Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Xasan Turki attacks captures Jowhar Sharif Ahmed's base

Recommended Posts

66.jpg

 

Muqdisho:War Deg Deg ah Ciidamo uu wato Xasan Turki oo u jiheystay degmada Jowhar

 

17. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta G/Sh/dhexe ayaa sheegaya in saaka magaaladaas uu ku jarmaaday xasan Turki iyo ciidamada lagu qiyaasay 700-Askari oo wata gaawari gareysa ilaa 30-Baabur.

 

Gawaaridaan dagaal iyo Xasan Turki ayaa la sheegay in goor dhaw ay ka gudbeen deegaan lagu magacaabo Garsaale , waxaana ay u socdaan sidii ay dagaal ugu qabsan lahaayeen degmadaas oo hada ay gacanta ku hayaan maxaakimta dawlada taabacsan.

 

Maamulka G/Sh/Dhxe oo maalmahan isna waday olole ay ku kicinayaan dadka Jowhar si ay isu difaacaan ayaa saaka heegan buuxa galiyey ciidamadodi , waxaana ay isugu keeneen Xaafada Kongo afaafka Jowhar.

 

Lama yaqaan dagaalka ku wajahan Jowhar in uu yahay mid horey loo qorsheeyey iyo in kale , waxaase maalmahan jiray saansaan dagaal oo kua aadanaa Jowhar.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Dagaal hada ka qarxay Tuulada Garsaale oo 25KM u jirta Magaalada Jowhar

 

Warar goor dhow naga soo gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu goor dhoweyd ka qarxay Tuulada Garsaale oo ilaa 25KM dhanka koonfur kaga beegan Magaalada Jowhar u jira.

 

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda iyo Xoogaga Alshabaab oo la sheegay inay duulaan ku soo yihiin Magaalada Jowhar.

 

Waabarigii saaka ayaa mar kaliya Magaalada Jowhar waxaa laga dareemay cabsi dagaal, iyadoona durba dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo guluf dagala ay galeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

 

Wariye ku sugan Magaalada Jowhar ayaa u xaqiijiyay Shabakada Jowhar.com in dagaalka uu hada xoogiisa ka socda Tuulada Garsaale, halkaasoo ay difaacyo adag ka sameysteen Ciidamada Maxkamadaha.

 

Wariyaha ayaa sheegaya in goor horeba laga war haayay duulaanka ku soo socda Magaalada Jowhar oo maalmihii u dambeeyay abaabulkiisa laga dareemayay Degmada Balcad.

 

Isku dayga Xoogaga Shabaab ayaa ah inay la wareegaan gacan ku heynta Magaalada Jowhar iyo deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana jira qorshayaal horay loo dejiyay oo la sheegay in dhowr jiho laga soo weeraray Magaalada.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: War Deg Deg ah Dagaal ka bilawday duleedka jowhar

17. maj

 

Muqdisho:Dagaal xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka bilawday tuulada garsaale oo aad ugu dhaw degmada Jowhar.

 

Dagaalka oo madaaficda la isku adeegsanayo si weyn looga maqlayo degmada Jowhar ayaa ilaa hada ku socda si xawli ah .

 

Dagaalka ayaa bialawday marki ciidamdii weerarka ku ahaa Jowhar ay ka hortageen kuwa maamulka Sh/Dhxe.

 

dagaalka oo socda kala soco wixi ku soo kordha AllPuntland Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah

Ciidamo fara badan oo uu horkacaayo Sheekh Xasan Turki oo ku sii socda Magaalada Jowhar iyo Qax ka bilowday Magaaladaasi

 

Somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Turki iyo Ciidamo uu wato oo qeyb ka ah duulaanka Magaalada Jowhar

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshe istiraatjiyaded oo la doonayo in lagu qabsado Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo intooda badan gacanta ugu jira Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda ayaa ka soo baxay shir shalay ka dhacay Degmada Afgooye.

