Sign in to follow this  
Cowke

Dr Cawke Analysis Of Garowe Online Latest Blunder

Recommended Posts

Cowke   

Sanadkii 2009: Saxaafadda iyo PL

11 Jan 11, 2010 - 7:15:41 PM

 

 

Waxaan ogsoonahay in saxaafadu leedahay waxtar aan la soo koobi karin ahmiyad gaarana u leedahay bini’aadamka, dhinaca kalena ay tahay aalad loo isticmaalo wax yeelada dadka laguna qaldo fikirkooda, waxaana lagu sifeeyaa saxaafadu inay tahay midi laba afleh.

 

Hadaba saxaafadaha Puntland wax ka qora ayaa sanadkii 2009ka waxaa moodaa in si aad ah wax uga qoreen maamulka cusub hanaankiisa siyaasadeed marka loo fiirsho maamuladii soo maray maniacal, waxaana taas sabab uga dhigayaa laba arimood .

 

Isbadel Siyaasadeed

 

Saxaafada oo aad ula socotay loolanka doorashada Puntland kal hore ayaa wax badan ka tiri isbadalka ku yimid xaga hogaanka siyaasada Puntland kadib markii madaxtinimada uu ku guulaystay madaxweyne shibil ah, waa markii ugu horeysan mudo afartan sano gabi ahaan soomaaliya, islamarkaasna saxaafadu xiise badan ka muujisay qaabkii dimoqoraadiyada ahayd ay u dhacday doorashada.

 

Arimahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa dhaliyay fiirada gaarka saxaafadu u hayso Puntland diiradana ku saartay inay u soo tabiso macaamiisheeda marwalba wixii ka cusboonaada dalka gudihiisa, waloow soo tabintaasu ayan wada buuxin sharuudaha saxaafadu laga rabay inta badan.

 

Dacaayada Saxaafada

 

Qarankii dumay awgees waxaa burbur ba'an soo gaaray saxaafada waxaa aad iyo aad u badatay tirada saxaafada islamarkaasna ay yaraatay tayadooda intooda badan, waxaa dhumay hanaankii iyo sharuucdii saxaafada lagu hagi jiray ka dibna saxaafadaha qaarkood waxay noqodeen kuwo aan xuduud lahayn heer walbana wax uga sheega mushtamaca soomaliyeed cidna aysan dhaafin waxayna si dadban uga qaybqaataan burburka ka soomaaliya.

 

Hadaba arimahaan iyo kuwa lamida awgeed baa sababay in maamulka Puntland saxaafada u noqdo maxbuus saxaafadeed (media hostage) sanadkii 2009ka waxay Puntland noqotay qashin qubka saaxadaha aan u meeldayin eedaha qaawan, waxaase wax lala yaaabo noqotay isla sanadkaas sidaan xogaha aan uruurinay (statistic of the state performance) ku hayno inay waxqabka dawlada puntland uu ka badnaa 11 sano ka horeeyay marka loo barbardhigo waxqabadkii xukuumadihii hore .

 

Baaris dheer kadib waxaa noo soo baxday dagaalka saxaafadu kula jirto Puntland waxaa hormuud ka ahaa saxaafado dhowr ah, sida, Aamin Caamir, Dayniile, Jidbaale, Galgala news,laasqoray news, horseedmedia iyo kuwa kelo oo yar yar , waxayna dacaayada ugu kala badnaayeen sida aan ukala hormariyay (respectively), qolyahaan aan soo sheegay ayaa figrado guracan waxaa ku quudiyay dad isku magaacaabay qoraaga xorta ah ( independent writers) dagaal ba’ana ku haya masiirka Puntland.

 

Waxaa iyana cilmi baaristeena mudadaan sanadka ah ku ogaanay, in maamulka Puntland ka gaabiyay jihaynta iyo la shaqaynta saxaafada gudaha ayna marar badan dhacday in xarig iyo tacadad loo gaystay wariyaal ka hawlgala deegaamada Puntland

isla markaas ay ku guul daraysteen maamulku inay saxaafada u soo bandhigaan waxqabad kooda dhabta ah.

 

Waxaan iyana noo soo baxday intii aan ku guda jirnay daraasada wararka lagu kalsoonaan karo ay ku soo baxaan websideyada kala ah, Somalitalk, Allpuntland, Halgan.net, Daljir, Dunida online iyo Puntlandpost anigoo mudnaanta u siinaya siday u kala horeeyaan.

