Sign in to follow this  
miles-militis

The first Somali Queen (ala Burco) – So why all the fuss?

Recommended Posts

The first Somali Queen (ala Burco) – So why all the fuss?

Miss Aamina Yuusuf (Ina Caaqil Yare) recently crowned herself as the first ever Somali traditional leaders, in other words Queen in the Somali context, in Burco. A Londoner, who wishes to spread the good old royal oats in old territory, created rather a stir not only amongst close family but also amongst traditional Somalis of male gender who denounced her crowning as an orthodox, sacrilegious, and unacceptable. How so? And why old the fuss?

 

A cultural transformation worthy to be noted, or a mere news making ploy to be ignored, yet interpretative of the Somali social structure.

 

....

Beesha Maxamed Sheekh Isaxaaq (Cimraan) Oo Bayaan Ka Soo Saartay Gabadh Isu Sharaxday Boqornimo.

Burco, Somaliland (Togdheer Online) - Waxaan bayaan na soo gaadhsiiyay qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka Beesh Cimraan, bayaankaas oo ay ka soo saareen gabadh ka tirsan Beeshooda oo isu sharaxday Boqornimo. Bayaankaas oo ay ku saxeexnaayeen 55 Qof oo isugu jira Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan Beesha. Bayaankaasi waxa magaalada Burco nooga soo diray weriyaha Shebekedda Togdheer Online ee magaalada Burco wuxuuna u qornaa sidan:

 

KU: Gudoomiyaha Gobolka Togdheer - Burco

Og: Gudida Nabad gelyada Gobolka - Burco

Og: Wakiilada saxaafada Gobolka - Burco

Og: Dhamaan Beelaha deegaanka Degmada Burco - Burco

 

UJ: Bayaan Beesha Maxamed Sheekh Isaxaaq (Cimraan)

 

Hadii aanu nahay Beesha Maxamed Sheekh Isaxaaq (Cmraan) waxa aanu u sheegaynaa dhamaan beelaha Somaliland iyo xukuumdda in ay jirto gabadh beesha ah oo isku sheegtay in ay isu sharaxayso (Boqorad) taas oo ah arrin aanay ogolayn diinta islaamku ceebna ku ah dhaqanka soomaalida loona jeedo in wax loogu dhiomo karaamada, sumcada iyo midnida beesha, isla markaana khalkhal lagu galiyo degenaanshaha iyo amaanka gobolka.

 

Beeshu markay iska aragtay kana shirtay arrintan iyada oo loo dhanyahay suldaan, cuqaal, waxgarad, culima awdiin, iyo guurti. Waxaa shirkaa ka soo baxay go’aamadan.

1. in ay beeshu ka midaysan tahay arrinka gabadhaas isku magacaabaysa boqorada in aan waxba ka jirin ismagacawgaas, sababahan awgood.

a) Diinta Islaamka oo aan ogolayn.

b) Dhaqanka Soomaalida oo ay ceeb ku tahay horena aan loogu arag

c) In ay arrintan keeneen dad beesha cadaw u ah kana dibada.

2. In ay beeshu go’aansatay in arrintan gacan buuxda wax laga Qabto cidii wada.

3. Inay beeshu ka midaysan tahay cidii munkarkaa iyo fawaaxishkaa baabi’inaysa ee difaacaysa sharafta beesha wax alaale wixii wax yeelo ah ee ka soo gaadha in ay bixinayso dhimasha iyo dhaawacba.

4. In cidii taageeraysa munkarkaas oo ah mid aan hore loogu arag looguna maqal Islaamka dhexdiisa ee wax ku noqota in aanay lahayn wax mag ah ee ay Hadur Tahay cidaasi ha ahaato Beesh gudeheeda ama haka baxsanaato ee.

 

Baaankaas waxaa ku saxeexnaa 55 qof oo isugu jira Cuqaal iyo waxgarad ayna ka mid yihiin.

 

1. Cali Cadaani Cali - Caaqil

2. Xuseen Cabdi Ciise - Caaqil

 

Axmed Aadan Yuusuf

Togdheer Online Correspondent

Burco, Somaliland

 

.....

 

“Haweenay Boqorad isu-caleemo saartaa waxay meel-ka-dhac ku tahay diinta islaamka iyo dhaqanka Saldannada” Suldaan Maxamuud Guuleed. Burco (Jam)- Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, oo ka mid ah madax-dhaqameedyada sare ee Gobolka Togdheer, gaar ahaan beelaha Bariga Burco, ayaa si kulul u cambaareeyey hindise ku saabsan haweenay la sheegay in ay isu diyaarinayso in loo caleemo saaro Boqorad, beel ka mid ah Bariga Burco.

Shir jaraa’id oo Suldaanku shalay uu ku qabtay magaalada Burco, waxa uu si adag uga soo horjeestay qorshaha haweenayda la sheegay in ay isu-diyaarinayso Boqoradda Beesha Cimraan.

 

Amuurtan waxa ay muran xoog leh iyo xiisad culus ka dhex oogtay beesha gabadhu ka soo jeeddo iyo guud ahaan magaalada Burco iyo degaanada la xidhiidha.