 

Shirkan oo si qaas ah u quseeyay xaaladaha ka taagan Magaalada Muqdisho ee la doonayo in Dowladda lagu afgambiyo ayaa waxaa taas bedelkeed loo rogay dhanka Gobolada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

 

Wararka ayaa sheegaya in qidada dagaal ee la dajiyay ay ka mid tahay in la weeraro Magaalooyinka Jowhar iyo B/weyn si gacanta Xoogaga Mucaaradka u soo gasho.

 

Kulankii shalay oo ahaa mid ay ka qeyb galeen Sheekh Xasan Turki, Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Saraakiil sar sare oo ka socda Alshabaab, kuwaasoo isla gartay in weerar wada jir ah lagu qaado Magaalooyinka Jowhar iyo B/weyn.

 

Wararka ayaa hada sheegaya in Sheekh Xasan Turki uu ku sii socdo Magaalada Jowhar iyadoona duulaankaas ay qeyb ka yihiin Xoogag ka tirsan Alshabaab iyo kuwa Xisbul Islaam.

 

Qorshaha ayaa waxaa uu yahay in dhowr jiho laga weeraro Magaalada Jowhar, waxaana dagaalka bilowgiisii hore uu hada ka bilowday inta u dhaxeysa Deegaanada Qalimow iyo Garsaale.

 

Ciidamadii ugu badnaa ee soo galay Magaalada Muqdisho ee gurmadka ahaanta horay ugu yimid Xoogaga Mucaaradka ayaa qeyb ka ah duulaanka lagu qaaday Magaalada Jowhar si gacanta Maxkamadaha Islaamka looga bixiyo.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Xasan Turki iyo ciidamadii uu watay oo jowhar gudaha u galay

17. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa gudaha degmada Jowhar oo ay soo galeen ciidamadi Xasan Turki , waxaana goob joogayaal jooga ay sheegayaan in ciidamadii maamulka laga soo qabsaday afaafka magaalada oo ay gudaha ka dagaalamayan.

 

Mustaqbalka gacan ku heynta Jowhar ayaa loo saadalinaya xoogaga mucaaradka maadama ay gudaha la isla soo galay.

 

Dadka Jowhar ayaa u cararay daafaha magaalada si ay uga badbaadan dagaalka iyo waxyeeladiisa.

 

la soco wali wixi ku soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Xoogaga Alshabaab oo guud ahaan la wareegay Magaalada Jowhar

 

Xoogaga Alshabaab ayaa goor dhow la wareegay guud ahaan gacan ku heynta Magaalada Jowhar, kadib dagaal socday muddo labo saac oo ku dhex maray Duleedka Magaalada Jowhar Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

 

Wararka ayaa sheegaya in gacan ku heynta Magaalada ayaa ka dambeysay kadib markii laga itaal roonaaday Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haaya Magalaada, kuwaasoo markii dambe isaga baxay Magaalada.

 

Xoogaga Alshabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay Saldhiga Booliska iyo xarunta Maamulka, isku gadaamay halkaas markii ay qabsadeen Magaalada.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Kooxda Alshabaab ay dagaalka kula wehliyaan Ciidamo uu watay Xasan Turki, kuwaasoo ka yimid dhowaan Magaalada Kismaayo.

 

Mas'uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haayay Magaalada ayaa isaga baxay, waxaana la ogeyn halka ay afka aadiyeen, waxaana Magaalada haatan tahay mid guud ahaan gacanta ugu jirta Alshabaab.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jowhar is gone and this quickly, my God, this is evidence that Shariif Ahmed has no support base or backbone... It is over for this government, hadii xataa ay sidaan kukala joogaa oo aysan Alshabaab samayn anymore advancement, dowladu waa udhamaatay, unless otherwise military intervention or outside force arrives... It's over, I don't think in Sheikh hotel ciidankiisu marakan waxqaban karaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ururka Al shabaab oo la wareegay Gacan ku heynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe iyo dagaalo ka socda Degaanka Garasaale ee gobolkaasi.

Posted: 5/17/2009 4:20:00 PM

Shabelle: JOWHAR

Ururka Al shabaab ayaa la wareegay Gacan ku heynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe,waxaana dagaalo xoogana ay ka socdaan deegaanka Garsaale ee gobolkaasi.