 

Ugu dambayntii, isku celcelin saxaafadu uma cabirin arimaha Puntaland si cadaalada waxayna warsidayaasha qaarkood gudbinayee, beenabuur, xagjirino, garowsho la’aan iyo sidii xarbi ahli looga dhalin lahaa keeska nabada ah ee soomaaliya.

 

Waxaa xogtaan soo diyaariyay:

 

Puntland Institute for Global Study Center, Pifgsc@gmail.com

 

Fadlan ilaali xuquuqda qoraalka

 

Fikirka qoralkaan waxaa uu ku kooban yahay hay'ada cinwaankeedu kor ku qoran yahay.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Horseed Media was selected to represent the Somali Media at the UN headquarter, during the 63rd session of the General Assembly.

 

Horseed currently has over 10,000 DAILY visitors to its website and approximately 800,000 listeners on FM radio based in Bosaso.

 

Horseedmedia has chatroom for it's eager listeners to chat about the daily politics and also allows its listeners have their cellphones equipped with "horseedmedia" updates.

 

Horseed Media is not a websiteka yar yar as garowe online claims it to be. This is totally false. Lastly they accused Horseed media of being unbalanced and being politically motivated.

 

If that claim was true, horseedmedia wouldn't be selected to represent somali media at the u.n nor would it have recieved many awards from the u.n for fair and non biased news in the past. However we would see garowe online have those awards from respected international institutions.

 

What I find amusing the most is, how can garoweonline dare accuse another media of being biased? Farole selected his own son as the media spokesperson of the state. LOOOOOOL!!! Do you call that being fair and balanced?

 

The websites that garoweonline praised are namely from mudug and nugaal regions. If you weren't clan based why don't you mention other websites outside of puntland such as "hiiran online"?

 

Anyways, farole mouthpiece is at it again pointing fingers at clans which is not healthy for their growth and harmonization of the state.

 

PS: you don't see farole son ever mention how he used to totally bash cade muse administration on his website. It's as if he has memory loss!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I believe Horseednet is the best Puntland news outlet. It has by far the most photos and up to date news. Whether it is concerning serious matters or something like the soccer tournament, Horseedent provides news and photos. Including as you said radio broadcasts.

 

It is definitely a vital connection for the diaspora living all over the world in getting news on whats going on in Puntland.

 

I remember when it first started around 2002 or so, and the strides it has made since are impressive. I definitely check it everyday!

 

The only thing it needs to improve on is it english language section, it will open the door to more readers. That is one thing Garoweonline is good at.

 

Cowke,

 

Like I said, Garoweonline is the new Puntland Government Website. There is to be a new website but it's being delayed quite a bit. I am thinking that President Faroole and family will come out with it (and many other projects) towards the end of the Presidents term. He is holding back on any new development projects until the second part of this term!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Thankfulsp, Everyone knows garoweonline is the government mouth-piece. However it's amazing how he can criticize others when infact that media is probably the most non-neutral website in puntland.

 

What is even more strange is, they are accusing other media outlets playing the clan card, and in this article he praises no non puntland website such as hiranonline which I believe is very fair website.

 

So the question is who is playing the clan card? Is it the ppl farole son is accusing? or is it dr farole son who like i said even in this article shows his clan prejudice by owning mentioning mudug/nugal websites lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I agree with you, it seems that the President Faroole's admin that has a family run website and radio station, are the same ones that were cited for excessive force against the Puntland media in 2009. It's ironic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROWE ONLINE QAB-QABLANIMADII HORE IYO CALAA-CALKA MAANTA.

 

 

 

Sooyaalka Taariikheed ee Bini’aadamka soo mara waxay ku suntantaa hadba Taariikhda Bulshadaa ama Shakhsigaasi ka qoranta ee uu bulshada la dhexjoogo dadkuna ay ka arkaan in qofkaasi ku sifaysanyahay, waxayna noqotaa Calaamad ama sumad ay ku aqoonsadaan waxyaabaha Qofkaasi aaminsanyahay.

 

Soolyaalkaasi Taariikheed maahan mid hadha ee waa mid la socda qofka bini aadamkuna ku xasuusto Marxaladaha kala duwan ee qofku maro, iyagoo tusaale usoo qaata Hadba marxalada uu qofku isku bedelo.

