshabab muqdisho soo galiyeen ciidamo tiro badan oo wata labiska tuutaha ah.

Muqdisho manta waxa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah kadib markii habeenkii xalay ahaa ay alshabab muqdisho soo galiyeen ciidamo tiro badan oo wata labiska tuutaha ah.

 

 

Cidamada xalay soo garay muqdisho ayaa waxa ay yihiin kuwa aad u qalabeysan isla markaan ah kuwa u diyaar ah in ay la dagaalamaan dowlada KMG ah.

 

 

Xalay fiidkii ayay ahady markii dadka ku nool degaanada loo barakacay ay mar qura indhaha saareen cidamada alshabab oo sita gaadiid dagaal iyo kuwa lugeynaya.

 

 

Saaka markii uu waaga barayay ayaa waxa cidankasi lagu soo daadiyay qeybo farabadan oo ka mid magaalada gaar ahaan xaafadaha Sigaale,taleex,qeybo badan oo ka mid ah Suuqa bakaraha.

 

 

Si kastaba ha’ahatee ari9nkaan ayaa cabsi ku abuuray dad badan reer Muqdisho waxaan jirtay dhiilo colaadeed kaas oo dowlada ay maalamaani ku baaqeysay tani wajaab ka timid alshabab.

 

 

E_Mail: webmaster@shacabka.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Maaddeey:

Cidamada xalay soo garay muqdisho ayaa waxa ay yihiin kuwa aad u qalabeysan isla markaan ah kuwa u diyaar ah in ay la dagaalamaan dowlada KMG ah.

Loba jooge !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Saber rattling from both sides nothing concrete yet.

Adiga naag la qabo ayad ka tahey indhaha ka firso - koleyba ki so hara aya ku dambeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Lets watch this space, I have a tingling feeling the end of Al Shabaab is near.

 

Juje saxiib that was uncalled for edit your last post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by General Duke:

Saber rattling from both sides nothing concrete yet.

Adiga naag la qabo ayad ka tahey indhaha ka firso - koleyba ki so hara aya ku dambeyn.
Jb was correct. Manta wad hanjabaysa, saaxib. sali caleeh, juje. Wa maxay naagta la qabo iyo hadalada nooca? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

So these new troops are from the Jubbooyinka?

Al-Shabab taking their last stand in Mogadishu, all or nothing? :D

 

To be truthful I totally think that this government will not do anything much against Al-Shabab, they will most likely try to hold on to Mogadishu's Makka Al Mukarrama road and the few blocks they're in control and distract Al-Shabab rather than trying to squeeze them out of Mogadishu, no chance of that happening.

 

Thus they will wait, sit in the trenches and see if the other loosely allied troops of the government can overcome Al-Shabab in the provinces, Hisbul Islam is a crucial factor in this, let's see where they will put their allegiance to.

 

Ignorant Shariif will be relying on others and just finally before the government is to fall, they will receive emergency monetary funds and a few weapons so that they can keep the Al-Shabab's at bay once again. :D

 

It's a zero sum game this, believe me. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by NGONGE:

Jb was correct. Manta wad hanjabaysa, saaxib. sali caleeh, juje. Wa maxay naagta la qabo iyo hadalada nooca?
:D

Salaam Boss, horta ma hanjabayo waayo aniga wax gacan igu jiira maleh - teeda kale 'naag la qabo ayad ka tahey' doesn't necessarily refer as in aad naag tahey but rather as irrelevant or non participant.

Duke hates Shabab but wants them to be victorious in this case for reasons best known to him. Thus my reference to him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, adeer my advice to you is stay safe from this madness. As for Al Shabaab it is the folly that the man you work for created, thus your anger is aimed at the wrong individuals. I don’t much care for who “wins”, because they won’t have any impact on the final result.

 

Sharif Hotel has failed, but lets watch the game. Again stay safe adeer, make sure you have an exit plan, because they, Al Shabaab may spare the big boys, Sakiin, Ibbi, Omar but will make an example of the little workers. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this