 

Ciidmo ka tirsan ururka Al shabaab ayaa lagu arkayay iyagoo wata gaadiidka dagaalka gudaha degmada Jowhar gaar ahaan xarunta degmada iyo Saldhiga degmadaasi,waxaana dagaalo ka dhacay gudaha degmada ku geeriyooday 3-askari oo ka tirsan ciidamada Maxkamadaha islaamiga.

 

Illaa iyo hada si dhab ah looma oga halka uu ku danbeeyay maamulkii Maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe.

 

Dhanka kale dagaalo xoogan ayaa waxaa ay ka soconayaan deegaanka Garsaale oo qiyaastii 25-km kaga beegan dhanka Konfureed kaasi oo u dhexeeya ciidamada Maxkamadaha iyo ururka Al Shabaab.

 

Dagaalkani ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka yahay dagaalo dhawaantani ka socday gudaha gobolada Galgduud iyo Hiiraan isla markaan uu yahay mid dhawaan uu saadaliyay maamulka gobolka Sh/dhexe.

 

Weli si dhab ah looma oga qasaraha dagaalkaasi uu geystay mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe oo ku aadan dagaaladaasi.

 

Wixii warara ah ee ku soo kordha kala socod Shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So the highway from Muqisho to Baladwyne is completly cut off, they had Balcad before, but now the governmet has only two major pockets, north xamar, and half of Balad weyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

It is all about to show weakness of Sh,shariif. he was told not to talk them and he did it. it is now what form of forieng interence we will see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xasanturki.jpgMaleeshiyo uu wato Xasan Turki oo qabsaday Jowhar

 

 

Maleeshiyo Islaamiyiin ah oo uu horkacayo Sh. Xasan Turki ayaa waxa ey wararku sheegayaan in si gaadmo ah ku qabsadeen magaalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Sh/Dhexe, waxaana iskahorimaad kooban oo saakay waaberigii ku dhexmaray iyaga iyo maamulka magaaladaasi uu ka dhacay daafaha magaalada ka hor inta eysan soo jiirin.

 

Sh. Xasan Turki oo shalay soo gaaray duleedka Muqdisho ayaa waxaa casuumaad ugu sameeyay Afgooye wadaadka kale ee Sh. Xasan Daahir Aweys, waxaana warar hoose oo kasoo baxay kulankaasi ey sheegayaan in dagaalka iyo shaxdii gaadmada aheyd ee saakay lagu qabsaday magaalada Jowhar lagu dajiyay kulankii shalay ka dhacay Afgooye.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Yuusuf Indha-Cadde oo saakay isaga iyo maleeshiyaad uu wato u galay dhanka dowladda uu goob-joog ahaa kulankii ka dhacay shalay Afgooye oo lagu dajiyay shax badan oo lagu wiiqayo dowladda uu garwadeenka ka yahay m/weyne Shariif.

 

Xaaladda amaan ee magaalada Jowhar ayaa iminka ah mid dagan, inkastoo mar-marka qaar rasaas teel-teel ah la maqlayo, waxaana wararku sheegayaan in uu socdo abaabul dagaal oo ey wadaan dadka deegaanka iyo maamulkii ka ariminayay gobolkaasi.

 

Dhanka kale waxaa maanta tiro madaafiic ah ey kooxaha Islaamiyiinta ahi ku weerareen Iskool Bolisio oo ey ka socotay munaasabad uu ey goob joog ahaayeen madaxda dowladda sida m/weyne SHariif.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali government officials declined to comment on the Al Shabaab takeover of Jowhar, a key town that lies 90km north of Mogadishu and is the gateway to central Somalia.

 

Currently, Al Shabaab and allied groups like Hizbul Islam control most of Mogadishu, dominate the regions of Lower Jubba, Middle Jubba, Lower Shabelle, Gedo, Bay, Bakool, and are fighting for control in Middle Shabelle, Hiran and Galgadud regions.

 

Somalia's new UN-backed government, led by President Sheikh Sharif Ahmed, controls very little territory in Mogadishu and is fast loosing control of strongholds in the central regions.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this