 

Garowe Online waxaa uu ka midyahay Mareegaha Somaliyeed ee maanta Dadka Somaliyeed ee Akhristaa ay ku dawakheen Ahdaafta iyo Mowqifyada ay ka hadasho Marka La’eego Marxaladii ay soo martay ee dadku makhraatiga ka noqdeen iyo tan maanta ay la daalaa Dhacaso.

 

Laga soo Bilaabo 8/01/2009, oo ahayd maalin Khamiis ah oo Hogaanka Puntland uu la wareegay madxweyne Faroole waxay Garoweonline u ahayd Maalin ay ilawday Mowqifya Badan oo ay ku barteen dadka Booqda, waxay meel iska dhigtay Barnaamijya badan ay daabici jireen qarashna kaga bixijiray iyagoo uga danlahaa in ay ku bur buriyaan Masuuliyiin ay u arkayeen inay danahooda ka soo horjeedaan, kuna baaqayey in Maamulka Jiray uu ku fashilmay wax u qabadka Dadka Reer Puntland Loona baahanyahay in laga takhaluso.

 

Laga Soo bilaabo Taariikhdaa aan kor ku asteeyey oo ah maalintii waalidka Mulkiilaha Garoweonline Xilka ku guulaystay waxay isu bedeshay Garoweonline inay ku hadasho Afka xukuumada Faroole Hogaamiyo iyadoo qarash badan ku bixiya Baadhitaanka cidkasta oo wax lidi ku ah ka qorta Xukuumada Madaxweyne Faroole.

 

Waxay Baahiyeen in Dadka iyo Dalkuba uu helay isbedel, oo loo baahanyahay in lalajaanqaado iyagoo isku dayey inay Mareegaha Kale ku qanciyaan inay Samaan iyo Xumaanba lagu taageero Maamulka hada jira, waxayna isku hawleen inay ogaadaan hadba sida Mareeguhu ugu kala dhawyihiin Maamulka, Mareega si indha la’aan ah u taageera Maamulkana ku tilmaameen Halyey-yo Danta Guud ka shaqaynaya.

 

Ka dib muda yar Markii Faroole la wareegay Hogaanka Puntland, Garoweonline oo ka jawaabasa Warbixin ay CPJ, ka soo saartay weriye u shaqaynayey Horseedmedia oo lagu jirdilay Maxkamada Bosaso ayaa Garoweonline waxay CPJ uga digtay inaanay soo dhexgelin qabaa’ilka Somaliyeed ee isu haya qabiil Qabiilka, waxayna Warbixintaa ku xuseen inay Dadka Puntland isu hayaan Qabaa’il.

 

Waxaa kale oo Layaableh waxay ilaa mudadaa Faroole Xilka Lawareegay ay daba gal ku hayeen warbixinkasta oo laga qoro Dawlada, gaar ahaan waxay aad isha ugu hayeen Cartoons-ka uu soo Daabaco Farshaxanka Caanka ah ee Aminrats, oo inta badan soo bandhiga Siyaasada Xaqiiqda ah ee ka socota Dalka isagoo aan meelna ku gaar yeelin dhinacyada Somalida, waxayna Garoweonline ku faafisay Page-kooda in Aminarts Puntland qaab qabiil u dabagalay, qofkasta oo Arkhrista Cartoons-ka Aminarts-na wuxuu fahmi karaa in aanay ku ekayn deegaan ee ay Siyaasada Somalia oo dhan Kulmiyaan.

 

Marka La’eego Dagaalkii Siyaasadeed ee ay Garoweonline la soo martay Xukuumadii Cade Muuse, iyo qarashaadkii ay ku bixisay inay soo qufto dhaliilkasta oo xukuumadihii hore lahaayeen ayaa waxay dadkii Akhrisanjiray Qoraaladooda u qireen inay ahayd Qab-Qable Dagaal oo kale, waxaasi layaab sii leh Mowqifka ay maanta ka istaagtay Xukuumadan Cusub ee aan weli talaabada qaadin waxay sii halayso Mooyaane.

 

Waxayna Qab-Qablayntii Hore ku bedeshay Calaa-Cal ay ladaba taagantahay mareegaha kale oo ay leedahay Dawladaa la duminayaa waxayna Dadku isweydiinayaan Garoweonline Ma Shalay buu wax dhisayey mise Maanta waa su’aal Jawaabteeda iyaga dul taala.

 

 

 

Omar Ahmed Ali

omar-121@live.com

Garowe, Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this