Sign in to follow this  
Sky

puntland oo roobka gu'ga sii fiican uga da'ay

Recommended Posts

SOO MAAL   

Gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn Ayaa Waxaa Wali Si Toos Ah Uga Da'aya Roobabkii Gu'ga.

Warkii: Apr 29, 2005

 

Laascaanood(Radiossc.com):-Waxaa wali si toos ah uga hooraya Raxmaadkii Gu'ga Gobollada Sool Sagaan iyo Cayn iyo guud ahaan Gobollada Puntland, iyadoo aan inta badan laga soo sheegin wax khasaaro ah oo ay gaysteen Roobabkani, marka laga reebo Gobolka Cayn oo isaga la soo sheegay in uu gaystey khasaare naf iyo maalba leh.

 

 

Roobabkan ayaa si is daba jooga ah uga da'ayey deegaanka, iyadoo uu buuxiyey inta badan Baraagaha iyo Balliyada kala duwan ee deegaamada uu roobku maansheeyey, waxaana la odhan karaa in raxmaadku uu si wagaansan uga da'ay inta badan Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn.

 

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa ka mid ah meelaha guushaba nasiibka u yeeshay in uu ka da'o raxmaadka Gu'gu, iyadoo ay Dooxooyinka iyo Togaga kala duwan ee hareeraha ka xiga magaalada ay buuxaan biyo fiicanina mareen.

 

 

 

Haddaba waxaa galabta u suurta gashay Web-site ka Radiossc.com inuu dibada uga baxo magaalada si uu u soo ogaado inta ay le'eg tahay barwaaqada deegaanka ka dhacday, isagoo u dhaqaaqay dhinaca waqooyi gaar ahaan goobta loo yaqaan Dhidinka iyo Buundada Xargaga.

 

Waxaanu goobtaas Radiossc.com ku soo arkay baraaqo fiican iyadoo ay Biyahu jiifaan balliyada iyo goobaha Biyo qabatinka ah, Waxaa iyadana ay biyhu qulqulayeen Buundada Xargaga, Waxaa ruux kasta oo nasiib u yeesha inuu booqdo goobahasi uu dareemayaa barwaaqo iyo doogsi ballaadhan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Daawo Sawirrada Raxmaadka ee uu soo qaaday Webka Radiossc.com ee galabta oo ay taariikhdu tahay 29/5/05.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qormadii: radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

is this the first time it rained there!! lol...

 

never mind! just kidding!! looks beautiful!! lol..its time for the annual bathing!! lol..

 

:D:D:D

 

yo! its a joke, dont shot me!! aigt!! redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this