Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Buuba announces he wants to be PM

Recommended Posts

_42850271_ismael_moh-hurreh203.jpg

Buubaa oo isku soo taagay jagada Ra'isulwasaarenimo ee Somalia

 

 

Mogadishu 09, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Iyadoo wali uu soconayo ololihii loogu jirey magacaabista Ra'isulwasaare cusub oo badali doono Ra'isulwasaarihii xilka katagay ee Cali geedi ayaa wasiirka waxbarashada Ismaciil Hurre Buubaa waxa uu daboolka ka qaaday in uu isku soo sharaxay xilka Ra'isulwasaare nimo ee Somalia.

 

Buubaa oo maanta shir Jaraa'id ku qabtey magaalada Baydhabo ka dib kulan qado ah oo uu la qaatay xubnaha ee ku jira dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in uu buuxin karo kursiga isla markaana uu horey ugu gudbiyay Madaxwenaha warqaddiisa musharaxnimo.

 

Wasiirka waxbarashada dowladda KMG ah ee Somalia, waxa uu sheegay in uu rajo weyn uu ka qabo hadii uu noqdo Ra'isulwasaare iin uu wax ka qaban doono dhibaatada ka oogan magaalada Muqdisho oo ah halka kaliya ee mushkiladdu ay ka taagan tahay.

 

Mar wax laga weydiiyay sida uu ku doonayo jagadaan maadaama dowlada ay ku dhisan tahay 4.5 jagadaasina ay leeyihiin beelaha ayaa waxa uu sheegay in jagooyinka aysan u xirneyn beel beel balse ay u furan tahay muwaadin kasta.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

buba_war.jpg

 

Buubaa ma buuxin doonaa Kabihii uu ka tagay Geedi?

Last Updated::2007-11-10 14:43:00

 

Baydhabo(HRNet):- Ismaaciil Huure Buubaa oo xili kala gedisan kasoo qabtay DFKMG ayaa hada isu soo taagay jegada Ra'iisul Wasaaraha

DFKMG oo uu dhawaan iska casilay Prof.Cali Maxamed Geedi.

 

Ismaaciil Buubaa oo kamid ahaa xubnaha ay sida weyn isugu khilaafeen siyaasada Dowlada Ra'iisul wasaarihii xilka ka tagay ee Geedi, ayaa hada uu sheegay Mr.Buubaa inuu xilkaasi kasoo bixi karo.

 

Ismaaciil Buubaa ayaa himilooyinkiisa siyaasadeed kusoo bandhigay Qado sharaf uu shalay ku qabtay magaalada Baydhabo, madashaasi oo uu ku casumay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

 

Ismaaciil Buubaa oo laf ahaantiisu xildhibaan ah isla markaana jegadii ugu danbeysay ee uu Xukuumada qabto ay tahay Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay inuu xalin karo dhibaatooyin badan oo dowlada Federaalka heysta xiligan.

 

Buubaa oo horey usoo qabtay Jegada Wasiirka Arrimaha Dibada ee DFKMG ayaa kamid ahaa xubnihii sida weyn uga shaqeeyey in dalka Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka taasi oo irida u furtay imaanshaha ciidamada Itoobiya iyo kuwa Midowga Afrika ee Ugandha, ayaa hada sheegay inuu wax weyn uu ka qaban karo xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada la leedahay dalalka deeqda bixiya.

 

Buubaa ayaa ku nuux nuuxsaday inuu xalin karo dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay halka meesha dhibaatada ugu weyn ay ka taagan tahay.

 

Ismaaciil Buubaa ayaan sii faah faahin xalka uu u keeni karo Muqdisho oo ka gedisan xalkii uu horey isugu dayey Prof.Geedi oo asago kasoo jeeday magaalada Muqdisho kuna guuleysan waayey in magaaladaasi si buuxda loo sugo amnigeeda.

 

Ismaaciil Buubaa ayaa sidoo kale wax kama jiraan ku tilaamay sheekada la xariirta in Kursiga Ra'iisul Wasaaraha ay beel gaar ah leedahay siiba beesha Ra'iisul Wasaarihii xilika ka degay, asagoo sheegay in kursigaasi uusan u xirnayn beel gaar ah balse Soomaalida oo dhan cidii doonto isu soo sharixi karto.

 

Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in qaabka 4.5 ee dowladan loo qebsaday aan lagu xirin jegooyinka balse ay tahay hab la isugu dheeli tirayo xubnaha dowlada kamid ah balse aysan jirin kursi beel u gaar ah.

 

Ismaaciil Buubaa ayaa sidoo kale ka dhaawajiyey hadii uu xilka qabto uu keeni doono xal ku aadan maamulka gooni isu taagay ee la baxay Somaliland oo asagu deegaankaasi kasoo jeedo.

 

Buubaa ayaa wada olole uu kusoo jiidanayo Beesha Caalamka iyo waliba Xildhibaanada Federaalka, balse macada in Madaxweynaha DFKMG uu xiliga jegadaasi u dhiibi doono Mr.Buubaa oo kamid ah xubnaha sida weyn ay dhinaca siyaasada isugu dhawyihiin.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buubaa oo u isugu soo taagey qabashada Jagada Ra’isalwasaaraha DFKMG

 

 

Prof.Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa) oo wasiirka waxbarashada ka ahaa xukuumadii Cali Max’ed Geedi ayaa daboolka ka qaadey in uu isu taagay qabashada xilka Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Buubaa oo shaley ku qabtey magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in uu u gudbiyey Madaxweynaha DFKMG ah waraaqihiisa codsiga ee ku aadan qabashada jagada Ra’isalwasaaraha, isagoo shelay magaalada Baydhabo kula shirey oo qado u sameeyey xildhibaanada ku jira Baarlamanka DFKMG ah ee ka soo jeeda beelaha Direed.

 

Ismaaciil Buubaa ayaa warar aan si rasmi ah loo shaacin balse duul duul ah waxay sheegayaan in uu jiro daneyn ka imaanaysa wadamada Carbeed iyo qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka oo ku aadan in jagada Ra’isalwasaaraha loo magacaabo Ismaaciil Max’uud Hure (Buubaa),

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuba waa nin shaqo tagay oo calooshiisa u shaqo tagay. Hadii uu Somaliland wax ka noqon waayay uma malayn maayo inuu meel kale wax ka noqon karo waxna fulin karo. Waa nin hungrigiisu hogaamiyo oon cidna dan kalahayn laakin kolba la saaxib ah kan shilinka uu la qaybsanaayo.

 

Laakin waxa nasiibdarro ah isagoo Professor ah inuu maanta la jaal noqdo dhiigyocab waligii askari ahaa. Maskax khasaartay uun dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this