 

Suldaan Maxamuud Guuleed, hindisaha ah in haweenay isu-caleemo saarto Boqorad beeleed, waxa uu ku tilmaamay arrin meel-ka-dhac ku ah diinta Islaamka, dhaqanka suubban ee bulshada Somaliland iyo hiddo samida Saldanadda iyo madax-dhaqameednimada.

 

“Waa arrin aad iyo aad u fool xun, oo meel-ka-dhac ku ah diin ahaan iyo dhaqan ahaan ba, isla markaana khalkhal ku ah hannaanka hiddo samida Saldanadda, oo macno tiraysa milgaha madax-dhaqameedka,” ayuu yidhi Suldaan Maxamuud.

 

Wuxuu Suldaanku intaa ku daray, “Waxaanu u sheegaynaa bulshada reer Somaliland, xukuumadda, madaxda dalka, Salaadiinta in aanu ka soo horjeedno qorshahaa ay gabadha dumarka ahi ku dhawaaqday, oggolaana doonin, isla markaana shacbiga Somaliland, Salaadiinta iyo madaxda dalkuna aanay iyaguna oggolaan. Isla markaana mowqifkayagu qudh iyo qabiilo guud ahaan iyo gaar ahaan in aanu ka soo horjeedno oo aanan arrintan oggolaan doonin.”

 

Waxa kale oo Sudlaanku sheegay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay in la macno tiro Saldanadda reer Somaliland oo qaarkood la sheegay in ay soo jirtay 28 sannadood, tallaabadanina ay tahay tijaabo, taas oo uu xusay haddii ay fusho in ay ku xigi doonto in nin kasta oo madax-dhaqameed ah laga barbar sameeyo haweenay reerkooda ah, oo la dhinac fadhiisin doono.

 

“Tallaabadani waxay ahayd mid tijaabo ah waxaana xigi doonta in nin kasta oo Sudlaan ama Caaqil ah laga barbar sameeyo habar reerkooda ah, lana barbar fadhiisin doono. Marka ay halkaa gaadhana arrimahan oo aan la saadaalin Karin, wax badana ay soo bixi doonaan, wax walbana ay qabasho leeyihiin, marka hore waxa habboon in la ishortaago,” ayuu yidhi Sudlaan Maxamuud Guuleed.

 

Suldaanku, waxa kale oo uu tilmaamay in wararka soo baxaya arrintan ee ka imanaya gabadha qaraabadooda ay sheegayaan in tallaabadan haweenaydu ku doonayso Boqornimada ay ka dambeeyaan dad aynu kala diin nahay, “Balse,” ayuu yidhi; “arrintaasi ma aha mid aan anigu caddayn karayo.”

 

Ugu dambayn Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, waxa uu hadalkiisii ku koobay oo xukuumadda Somaliland u soo jeediyey in ay ilaaliso wixii nabadgelyo-darro keenaya, isla markaana ay masuul ka tahay ilaalinta dhaqanka, diinta iyo qiyamka ummadda, si aan khalkhal u gelin.

 

Intaas kadib suxufiyiintii ka qaybgalay shirka jaraa’id waxa ay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire weydiiyeen dhawr su’aalood oo la xidhiidha arrinta uu ka hadlay. Su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

 

Su’aal: Sudlaan, arrintan aad ka hadashay ee gabadha Boqoradda doonaysa ma arrin dhacday baa, mise waa mid sharraxan oo aan weli dhicin?

 

Jawaab: Inta wararka aan hayaa sheegayaan waxay isu diyaarinaysaa in is-caleemo saarto.

 

S/ Waxa jira warar sheegaya in gabadhu tilmaantay in aanay qabiil qudha u noqonayn Boqorad, ee ay u noqonayso dhammaan haweenka gobolka Togdheer, taas maxaad ka odhan lahayd?

 

J/ Sidaas way odhan kartaa, laakiin marka la eego magaca [boqor] waxa uu u taliyaa shacbi, balse ma arag, mana jirin jinsiga bani’aadamka ee ka kooban lab iyo dhedig oo qayb ka mid ah qof Boqor u noqdo ama madax u noqdo, waxayna iila egtahay in ay isleedahay dadka indhihiisa iska jeedi.

 

S/ Ma jirtaa xog dhab ah oo aad haysaan oo caddaynaysa in gabadha laga dambeeyo?

 

J/ Wax walba waxa innaga filan tallaabadan ay qaaday, oo dhaqan burburin ah, meel-ka-dhacna ku ah diinta.

 

S/ Ugu dambayn Suldaan, ma laga yaaba in adiga ujeeddaadu tahay difaacidda Saldanadda?

 

J/ Dabcan, taas lafteedu meesha waa ku jirtaa, maanta aniga ayaa haya, berrina cid kale ayaa qaban karta, waana wax ummaddu leedahay oo dhaqan ahaan ay waajib nagu tahay in aanu ilaalino.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

She is not a Queen but a Sultaanad

She is not the first Queen of Somalia

And the fuss is odyaashu don't want to share their shaah with dumarka. If you think about it, a sultan isn't even that important in todays Somalia, so I don't get why they making such a big deal. All they do is (if anything), nagee after politicians and demand that people in qurbaha send money to mend the problems created by the warlords.

