Sign in to follow this  
Cowke

Beautiful Pictures Of Karkaar Region Greenery

Recommended Posts

Cowke   

Sawiro aad u qurxoon oo laga soo qaadey goobaha roobabku ka da’een

 

June 8, 2010

 

Akhriste ka mid ah akhristayaasha qiimiga leh ee Horseed Media ayaa gaarey goob ka mid ah goobaha roobabka lixaadka leh ka da’een ee deegaanka Qardho, akhristaha ayaa noo sheegay in uu socod ku tegay deegaanka Mindhiciro oo dhanka waqooyi 15km kaga beegan xarunta gobolka Karkaar ee Qardho, waxaana uu halkaas kula kulmey dad xoola dhaqato ah, waxaana uu ka soo direy sawiradan qiimiga leh iyo warbixinta hoose:

 

Bilihii aynu kasoo gudubnay,gaar ahaan bishii May waxa ka da’ay,deegaanada gobolka Karkaar roobab lixaad leh oo dad iyo duunyaba lagu diirsaday.Haddaba waxaan booqday dooxada Mindhicir oo hillaada 15km u jirta degmada Qardho,waxaan ku soo arkay barwaaqo ilaah ku minnaystay halkaasi,meel walba waxaa ka muuqday doog iyo xareed wadhan dhulka oo idil gaar ahaan ceelka Mindhicir.Waxaan waraystay mid ka mida xooladhaqatada halkaasi ku nool oo ii sheegay inaan la arag roob caynkana muddo ku siman soddomeeyo sano “Wali ma arag roob ka biriq iyo hanqar badan noloshayda oo runtii waanuba baqnay!” ayuu yiri ninkaas.

 

Waxaan sidoo kale waraystay Maxamed Jaamac dheere oo isagu inta badan dega deegaanka mindhicir waxaa wajigiisa ka muuqday farxad iyo rayraynta barwaaqada wuxuu ii sheegay inay xoolihii u darareen Lo iyo ariba oo la liswaayey ciirtuna jug leedahay

 

Dhinaca kale waxaan arkay haweenka oo ku ururuya geed wayn oo damala hadhkiisa si ay u akhriyaan waxa la yiraahdo MADIIXA oo haweenku akhriyaan xilliga bari samaaga waxay luuq dheer ku qaadayeen heeso iyo ereyo kala duwan oo af soomaaliya oo ay ilaahay uga shukrinayeen cirka hooray dartiis.

 

K. Awmuuse

Qardho

 

MOHAMED-JAAMAC-KAN-KALIYA-S.jpg

 

MINDHICIR-YARE.jpg

 

GABAR-ARI-LA-JOOGTA.jpg

 

IDO.jpg

 

LODA-MINDHICIR-2.jpg

 

LO-JOOGTA-MINDHICIR.jpg

 

Mindhicir.jpg

 

MINDHICIR-2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this