Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sool: Qarax dabiici ah oo sababay in uu Dhulku go’o

Recommended Posts

Deegaan ka tirsan Gobolka Sool, ayaa la sheegay in uu ka dhacay wax loo maleeyay in uu yahay Folkaane ka qarxay. Kaas oo sababay in uu dhulka hoos u qodo meelo kala duwan.

 

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, Deegaanka Dhallaamo-cune oo hoos yimaadda Deegaanka Kala-baydh ee Gobolka Sool, ayaa la sheegay in ay ka dhaceen Qaraxyo xoog leh oo sababay in Dhulku hoos u go’o, kuwaas oo dadka deegaanka ku dhaqan iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolkaas oo goobta tegay ay sheegeen in loo maleeyay in uu yahay Folkaane qarxay amaba Dhul-gariir goobtaa ku dhuftay.

 

Wararku waxay intaa ku dareen in goobta ka hor intii aanu goobtan Qaraxu ka dhicin, maalmihii la soo dhaafay la arkayay goobahan oo ay ka soo baxayeen Qiiq iyo Gariir xooggan. Kuwaas oo aakhirkii habeen hore sameeyay Qarax xooggan oo laga maqlayay deegaankaas iyo kuwa ku ag-dhaw. Siday sheegeen, dad goobtaas gaadhay oo ka mid ah Masuuliyiinta Gobolka Sool iyo kuwa deegaankaa ka ag-dhawaa, Qaraxan dhacay wuxuu sababay in ay samaysmaan laba God oo waawayn, kuwaas oo qiyaastooda lagu sheegay ilaa 30-Mitir oo isku wareeg ah ballac ahaan iyo dherer ahaanba. Goobtan Qaraxu ka dhacay oo ah Dooxo ku dhex taala meelo Buuraley ah, ayay goob-joogayaashani waxay ntaa ku dareen in labada God ee dillaacay ay ku shubmeen Biyihii Dooxadu.

 

Sidoo kale, dadka goobta gaadhay waxa kale oo ay sheegeen in laga maqlayay gudaha Godadkan sanqadh ay u qaateen inay tahay in Godku uu dumayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ I think he explained dat at da end of his sentence.

 

dhul dilaac between Somaliland and koonfuria

Xaaji Xeyraan would like to see the seperation of Somali regions by means of natural disasters like dat of volcanoes and earthquakes.

 

 

dat would make Somaliland stand out from the rest and no borders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Illaahow hadday dabiici tan tahaa..... nomads sempre nomads, yaa ka dhaadhacsiin kara in Somalia became a natural testing laboratory... before it was somali sea now the main land

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this