Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Historic all inclusive international Somali Women’s conference concludes..

Recommended Posts

Waskiirka_Haweenka_puntland.jpg Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maanta magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland kusoo gabagaboobey shir sadexdii cisho ee lasoo dhaafay Magaaladaas ugu socday Haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid Qeybaha kaladuwan ee Geeska Afrika ay Soomaalidu ka degentahay & guud ahaan Qaaradaha kaladuwan ee ay Soomaalidu joogtu kuwaas oo ka xaajoonaya Nabadeynta Soomaaliya & qeybta Haweenka uga aadan.

 

Shirka ayaa maanta laga soo saaray Qodobo kaladuwan kuwaas oo bilowgii lagu codsaday in la joojiyo Dagaalada ka dhacay Koonfurta & bartamaha Dalka iyadoo ay haweenku si gaar ah Kooxaha Muqdisho ugu dagaalamaya ka codsadeen in ay qaataan baaqan islamarkaasna ay joojiyaan Dagaalada dadku ku dhamaadeen.

 

Sidoo kale Haweenku waxay isku raaceen in lasameeyo Dallad ay ku midaysanyihiin Haweenka Soomaaliyeed ee kusugan Dunida gaar ahaan Wadamada ay Soomaalidu ka degentahay Geeska Afrika,Yurub & Waqooyiga Maraykanka taas oo ay Haweenku ku sheegeen inay noqdoonto Dallada Haweenka ee aanan Xuduuda lahayn ayna ka qeybqaadan doonto deminta & Joojinta Colaada dhiiga Soomaaliyeed uu ku daadanayo.

 

Waxaa sidoo kale Haweenka Soomaaliyeed ee shirka ka qeybqaatay ay Codsi u direen dhamaan Bahweynta Saxaafada Soomaaliyeed oo ay ka codsadeen inay ka caawiyaan ka qeybqaadashada Nabada ay imika bilaabayaan,iyadoo bulshada Caalamkana ka codsaday in laga qeybqaato Hor’umarinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Wasaarada Haweenka ee dawlada Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kulankan lsoo abaabushay islamarkaasna ahayd Shirgudoonka shirkan ayaa sheegtay in uu shirku ku dhamaaday sidii ay filayeen,waxaana ay sheegtay in haweenku ay 25-ka bisha October u aqoonsaday maalinta Nabada Haweenka Soomaaliyeed.

 

Shirkan ka socday Garoowe sadexdii cisho ee lasoo dhaafay ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee abid ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya waxaana ka qeybgalay Boqolaal Haween ah oo ay kujiraan Xildhibaano Haween ah oo katirsan Dawladaha Puntland,Somaliland,Ethiopia,Kenya & Jabuuti iyadoo ay sidoo kale joogeen Haween magacweyn kuleh geyiga Soomaaliyeed iyadoo ay Maanta dhamaan Haweenkii shirkan ka qeybgalay ku faraxsanaayeen sida wanaagsan ee uu shirkan ku bilowday islamarkaasna kusoo dhamaaday.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Urur ay ku midaysanyihiin haweenka Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay Garowe

 

Khamiis, 28 October, 2010 (HOL)- Shir mudo sedex maalin ah ugu socday Garowe haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee dalka iyo dibadiisa ayaa la soo gaba gabeeyay ,waxaana laga soo saaray go,aamo lagu taageerayo nabadda dalka.

 

Waxaa shirka intii u socday lagu soo hadal qaaday arimo ay ka mid yihiin xalinta dhibaatoyinka ka jira wadanka gudahiisa iyo dib u soo noolaynta qarankii lumay,iyadoo ay goob joog ahaayeen hay'ado caalami

ah.

 

 

Kulankaan oo ahaa kulankii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadaan haweenka soomaliyeed tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladii soomaliya ayaa waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen:

 

1 - In 25-ka bisha October ee sanad walba la dhigo baroor diiq.

2 - In beelaha dega Puntland ee ay colaaduhu ka dhexeeyaan in ay heshiiyaan sida ugu haboon.

3- Waxaanu DKMG ah ugu baaqaynaa in ay xaliyaan khilaafka soo noq noqday ee hagaldaaciyey qaranimada soomaliya.

 

Sidoo kale waxaa shirka looga dhawaaqay dalad ay ku midaysanyihin haweenka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo (Somali Women With out Borders),waxaana gudoomiye looga dhigay Marwo Caasho Cumar Geesdiir ookamid ahayd haweenkii ka socday gobolka banaadir .

 

Ugu danbayntii masuuliyiintii ka soo qayb gashay xiritaankii shirka ee ka socotay Puntland ayaa ku booriyay haweenka Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan horumarinta nabadda ,waxaana lagu wada ballamay in

shirarka noocaan ah sanadkii hal mar la qabto si looga wada hadlo dhibaatooyinka hadba jira.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Bosaaso,Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maashaallaah. It was called historic, landmark and one of its first. Somali Women without Borders what a way to conclude the all inclusive and international Somali Women conference in Garowe, Puntland State of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this