Sign in to follow this  
Dhubad.

Ladagaalanka Indho Shareerka.

Recommended Posts

Dhubad.   

Ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan isgoyska H/wadaag oo maanta boqolaal haween ah ku qasbay iney dhigaan indha shareerka

 

Haween tiradoodu ay gaareyso boqalaal oo ka mid ahaa dadkii marayey wadada wadnaha ee magaaladda Muqdisho, isla markaana xirnaa xijaabka islaamka ayey maanta ku qasbeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan isgoyska H/wadaag iney dhigaan niqaabka (Indha shareer) ay wejiga ku soo xirteen, xilli ay halkaasi weli ka socdaan howlgalo ay ciidamadu ku baarayaan guryaha, deegaankaasi ku yaala iyagoo baadi goob ugu jira cidii ka dambeysay miino lagu qarxiyey shalay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo marayey wadada Aadan cadde, ayna ku dhaawacmeen ilaa 7 askari.

 

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaaal ah Ciidamada dowladda federaalka ayaa halkaasi soo dhigay koley weyn oo ay ugu talo galeen in haweenka xiran indha shareerka ay ku ridaan insha shareerkooda, iyagoo markaa haweenka ay arkaan iney xiran yihiin indha shareerkana amar ku siinayey iney furto oo ka dibna ay ku rido koleygaasi, waxaana amarkaasi u hogaansamay haweenkii halkaasi maray maanta, inkastoo ay jireen kuwo tiro yar oo ka madax adeygay aarintaasi oo hase ahaatee markii dambe dhigay ka dib markii ciidamadu ugu hanjabeen haddii aysan dhigin iney xoog kaga fiiqi doonaan, waxaana la arkayey koleyga lagu gurayey indha shareerka oo indha shareero aad u fara badan ay ka buuxsameen.

 

Goobta ay ciidamada dowladdu haweenka kuwooda xiran indha shareerka kaga dhigayeen oo aheyd isgoyska H/wadaag ayaa haweenkii laga dhigay waxay kala kulmeen weji gabax dadweyne halkaasi soo dhoobtay oo daawanayey waxa halkaasi ka socda, lamana oga waxa keenay in ciidamadan ay maanta ku kacaan falkaasi, waxaana dad badan ay isweydiinayeen sababta ku qasabtay ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan isgoyska H/wadaag iney arintan ku kacaan, iyadoo uusan jirin amar lagu mamnuucayo indha shareerka ay haweenku xirtaan oo ka soo baxday mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Ciidamada dowladda oo gubay ku dhowaad 200 oo Indho-shareero ah

 

Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga ee ku sugan isgoysyada magaalada Muqdisho gaar ahaana isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay la arkayay iyagoo haweenka ka fiiqaya Xijaabka loo yaqaano Indho-shareerka, taasoo ay sheegeen inay uga gol leeyihiin sugida amniga.

 

Ciidamada ayaa dhamaan haweenkii maanta marayay wadada dheer ee Wadnaha amar ku siinayay inay iska siibto Indho-shareerka si qasab ah, haddii kale xoog looga siibayo, iyadoo sidoo kale amar lagu siinayay inay ku rido goob ay ku uruurinayeen Xijaabkaasi.

 

 

Ciidamadan ayaa galabta goob fagaare ah ku gubay ku dhowaad 200 oo Xijaabo ah, iyadoo qaar ka mid ah dadkana ay u soo daawasho tageen, mana jirto wareegto la ogyahay oo lagu mamnuucay Indho-shareerada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The Ataturk of Somalia ayaa shab-dhawanaya adeer. Until the mass is secularized and the moqsues are turned to museums, him and his guardians in Addis wont rest. Today Indh0-Shereer tomorrow wax kale....

Share this post


Link to post
Share on other sites

A plan architected by the CIA, executed by ethiopians whose sole objective was to get all the membebrs of then defeated Alliance of counter terrorists (most hated warlords) to be part and parcel of the TFG. Expect more.... it is just the begining!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this