 

I would personaly rather, if they had more women joining the politicaly active (with more voice than sultans)female groups. Like the one which has recently dictated that the Sultans to stay out of politics and pushed for the introduction of qabiil free (ambitious) form of politics. :eek: :eek:

 

I also read another article on the 'modern day araweelos', which referred very negatively to the ladies that have been atending the kenya talks.

 

It just goes to show that odyaashu get very paranoid markey islaamuhu politics afaareeyaan.. I wonder why?

 

If we had more females on board somalias politics than perhaps we wouldn't have so much blood spilt, definately there would be less insult rapes to women. Yes, yes, I understand (before ya'll point it out) that ladies such as Tatcher and the lovely :rolleyes: Winni Mandela do exist.

 

However, I honestly hold the conviction that what Somalia needs is dumar odayaasha kala habaya, we need people taht challenge the status quo..chnage is what we really need.

 

It is a dirty job, but some1 has to do it and if Amina Yusuf thinks she can do it. Then, let her... miidaanka haloo baneeyo (as they say In Burco) :D

 

It's a nothing ventured nothing gained type of situation ... Best wishs to Amina :D

 

p.s I think its high time we do away with this 'Sultan' position, it really is a waste of space :rolleyes: :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtilo   

First of all the so called blood shed isnt in Somaliland.

 

Second, she is the first I think in Somaliland, which is what counts, and we in Somaliland do have women in power, like Edna and countless others.

 

So maybe the problem isnt in Somaliland, but the neighbor to the south where there is blood shed and warlords.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ameenah - Sporting a rather feisty temper this morning, are you not my dear? Not your old mellow rather philosophical élan. Or is it the heat waves? Or perhaps just me?

 

Quite the contrary, recent trends indicate that Somali women have been inducted rather congenially to the political sphere and participation of discussions, political or otherwise in unprecedented rates relative to other deprived, developing countries. Somali women had been vigorous, vocal and valued, surely underrepresented considering their makeup in the population and role in the survival of the family unit after the collapse of the domestic structure (primarily that of the males) with the nation, in all aspects of the political (nominal) and social (dominant) settings. Their participation in support and influence in manner, though not as conspicuous, could have been noticed as far back as when Somali nationalistic movements of SYL and others in the north had been at their summit being – rather morphemic but hugely undervalued. Does not quite equate women being prevented from entering the arena, does it?

 

Sure we want more informed and educated women in all aspects of the Somali realm – when (prerequisite) the time is ripe and right with conditions permitting – as the present rather muddy moment is not quite receptive to our ladies.

 

She, by that I mean Ms Yussuf attested that she was a “Boqorad” with a capital “B”, and not a “sultaanat” which therefore makes her the very first femme fatale in recent history to make a claim for the post. I am hoping you are acquainted with the traditional Somali social hierarchical status and linear correlation with respect to the practices in some parts of the old country and applications of such terms as Boqor, Islaam, Garaad, Suldaan, BeelDaajiye, Caaqil etc? Did not the HJeclo a few months ago crown a “Boqor” (BuurMadow) for the first time? This in itself exhibits a rather cultural dilution of sorts: nothing short of the repercussion and unpleasant resultants of the Barre regime’s deliberate communal subjugation to dilute the conventional cultural/social structure in eradicating “qabiil” in the Somali context with the concoction of unprecedented clique heads to forge representational bodies receptive to his theological rationale, in line with his governmental framework, and supportive of manipulative tribal disintegration of the traditional culture. Here, you had an absolute disintegration of the very fabric that binds communities with view of not only thrusting social strangulation whilst furthering wretched political cause, but also planting seeds of rancour acrimonious in nature and segregate in principal amongst closely knit cliques solely to weaken their resolute, thereby strengthening his rather asphyxiate grip.

 

Change for the sake of change – rather detrimental, would you reckon?

 

Ameenah – on one side it seems you are advocating for supporting Ms Yussuf in her endeavours, and in another you seem to be promoting the abolition of “Isims” altogether. Did I misread your views? And if the latter theme was to be adopted, what would you replace it with, and how would you abolish it? And why would you wish to do away with something that had worked better than any other proposed systems or forms of governance for the Somalis. Case in point – Puntland and Somaliland systems of governments both had been formulated around the customary mechanism – shaped and sanctioned by the “Isims/Guurti” respectively. The reason southern region failed in their countless efforts had been the lack, and not the otherwise, of it. Do you see the predicament here? Besides, the trouble is not with the traditional Isims/Guurti, rather with the creation of pseudo-Sultaans (Jr Sultaaans) - ala Barre regime – who tend to wily nily their ways in and out of situations without much finesse and ulterior motives, political or otherwise. Besides, traditional Isims hardly participate in the political matches with exception of few who had been known to have fallen prey to the manipulative Jr Sultaans’ games of playing for both teams, and handing cards at the same table. Rather disastrous if you ask me!

 

Humble reading of the points raised,

Cheers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this