Sign in to follow this  
Wigad

War hawdwadaag iyo heliwaaa maxaa haysta?

Recommended Posts

Wigad   

Mogadishu 10, August 07 ( Sh.M.Network) Dagaal ayaa caawa abaaro 11: 00 PM ee saqdii dhexe ka bilowday qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo qaraxyo iyo rasaas.

 

Iska horimaadkaan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda ee fariisinka ku leh agagaarka SOS iyo kooxo aan la garaneyn oo halkaasi ku soo qaaday weeraro.

 

Iska horimaadka ayaa inta uusan bilaaban ka hor waxaa la maqlay qaraxyo u muuqday in loo adeegsaday qoryaha baasuukayaasha iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.

 

" Waxaanu maqleynaa rasaas culus iyo qaraxyo" ayuu yiri Cabdi salaan oo ka mid ah dadka deegaanka Sos oo u waramay Shabelle caawa.

 

Wali lama oga qadaaraha ka dhashay iska horimaadkaan.

 

Habeen hore ayay aheyd markii halkaasi ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo la isku adeegsaday madaafiic iyo hubka fudud nuucyadiisa kala duwan.

 

 

Its been back to back nights now maybe these guys should give the locals a break and go attack other bases

 

or are they trying to give the army that is based there some real scare or something.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Heliwaa" goormee iyadana soo baxday? Idaacadda Shabeelle oo mar walba isticmaasho magacaan ayaan arkaa, oo damacsan inay ka badasho degmadaas Huriwaa la dhaho. Ma magaca Huriwaa u huri waayeen inay carabkooda qabtaan? :D

 

What is next? Ifka iyo Aakhiro magaca laga badali doonaa? Buuloxuubeey? Labadhagax too?

 

Sidii Iskuraran meesha ugu baxday ayee rabaan inay ka dhigaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this